Archive for March, 2011

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kulan la Yeeshay Fanaaniinta Qaranka

Thursday, March 31st, 2011 Comments Off

Hargeysa ( Somaliland.Org)-Madaxweyne  ku xigeenka  Somalilaand ahna   Guddoomiyaha  Guddida  Gurmadka Abbaaraha Qaranka Md. Cabdi-raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa  maanta  xafiiskiisa ku qaabilay  fannaaniinta  qaranka,  si  bulshada  loogu wacyi-geliyo   ka  qeyb qaadashada  qaylo dhaanta  abaaraha. Waxa  kulankaas  goob joog ka  ahaa  Wasiirka  wasaaradda  Warfaafinta  Md  Axmed  Cabdi  Xaabsade  iyo  xubno ka  tirsan  guddida  gurmadka  abaaraha,  kooxdan  [...]

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Sababeeyay Biyo-yaraanta Caasimada Iyo Saamaynta Abaaraha

Thursday, March 31st, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee  Hargeysa  Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa mar kale sabeebay biyo-yaraanta soo wajahday  Magaalada Hargeysa iyo saamaynta taban ee abaaruhu ku yeesheen biyihii caasimada.  Maareeyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu saaka ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu ka waramay  culayska  ay qeybo ka mid ah magaalada ku keentay abaaraha [...]

Xaflad Shahaadooyin Lagu Guddonsiiyay Shakhsiyaadkii Ka Hawl-galay Nabadeynta Ceel Bardaalle

Wednesday, March 30th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ardayda Jaamacadaha Hargeysa iyo Gabilay ayaa maanta  Huteelka Safaari ee Magaalada Hargeysa ku qabtay  xaflad ay shahaado sharafyo lagu gudoon siinayay odayaashii gacanta ka geystay bilowga wada hadalada nabadda ee shaqaaqadii ka taagnayd Ceel bardaalle. Xafladaasi waxa ka qeyb galay Wasiirro, Xisbiyadda siyaasada iyo dhalinyaro ka socday ardayda labadaasi Jaamacadood. Xildhibaan Garaad oo [...]

Mudaharaad Ka Dhacay Buuhoodle Oo Lagaga Soo Horjeeday Madax-dhaqameedka Ka Tagay Puntland

Wednesday, March 30th, 2011 Comments Off

Buuhoodle (Somaliland.Org)- Banaan bax balaadhan oo laga soo horjeedo Socdaal ay ku yimaadeen magaalada Buuhoodle  Madax-dhaqameed ka socda maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ka dhacay magaaladaasi, waxaana halkaasi lagu dhacay baabuur uu watay Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo Hoggaaminayay madaxdhaqameedka ka yimid dhinaca Garoowe. Siday sheegeen dad goob joog ahaa waxay Dadweynaha Magaalada Buuhoodle ay [...]

Wasiirro Guddida Abaaraha Gobolka Hargeysa Ku Wareejiyay 26 Kun Oo Dollar

Wednesday, March 30th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirradda Wasaaradaha Waxbarashada iyo  Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta  Somaliland Md. Axmed Xaashi  Nuur (Oday), ayaa maanta ku wareejiyay Guddida abaaraha  Gobolka Hargeysa  deeq  dhan 80 Booyadood  oo biyo ah. Xaflad lagu wareejinayay deeqda Biyahan oo lagu qabtay Huteelka Xaraf  ee magaalada Hargeysa waxa  furitaankiisii ka hadlay [...]

Golaha Wakiiladda Oo Markii U Horaysay Ansixiyay Lacag Cusub Oo Xukuumaddu Soo Daabacayso

Wednesday, March 30th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Golaha Wakiiladda Somaliland,ayaa maanta cod gacan taag ah ku meel mariyay xeerka soo daabicidda noodhka lacagta shanta kun iyo kunka shilin ee lacagta shilinka Somaliland. Fadhigii Golaha Wakiilada oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) waxa madasha fadhiyay 48 Mudane, waxa ogolaaday 47 Xildhibaan, cid diiday iyo [...]

21 Ka Mid Ah Waxgaradka Degmada Xudun Oo Soo Dhaweeyay Baaqa Nabadeed Ee Madaxweyne Siilaanyo

Tuesday, March 29th, 2011 Comments Off

Xudun (Somaliland.Org)- Cuqaasha iyo nabad doonadda degmada Xudun ee gobolka Sool, ayaan bayaan ay maanta soo saareen waxay ku sheegeen inay taageersan yihiin oo ay ka qeyb galayaan gogosha nabadda iyo baaqii Madaxweynaha Somaliland  u soo jeediyay waxgaradka gobolka Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle. Bayaankaasi wuxuu u dhignaa sidan “Haddii aanu nahay Cuqaasha iyo odayaasha [...]

