Roob Weyn Oo Galabta Ka Da’day Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

Laascaanood (Somaliland.Org)-Roobkii Gu’ga ayaa maanta ka curtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana ka dayay roob weyn oo ka da’ay sodameeye daqiiqadood. Kaasi oo biyo dhigay xaafadaha kala duwan ee magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda.

Roobkan ayaan geysan wax khasaare ah sida uu ku soo waramayo weriyahayaga gobolka Sool, waxaana roobkan ILAAHAY uga mahad celiyay dadweynaha ku dhaqan magaaladda Laascaanood.
Sidoo kale, roobka gu’ga ayaa sadexdii maalmood ee la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga da’ay deegaamo ka mid ah gobolka Sool oo ay ka mid yihiin Aw-boogays,Taleex, Xallin iyo Tuko raq, oo ka mid ahaa deegaamadii ay abbaarta iyo biyo la’aanta ugu badani ka jirtay.roobkan ayaa la sheegay in xoolo dhaqatada qaarkood ay ka le’deen adhigii tamarta darnaa ee dirqi kaga soo doogay abaartii kululayd ee ka jirtay jiidaasi.

Sidoo kale, wararka ka imanaya Buuhoodle ayaa sheegaya in duleedka Buuhoodle ay ka da’een roobab wanaagsani hase yeeshee ay ku yaraayeen gudaha magaalada Buuhoodle.

Dhinaca kale roobab wanaagsan ayaa ka da’ay deegaamo ka mid ah gobolka Saraar oo ay ka mid yihiin Degmada Caynabo,Habari heshay iyo Tukub.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com