Cuqaasha Saaxil Oo Ka Hadlay Khilaafkii Ka Dhashay Maamulka Jaamacada Culuumta Badda Berbera

Berbera (Somaliland.Org)-Qaar ka mid ah cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Saaxil ayaa maanta ka hadlay khilaaf ka dhashay maalmihii la soo dhaafay Hoggaanka cusub ee Maamulka Gobolka Saaxil u magacaabay Jaamacadda culuumta badda ee magaalada xeebta ku taalla ee Berbera, kaasi oo Guddidii hore ee gacanta ku haysay oo ay Hoggaaminaysay Marwo Faadumo Siciid ay gaashaanka ku dhufteen qaraarkii lagu bedelay.

Cuqaal ka tirsan deegaanka Gobolka Saaxil oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Berbera ayaa sheegay inay dedaal u galeen sidii ay xog ogaal ugu noqon lahaayeen mowduuca khilaafku ka dhashay waxaanay sheegeen in Jaamacadaasi ay tahay mid dawliya, iyagoo taageeray go’aankii Badhasaabka Gobolka Saaxil uu ku magacaabay Hoggaanka cusub.

Jiif Caaqil Axmed Maxamuud Cawad (Ina Caaqil Yare) oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id wuxuu yidhi “Marka hore waxaanu nahay cuqaashii galbeedka Gobolka Saaxil waxaanu halkan (Berbera) u nimid waxa aanu aheyn gurmad ku waajahanaa murankii ayaamahanba taagnaa ee u dhexeeyay gudidii hore ee jaamacada Berbera iyo maamulka gobolka murankaas oo aanu damacsanayn in aanu soo afjarno ta labaad waxa iyana aanu islaheyn hablihii jaamacadda gudida ka ahaa oo iyana cabasho noo keenay iyagana waxay ka cabanayaan bal iyana inaanu u kuur-gallo. habluhu waxay noo sheegeen in ay jaamacadu tahay mid iyagu haysteen oo (Private)ah oo aanay dawliba aheyn oo laga qaadayo markii aanu halkan nimid waxay aanu kulamo la qaadanay maamuladii Gobolka oo dhan gaar ahaan Maamulka gobolka,maamulka Degmada iyo cidii hawshani khuseysay oo dhan anaga oo kulamo gooni gooni iyo kulamo caamaba la qaadanay waxa aanu marka hore ogaanay in gudidani hablaha ahi yihiin kuwii asaasay jaamacadda culuumta badda ee Berbera laakiin aanay iyagu jaamacadda gaar u laheyn wax Private layidhaana aanu jirinba.”

“Jaamacadaasi dhismeheedana wax ka qeyb qaatay bulshada reer Saaxil oo dhan gudo iyo dibadba laakiin hablahani fikirka ayay keeneen wax weyna way qabteen sida noo sheegen madaxda magaaladu waxaanay madaxdaasi sheegeen in hablaha lagu xusi doono jaamacadda mar walba oo taariikhda jaamacadda ay iyagu ku suntan yihiin,”ayuu yidhi Jiif Caaqil Axmed Maxamuud Cawad.

Caaqilku wuxuu sheegay in markaasi ay go’aansadeen inay caddeeyaan inay taageersan yihiin mowqifka maamulka Gobolku ka qaatay jaamacadda isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Markaa wixii aanu ogaanay iyo wixii noo soo baxayba hablihii waanu u sheegnay ka dibna waxaanu go’aansanay inaanu muujino dareenkaygii oo waliba aanu taageerno maamulka Gobolka sidaas ayaanu maanta u qabanay shirkaygan.”

waxa iyaguna halkaa ka hadlay oo taageeray waxgarad kale oo ay kamid ahaayeen Caaqil Rashiid iyo Suldaan Cabdilaahi Ismaaciil (Cabdilaahi direys), Caaqil Cabdi Xaaji Xassan, Caaqil Cumar Diiriye iyo Caaqil Cali Cismaan Samatar, waxaanay sheegeen in jaamacadaasi ay tahay mid dawladu leedahay oo aanay ahayn jaamacad gaar loo leeyahay. Waxaanay taageereen go’aankii maamulka gobolka Saaxil uu Guddi cusub ugu magacaabay jaamacada culuumta badda ee Berbera.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com