Maxkamada Gabilay oo Xukun Adag Ku Riday Nin Lunsaday Hanti Qaran

Gabilay (Somaliland.Org)-Maxkamadda gobolka Gabilay ayaa maanta Xukuntay Cabdi Iimaan Taani oo lagu helay inuu juwano been abuur ah oo uu cashuur kaga guri jiray dadweynaha ku dhaqan magaalada Gabilay. Ninkani wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha cashuuraha ee dawlada Hoose ee Gabilay.
Maxkamadda Gabilay waxay ku xukuntay sanad iyo badh xadhig ah oo aan iib lahayn iyo inaanu shaqo dambe oo dawladeed qabanin.
Maxkamadu kale oo ay amartay inuu bixiyo lacagtii uu lunsaday oo ku dhow toban Milyan oo shilinTallaabadani waxay noqonaysaa xukunkii ugu adkaa ee sanadahan ay Maxkamadaha dalku ku xukumanaan Hawl wadeenadda laamaha dawlada ee xalaashaday musuqmaasuqa .

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com