Xafiiska Somaliland Ka Furanayso Raasul Khayma Muxuu Soo Kordhin Karaa?

Labaatan sannadood oo albaabadda dunidda Carabtu ka xidhnaayeen Somaliland, waxa Madaxweynaha afraad ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku guulaystay furihii iyo biriishkii uu u mari lahaa dunida Carabta, ka dib markii maamuleyaasha Imaaraadda Raasul Khayma ee dalka Isku taga imaaraadka Carabta ku qanciyay in Somaliland ay xafiis ganacsi iyo siyaasadeed ka furato imaaradaas.
Isagoo fulinaya barnaamij siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE u soo bandhigay ummadda reer Somaliland xiligii lagu jiray olalaha doorashada oo dhigayay in ahmiyad weyn la siiyo sidii loo kasban lahaa iskaashi qarankan curdinka ahi la yeesho dunida Carabta oo xidhiidhkoodu macno weyn ugu fadhiyo Somaliland oo u xusul duuban sidii ay beesha caalamka oo dhan u kasban lahayd. Waxa uu socdaalkii labaad ee uu ugu baxo dalka dibadiisa tan iyo markii uu la wareegay tallada dalka uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo uu ka helay marti-qaad rasmi ah.
Waxaanu kulamo la yeeshay 17-kii bishan Wasiirka Waxbarashada Imaaraadka Carabta Sheekh Maansuur Binu Zayid Al- Nahyaan, oo qasrigiisa ugu sameeyay marti qaad balaadhan oo ay goob joog ka ahaayeen illaa 50 shirkadood oo kamid ah sharaa’iga ganacsiga ee dalkaasi iyo kuwo ajanabi ah oo laamo ku leh dalkaasba.
Wasiirka Waxbarashadu waxa uu kulankaasi ka sheegay inuu ka dheregsan yahay heerka Somaliland taagan tahay oo ah qaran dimuqraadi ah oo ka jira gobol wadcigiisa siyaasadeed adag yahay duruufo adagina ku gadaaman yihiin, waxaanu tilmaamay in dalkiisu ka go’an tahay inuu wax la qabto Somaliland oo uu ku sifeeyay meel u qalanta in la maal gashado.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu maamuleyaasha Imaaraadka Carabta u bayaamiyay marxaladihii Somaliland soo martay waxaanu ku guubaabiyay inay maal gashi ku sameeyaan Somaliland oo khayraadkiisu dihin yahay, si dhalinyarada ka soo aflaxaysa jaamacadaha iyo dugsiyada sare loogu abbuuro fursado shaqo oo nolashooda wax ka tara.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu kulamo la yeeshay Wasiirka Madaxtooyada Sheekh Maanuur Binu Zayid Dalkaasi 18-kii bishan waxaanu uga waramay xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay Carabta iyo shacbiga Somaliland oo soo noolayntiisu xiligani daruuri u tahay Somaliland iyo dunida Carabtaba.
Dadka odorasa siyaasadda Carabta ayaa aaminsan in socdaalka Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ay bilow wanaagsan u tahay sidii Somaliland cilaaqaad adag ula yeelan lahayd wadammadda Khaliijka Carabta iyadoo u sii maraysa dalka Imaaraadka oo xudun u noqday siyaasada, iyo ganacsiga Carabta iyo reer galbeedka.
Faaleeyeyaasha siyaasaddu waxay qabeen in xafiiska Raasul khayma u ogolaatay inay Somaliland xafiis ka furato imaaradaasi uu yahay guusha ugu weyn ee midhaha socdaalka madaxweyne Axmed Siilaanyo ka soo baxday.
Dadka fikradan qabay waxay aaminsanaayeen in Dalalka Khaliijku ay Somaliland ka taageeri karaan qodobadii uu Madaxweyne Siilaanyo hor dhigay ee la xidhiidhay horumarinta biyaha, caafimaadka, warshadeynta iyo maalgashiga caalamiga ah isla markaana mashaariicdoodu ka tayo iyo dheef badan yihiin mashaariicda dalalka reer galbeedka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxa xiligan xukuumadda Somaliland hor yaala inay la timaado maskax ay ku maasho waddamada Carabta oo ahaa xiliyadii hore cadowga koowaad ee qadiyada Somaliland ka hor yimid. Iyagoo diidanaa in la kala fur furo midnimaddii dalka Soomaaliya ee caalamku farro madhan ka taagan yahay.

Waxa kale oo xukuumadda Somaliland haysataa fursad kale oo ah in Hoggaamiyeyaashii dalalka waqooyiga Afrika ee diidanaa Madax banaanida Somaliland uu wakhtigu haraatiyay oo qaarna talladii laga tuuray qaarna sii ciirciirayaan. Taasina ay hoos u dhigayso dagaalkii siyaasadeed ee ee Husni Mubaarik,Col. Qadaafi iyo Al-bashiirka Suudaan ku doc wareemayeen madaxbanaanida Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com