Taliyihii Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka Sool Oo Galabta Lagu Toogtay Laascaanood

Laascaanood (Somaliland.Org)- Taliyihii ciidanka Nabadgelyada wadooyinka ee gobolka Sool oo Aadan la yidhaahdo, ayaa galabta ku dhaawacmay rasaas ay ku fureen dablay hubaysani, xili uu sii galayay gurigiisa magaalada Laascaanood. Sarkaalkan oo ay ku dhaceen laba xabadood waxa uu ka jabay Bowdada sida uu shabakada wararka ee Somaliland.Org u sheegay Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac […]

Sidee Ayuu u Dhacay Arooskii Amiir William iyo Kate Middleton?

Ilaa 2000 oo marti-sharaf ah ayaa lagu casuumay oo ka soo qayb galay arooska reer boqor, waxay iskugu jireen qoyska boqortooyada, qoyska reer Middleton, saaxiibada Kate iyo William, dad magac iyo sharaf ku leh dalkan Britain iyo debadda, iyo weliba madax ka kala socota ilaa 50 dal. Dad iyaguna lagu qiyaasay ilaa 600,000 oo ka […]

Hargeysa: Hal Qof Oo Ku Dhintay Qumac Qori Oo Ku Qarxay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Alle ha u naxariistee waxa maanta ku dhintay magaalada Hargeysa Marxuum-Xasan Cabdi Cigaal ka dib markii uu qumac qori oo yaalay gurigiisa agtiisa ku qaraxay maanta duhurkii. Marxuumkan oo kon jir ahaa waxa ku qaraxday qumucaasi ka dib markii uu dab ku shiday Tiin ka baxay gurigiisa agtiisa oo qumacaas ku qarxayna ku […]

Sarkaal Boolis Ah Oo Caawa Lagu Toogtay Magaalada Laascaanood

Laascaanood (Somaliland.Org)- Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ee gobolka Sool oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Muuse Cawad,ayaa caawa fiidkii lagu dhaawacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka dib markii dablay hubaysani ay rasaas ku fureen markii uu ka soo baxay masaajid ku yaala koonfurta magaaladaasi oo uu ku tukaday salaadii Makhrib. Sarkaalkan ayaa dhaawaciisu culus […]

Xukuumadda Oo Magacowday Guddida Qaban qaabada Sanad guuradda 20-aad Ee Madax banaanida Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna Ku Simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magacaabay Guddi heer qaran ah oo agaasinta munaasibadda dabaal dega sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland madax banaanideeda kala soo noqotay dalkii ay hore ula midowday ee Soomaaliya. Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed caawa ka […]

Kuwait:Ahmiyada Socdaalka Madaxweynaha Iyo Dhaq-dhaqaaqa Jaaliyada Somaliland

Kuwait (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee dalka Kuwait Saleebaan Xaaji Maxamed, ayaa sheegay in Weftiga Madaxweynaha Somaliland ee socdaalka shaqo ku jooga dalkaasi ay habeen dambe Hudheelka ay degan yihiin kula kulmi doonaan jaaliyada ku dhaqan magaalada Kuwait. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in meeqaam sare ay dawlada Kuwait u soo dhawaysay weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed […]

Roob Weyn Oo Galabta Ka Da’day Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

Laascaanood (Somaliland.Org)-Roobkii Gu’ga ayaa maanta ka curtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana ka dayay roob weyn oo ka da’ay sodameeye daqiiqadood. Kaasi oo biyo dhigay xaafadaha kala duwan ee magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda. Roobkan ayaan geysan wax khasaare ah sida uu ku soo waramayo weriyahayaga gobolka Sool, waxaana roobkan ILAAHAY uga mahad celiyay […]

Maxkamada Gabilay oo Xukun Adag Ku Riday Nin Lunsaday Hanti Qaran

Gabilay (Somaliland.Org)-Maxkamadda gobolka Gabilay ayaa maanta Xukuntay Cabdi Iimaan Taani oo lagu helay inuu juwano been abuur ah oo uu cashuur kaga guri jiray dadweynaha ku dhaqan magaalada Gabilay. Ninkani wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha cashuuraha ee dawlada Hoose ee Gabilay. Maxkamadda Gabilay waxay ku xukuntay sanad iyo badh xadhig ah oo aan iib lahayn iyo […]

Badhasaabka Xeer Ilaalinta Ku Eedeeyay Inay Shaqadoodii Ka Gudan Waayeen Baadhistii Hantidhawrka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Badhasaabka Gobolka Gabilay Rashiid Cumar Sheekh Muxumed, ayaa sheegay in xeer ilaalintu ay shaqadoodii ka qabsan weyday hawshii baadhista Hanti dhawrku ka waday laamaha dawlada ee gobolkaas. Badhsaabku wuxuu sheegay in bil kasta ay Degmada Gabilay ay u soo xaroodaan dakhli dhan 150 kun oo Dollar, oo aan waxba loogu qaban shacbiga, waxaanu tilmaamay […]

Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Dhisayso Jid Isku Xidha Somaliland Iyo Jabuuti

Hargeysa(Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md. Axmed Caydiid, oo maanta xog-warran siiyey Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa ka warramay qorshayaasha Wasaaraddiisa ee dhinaca horuamrinta waddooyinka, isla markaana waxa uu sheegay inay ku tala-jiraan sidii loo samayn lahaa Jidad isku xidha Hargeysa iyo Burco, Somaliland iyo Jabuuti, Berbera iyo Ceerigaabo, […]

Xafiiska Somaliland Ka Furanayso Raasul Khayma Muxuu Soo Kordhin Karaa?

Labaatan sannadood oo albaabadda dunidda Carabtu ka xidhnaayeen Somaliland, waxa Madaxweynaha afraad ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku guulaystay furihii iyo biriishkii uu u mari lahaa dunida Carabta, ka dib markii maamuleyaasha Imaaraadda Raasul Khayma ee dalka Isku taga imaaraadka Carabta ku qanciyay in Somaliland ay xafiis ganacsi iyo siyaasadeed ka furato […]

Shirkadda Dahabshiil Oo Ka Hadashay Maal gelinta warshad Sibidhka Saaxil

Hargeysa (Somaliland.Org)-Maamulaha Guud ee shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo xalay ka hadlay xaflad uu ka qayb galay oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayey ardaydii iyo dadkii ka qaybgalay tartankii toddobaadka dhaqanka ee dhawaan la soo gebo-gabeeyey, waxa uu ka waramay ujeedooyinka ay ka leeyihiin maalgelinta warshada Sibidhka ee Saaxil. Cabdirashiid waxa uu sheegay in warshadda […]

Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Warfaafinta Oo Beeniyay Is Faro-saareen Iyo Nuxurka Is-difaacooda

Hargeysa (Somaliland.Org)-Agaasimeyaasha TV-ga Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa ayaa warsaxaafadeed wada jir ah oo ay caawa soo saareen waxay ku beeniyeen inay is faro saareen, waxaanay ku doodeen in xidhiidh wada shaqo iyo iskaashi ka dhaxeeyo. Labadaasi masuul waxa kale oo ay qoraalkooda ku sheegeen in Wasaaradoodu ku hawlan tahay horumarinta […]

Wasiirka Cadaalada Oo Sheegay Inaanay Masiirka Awdal Aanay Go’aamin Karin Shakhsiyaad Qurbo-joog Ahi

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland Prof. Ismaaciil Muumin Aare, ayaa maanta jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay shakhsiyaad Somaliland diid ah oo ka soo jeeda qurbo jooga gobolka Awdal, kuwaasi oo sheegay inay qorshaynayaan sidii Maamul gaar ah ay ugu sameyn lahaayeen Gobolka Awdal. Wasiirka Cadaalladda oo maanta shir jaraa’id ku […]

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kormeer Ku Soo Maray Qaar Ka Mid Ah Haayadaha Dawlada

Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Saylici) ayaa abaaro 9:00 subaxnimo ee saaka waxa uu booqasho kormeer indho-indhayn ah kusoo maray qaar ka mid ah Hay’adaha dawlada. Ugu horayn Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland waxa uu ku horeeyay Hay’adda Korontada Dawlada, halkaasi oo uu ku soo wareegay […]

Shan Ka Mid Ah Shirkadaha Isgaadhsiinta Oo Gaadhay Heshiis La Xidhiidhka Isku Xidhka Telefoonada

Hargeysa(Somaliland.Org)-Shan ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ayaa soo saaray heshiis la xidhiidhka isku xidhka isgaadhsiinta, si shacbiga looga dul qaado culayska ka haysta isku xidhnaan la’aanta shirkada isgaadhsiinta. Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Guddida wada jirka ah Isgaadhsiinta shirkadaha Jaamac X. Maxamed Cigaal, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:_ “War […]

Guddida Joogtada Ee Guurtida Oo Warbixin Ka Dhegaystay Masuuliyiinta Ciidanka Asluubta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddi hoosaadka joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta warbixin la xidhiidhay Ciidanka Asluubta iyo Xabsiyada dalka ka dhegaystay mas’uuliyiinta Ciidanka Asluubta. Mas’uuliyiinta ee Guddida Joogtada warbixinta siiyay waxa Hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Maxamed Xuseen Faarax, Taliye ku xigeenka Xasan Cali Cawad iyo Hoggaanka Xabsiyadda ee Ciidanka Asluubta. Waxaanay hoggaanka ciidanka asluubtu […]