“Nimanka Basaska Is Dabo-gelinaya,Waxaan Leeyahay Lacagta Biyo-Dhaamiska Kaga Qeybgala”

Tuesday, March 29th, 2011 Comments Off

“Badbaadada Xisbiga UDUB Waa Laba Qodob Oo Aan Mid Sadexaad Lahayn”  Afhayeenka Xisbiga  UDUB      Hargeysa(Somaliland.Org)- Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB  Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay siyaasiyiin ka tirsan xisbigiisa oo maalmihii la soo dhaafay  shaaciyay inay isu soo taagi doonaan murashaxnimada jagada Madaxweynaha ee xisbiga UDUB [...]

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Oo Kormeer Ku Jooga Gobolka Sanaag

Tuesday, March 29th, 2011 Comments Off

Ceerigaabo(Somaliland.Org) – Saraakiil uu hogaaminayo Taliye ku xigeenkaAsluubta Somaliland Xassan Cali Dheere ayaa shalay kormeeray JeelkaIyo Maxkamadaha Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.Weftigan ciidanka Asluubta, waxaa warbixin siiyay Maxamed DigaaleSiciid oo madax ka ah laanta Ceerigaabo, kaasoo sheegay in mudadiikoobneyd ee maamulka cusubi jiray ay sameeyeen talaabooyin wax lagagaqabanayo Jeelka weyn ee Magaalada Ceerigaabo iyo [...]

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Wefti ka Socday UNDOC Iyo Dawlada Secyc heles

Tuesday, March 29th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka xarunta madaxtooyadda ku qaabilay Wefti ka socday Ha’yada UNDOC iyo saraakiil ka tirsan dawlada Seycheles, kuwaasi oo socdaal ku yimid dalka si ay u soo eegeen jeelka weyn ee Hargeysa oo dhawaan dib loo furay. Ka dib markii ay dhamaystirka dayactirkiisa maal gelisay Qarammadda [...]

Xisbiga Tallada Haya Ee KULMIYE Oo Baaq U Jeediyay Badhsaabadda Iyo Maayarrada Dalka

Tuesday, March 29th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga Tallada  Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa maanta Badhasaabadda iyo Maayarrada dalka ugu baaqay inay laban laabaan gurmadka biyo dhaamiska ah, waxaanay ka dayriyeen xaaladda abaarreed ee dalka taabatay. Sidaasi waxa lagu sheegay  Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Kayse Xasan Cigge, waxaanu u dhignaa sidan:-“Waxaa waqtigan xaadirka lagu [...]

Xukuumadda Somaliland Oo Mar Kale Caalamka U Soo Bandhigtay Furitaanka Jeelka Hargeysa

Tuesday, March 29th, 2011 Comments Off

Hargeysa  (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta beesha caalamka u soo bandhigtay furitaanka Jeelka weyn ee caasimada Hargeysa, oo dhawaan dib loo furay, waxaana xaflad labaad maanta loogu sameeyay Huteelka Ambassador ee Hargeysa, waxaana ka qeyb galay Wefti ka socday Ha’yada qarammadda midoobay u qaabilsan daroogadda iyo budhcad badeedda oo iyadu maal gelisay dhamaystirka dayactir balaadhan [...]

Wefti Wasiirro Somaliland Ah Oo U Kicitimay Dalka Britain

Tuesday, March 29th, 2011 Comments Off

Hargeya (Somaliland.Org)- Sadex Wasiir oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa maanta u kicitimay dalka Ingiriiska oo ay sheegeen inay kulamo kula yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dawlada Britain. Waxa kale oo weftigan xubno ka ah Wasiirrada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Duulista, Hawada iyo [...]

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Furay Shirweyne Lagaga Hadlayay La Dagaalanka Argagixisadda Iyo Cunfiga

Monday, March 28th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan C/Raxmaan Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ka furay shirweynihii koowaad ee culimadda Somaliland, kaasi oo lagaga hadlayo sidii bulshada looga wacyi-gelin lahaa fikradaha xagjirnimada iyo Argagixisada. Shirkan waxa soo qaban qaabisay wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland waxaana ka qeyb galaya culimo tiro badan [...]

