Madaxtooyada Somaliland oo casho sharaf u samaysay 12 arday oo ka mid ah Jaamacada Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)-Xaflad casho sharaf ah oo si baladhan loo soo aggaasimay laguna maamusayey 12 arday oo ka mida ah ardayda wax ka barata jaamacada Hargeysa ayaa xalay lagu qabtay hotelka Maansoor ee magalada Hargeysa.

Xafladan oo qaban qaabisay madaxtooyada jamuuhriyada Somaliland , ayaa u jeedadeedu ahayd sidii loo dhiiri galin lahaa 12 kaasi arday ee ka mida ah, ardayda wax ka barata jaamacada Hargeysa oo iyagu soo kordhiyey Qaamuus afka soomaaliga isku turjumaya ,kaasi oo ka koobanaa 20,000 kun oo eray.

Furitaaankii munaasibadaasi waxaa ugu horeyn hadal kooban oo mahadnaq iyo dhiirigelin isugu jirtay ka jeediyey Mareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyada Marwo : Aamina Maxamuud Diiriye oo sheegtay , ina lagamaarmaan u arkaan in la dhiiri galiyo , loona mahadnaqo ardaydaasi maadaama ay soo kordhiyeen Qaamuus afka hooyo ee soomaaliga ah isku turjumaya isla markaana door muhiima ka qaadan doona kobcinta afka soomaliga .

Marreeyaha samafalka madaxtooyada Marwo Aamina Maxamud Diiriye waxaaa kale oo ay xustay in madaxtooyada ay tix galin iyo maamus gaar ah u hayso dhalinyarada soomaaliland marka loo eego ayey tidhi doorkii wax ku oolka ahaa ee ay dhalinyartu ka soo qaateen guushii uu xisbiga kulmiye ka soo hoyey doorashadii madaxtinimada dalka Somaliland sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha jamacada hargiesa Prof: muuse cabdi cilmi oo ka xog waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay ardaydu ku soo qaateen taabo galinta hawhan.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay , abwaan maxamed xashi dhamac ( gariye) iyo abwaaan Mohamed aden (dacar) oo labaduba si qoto dheer uga waramay marxaladiihii kala duwaanaa ee loo soomaray qorista afka somaliga ah.

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye muj: Buuse Biixi Cabdi oo isaguna madashaasi hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa ku amaanay ardayda wax ka baratay jamacada hargiesa iyo macalimiintoodaba talaabada wax ku oolka ah ee aya soo kordhiyeen marka loo eego dhinaca kobcinta iyo horumarinta afka somalilaga waxaa kale oo uuu gudoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid muuse biixi uu ku amaanay madaxtooyada Somaliland dhiiri galinta ay umada u muujiyeen dhalinyaradaa wax ka barata jamacada hargiesa university waxaanu ku boogadiyey gudoomiyuhu in ay ardaydaasi sii laba labaan dedaalka ay ugu jiraan ka midho dhalinta hadafkooda .

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraaha mudane Maxamed Ibraahim Madar oo gabogabadii xafladaasi isaguna hadal kooban ka soo jeediyey ayaa sheegay ina xukuumada uu ka mid yahay ay dedaal xoogan ugu jirto in ay horumariso dhalinyarada Somaliland waxaanu ku boogadiyey ardaydaasi inay sii xoojiyaan doorkooda wax qabad iyo sii kordhinta qamuuska afka somaliga ah waxana halkaasi ku gudoonsiyey 12kaasi arday iyo xubno ka mid ah macalimiinta iyo maamulka jamacada hargiesa shaahaadooyinka ay madaxtooyada Somaliland ugu talo gashay inay ku dhiiri galiso ardaydaa

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com