Kuwait:Ahmiyada Socdaalka Madaxweynaha Iyo Dhaq-dhaqaaqa Jaaliyada Somaliland

Kuwait (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee dalka Kuwait Saleebaan Xaaji Maxamed, ayaa sheegay in Weftiga Madaxweynaha Somaliland ee socdaalka shaqo ku jooga dalkaasi ay habeen dambe Hudheelka ay degan yihiin kula kulmi doonaan jaaliyada ku dhaqan magaalada Kuwait.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in meeqaam sare ay dawlada Kuwait u soo dhawaysay weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaanu tilmaamay in weftigu ku gudo jiro hawl maalmeedkoodii shaqo.

“Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Kuwait waxay weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo loo xil saaray Guddi khaas ah oo ka kooban todoba xubnood oo aan Anigu Guddoomiye u ahay, waxaanu uga mahad celinaynaa dawlada Kuwait meeqaamka sare ee ay ku soo dhawaysay Madaxweynaha iyo sida ay u danaynayso weftigiisa. Wadanka Kuwait waxa ku nool jaaliyad tiradooda lagu qiyaasay 3500 oo qof oo reer Somaliland ah, waxaana aanu diyaarinaynaa kulan balaadhan oo Madaxweynaha iyo jaaliyadu ay isku xog waraysanayaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee wadanka Kuwait oo caawa u waramayay Idaacada Radio Hargeysa.

Saleebaan Xaaji Maxamed, waxa uu ku dooday in socdaalkan Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee dalka Kuwait uu yahay mid taariikhi ah waxaanu ku dooday inuu albaab cusub u furi doono iskaashiga iyo wax wada qabsi balaadhan oo ay yeeshaan labada qaran.

Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ee dalalka Khaliijka ayaa salka ku haya hirgelinta barnaamij siyaasadeedkii xisbiga tallada haya ee KULMIYE uu u soo bandhigay ummadda reer Somaliland mudadii lagu jiray olalihii doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee kal-hore, kaasi oo dhigayay in xukuumaddu culays saarto xidhiidhka Somaliland la leedahay dunida carabta oo labaatankii sanadood ee dalkani madax banaanidiisa kala soo noqday Soomaaliya aad u hooseeyay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com