Badhasaabka Xeer Ilaalinta Ku Eedeeyay Inay Shaqadoodii Ka Gudan Waayeen Baadhistii Hantidhawrka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Badhasaabka Gobolka Gabilay Rashiid Cumar Sheekh Muxumed, ayaa sheegay in xeer ilaalintu ay shaqadoodii ka qabsan weyday hawshii baadhista Hanti dhawrku ka waday laamaha dawlada ee gobolkaas.

Badhsaabku wuxuu sheegay in bil kasta ay Degmada Gabilay ay u soo xaroodaan dakhli dhan 150 kun oo Dollar, oo aan waxba loogu qaban shacbiga, waxaanu tilmaamay inay nasiib darro tahay in dugsiyada waxbarashada qaarkood ay fadhiyaan fasalkiiba 124 arday.

Rashiid Cumar Sh, Muxumed wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyay shabakada wararka ee Somaliland.Org waxaanu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Nabadgelyada, horumarka iyo siyaasadaba, waxaanu u dhacay sedan:-

S: Waxaad nooga warantaa guud ahaan xaalada gobalka ee xiligan?

J: Guud ahaan xaaladdu aad bay u fiican tahay roobabkii way ka curteen inkasta oo ay xaga waqooyiga u badnaayeen xaga koonfurta waxaa jira Ceelal abaarihii aad loo manaafacsaday oo hawdka gobolada maroodijeex hawd iyo xuduudka itoobiya si fiican looga cabaayay. xaga nabad galyada oo inta badan aan anigu qaabilsan nahay aad bay u fiican tahay oo gobalka waxaa jiray laba meelood colaadi ka taagnayad waxaanay kala ahaayeen Ceel bardaale iyo Caada allxamadu lilaahi waxaanu soo gaadhsiinay meel ay dad kii wada nool yihiin waxaana ku rajo weynahay in wajiga labaad aanu dhawaan bilowno ALLE waxaan ka baryayaa in deegaanadaasi aanu nabad waarta ka samayano waxaa kale oo aanu hawlaha nabadaynta gaadhsiinay deegaanada agabar,iyo lughaya oo markii hore laga xukumi jiray Gabilay meel fiican ayay maraysaa nabadgelyadeedu.

Xaga siyaasada waad ka warqtaan qoladiina warbaahintu in dhalinyarada goblada Gabiilay, Awdal iyo Salal ay soo saareen baaqyo ku dhiirgalinaya in waxay wad qabsadaan aniguna fikirkaa waan qabaa in nabad galyada, waxbarshada iyo horumarka guud ahaan Gobolada Somaliland oo dhami iska kaashsdaan waana siyaasad dawlada cusubi ku shaqaynayso.

Haddii aan ka waramo dhinaca horumarka Gobolka Gabilay Degmooyinka Wajaale .Allyabaday.Arabsiyo waa meelo ku dayasho mudan dawladuna way ka warqabtaa waxaana og hantidhawrka xisaabiyaha waa ka markhaati inkasta oo dakhligoodu yar yahay hadana wax ay si fiican u maamulaan intaa yar ee soo gasha waanan ku ammaanayaa sida ay u shaqeeyaan horumarkuna wuu iman doonaa Laakiin waxay dhibaato ka jirtaa degmooyinka Abar iyo Geed-balaadh oo aanay jirin xataa qalabkii xafiisyadda inkastoo aanu Ha’yado wax uga qaadnay hadana dhibaato way jirtaa.
Halkase ay sartu ka qudhutay waa Gabiilay oo ah hooyadii ay ka farcameen degmooyinkaasi waxaan jooga xidhibaanadii 21 xubnood ahaa ee Golaha deegaanka halka fadhiidka noqotayna waa gabilay ee xilkeedii gabatayna waa Gabilay.

.Gabilay waxaa soo gala dhaqaale badan bishiina waxaa soo gala ilaa 150 Kun oo Dolar. Waxa dhacday inaan lacagtaa hal fasal ardayda looga dhisin.
baylahda ka taaganina way badan tahay waxaana jira in ay fasalada qaarkood ay fadhiyaan 124 Arday galas qudha.
cusbitaalkii waxaa iiga imanaysa cabashooyin ku mana fila marka la eego dakhliga soo gala D/Hoose ee Gabilay inta ay dhakhtarka siisaa.

S: Waxaad nooga warntaa halka uu ku danbeeyay baadhitaankii hanti dhawrku waday?

J: Hanti-dhawrku shaqo fiican ayay qabteen waanan ku ammaanayaa shaqadaa ay guud ahaan qaranka u hayaan. Waxaadse moodaa in aanay dawladu wada shaqayn waxa jira in kolba meeli si fiican u shaqayso in meel kale fadhiisanayso imikana waxa ay hawshaasi ka dhaqaaqi la’dahay oo shaqadoodii qabsan waayay xeer ilaalinta kiiskii iyo baadhsitii way dhan yihiin dad la xidhxidhayna way jiraan qaar dibada jooga oo aan la qabanina way jiraan.

S: Waxaad nooga warantaa wadooyinkii aad dhawaan dhagaxa dhigteen ee magaalada Gabilay gudaheeda halka ay marayaan dhismahoodii?

J: Horta dhagxaanta UDUB way dhigi jirtay wadadaana waxaan ogahay in markii qandaraaska la bixinayay in aan si fiican loo maamulin lagana ha dhimaayo wax kasta oo ku baxa. waxaanad mooda in shakhsi sigaar ah loo siiyay man jiro qandaraas la baahiyay oo loo tartamay.

waxaanay ahayd in si xor ah loogu tartamo guud ahaan muwaadiniinta Somaliland inta danaynaysa dhismaha wadadaas.

S: Maxaad kaga jawaabaysaa cabasho odayaal ka soo jeeda Gabilay oo Hargeysa u yimid dacwad adiga kaa dhan ah?

J: Odayaasha waxaan u soo jeedinayaa in aanay maanta ahayn maalintii ay kolba laba oday odhan jireen hebel hala iga bedalo. waxaanay waxaas oo dhami ka dhacayaan waa dano shakhsi ah

Odayaashu waxay isugu jiraan sadax qolo dhamaan waa nabad diid iyo qolyo taageerayay in hantida ummada sidii hore loogu cuno taasna cid aan ka laaluushayaa ma jirto dad ka gobalkana waxaan u soo jeedinayaa in ay u feejignaadaan cida u shaqanaysa iyo cida ka shaqaysanaysa.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com