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Kormeer Ku Soo Maray Cisbitaalka Hargeysa Iyo Dalabkii Loo Qadimay

Monday, March 28th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kormeer ku soo maray cisbitaalka guud ee caasimada Hargeysa waxaanu booqday oo soo indho indheeyay waadhadhka cisbitaalka guud ka kooban yahay iyo bukaanka jiifa. Madaxweynaha Somaliland wuxuu ILAAHAY uga barayay bukaanka cisbitaalka lagu daweeyo inuu shaafiyo isla markaana caafimaad deg deg ah siiyo waxaanu yidhi [...]

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta

Sunday, March 27th, 2011 Comments Off

 Hargeysa (Somaliland.Org)-  Fadhigii Golaha Wasiirradda Somaliland  ee maanta waxay ku  ansixiyeen xeerka  Isgaadhsiinta Somaliland. Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu xalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) qoraalkaasi oo u dhignaa “Wasiirada ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa Fadhi  aan caadi ahayn oo uu maanta   Qasriga Madaxtooyada ku yeeshay ku  ansixiyay dib u habayn [...]

Wasaarada Duulista Oo Dadweynaha Ka Dalbatay Inay Bixiyaan Lacag Golaha Wakiiladdu Ansixiyay

Sunday, March 27th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland ayaa shacbiga Somaliland ka dalbatay inay bixiyaan kharashka sadexda Dollar ah ee Golaha Wakiiladdu dhawaan ansixiyay si looga qaado dadka ka soo degaya ama ka soo degaya madaaradda  dalka oo dhan. Sidaasi waxa lagu sheegay warsaaxafadeed uu maanta soo saaray Agaasimaha |Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo [...]

Xukuumadda Somaliland Oo Si Adag Beenisay In Jeelka Hargeysa Loo Dhisay Budhcad Bsdeedda Soomaaliya

Sunday, March 27th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland..Org) – Xukuumada Somaliland, ayaa  beenisay hadal ka soo yeedhay dawladda Seychelles, oo sheegtay inay saraakiil  u dirayso Somaliland si ay uga qayb galaan furitaanka jeelka Hargeysa oo ay sheegeen in loo dhisay Budhcad badeedda Soomaaliya. “Shirkan jaraa’id waxaan u qabanay waxa warbaahintu sii daysay safiirka  wadanka Sychelles u fadhiya koonfur Afrika oo Somaliland [...]

Gaadhi Hanti-dhawrka Guud Lahaa Oo Ku Shuf Beelay Dab Qabsaday Iyo Dareenka Laga Muujiyay

Sunday, March 27th, 2011 Comments Off

Hargeysa(Somaliland.Org)-Gaadhi Noociisu yahay MarkII Lr GT 499 oo ay leeyihiin Hanti dhawrka guud ee Qaranku ayaa maanta  abaaro 10:00 saacadu markay ahayd dab qabsaday ku shuf beelay, ka dib markii mar kaliya la arkay gaadhigaasi oo dab ka dhex holcayo, isla wakhtigaana taagnaa Xarunta Hanti dhawrka Guud iyo Waaxda cashuuraha barriga dhexdooda, ayaa dadweynihii ka [...]

Wasiirka Duulista Oo Kafaalo Qaaday Maamulka Koox Ciyaareed Oo Magaca Wasaaradiisa Ku Ciyaari Doonta

Sunday, March 27th, 2011 Comments Off

“Haddii Sanadkii Hore ay Yaraadeen Barnaamijyadii Da’yarta Waxaanu  Hagaajin Doonaa Wiixi Dambe”   Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inay si toos ah ula wareegeen kooxda White sand Villege oo  ka mid ahayd kooxaha heerka koowaad ee caasimadda Hargeysa, oo wixii imika ka dambeeya ku ciyaari [...]

Madaxweynaha Somaliland Oo Wakiilada Dib Ugu Soo Celiyay Xeerka Gobolada Iyo Degmooyinka

Sunday, March 27th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Golaha Wakiilada Somaliland dib ugu soo celiyay xeerka Gobolada iyo degmooyinka oo ay hore labada aqal ee Baarlamaanka (Wakiilada iyo Guurtidu) u ansixiyeen. Madaxweynuhu wuxuu wax ka bedel ku soo sameeyay qodobo kala duwan waxaanu Golaha ka dalbaday inay wax ka bedel ku sameeyaan oo ay [...]

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Xeerka Ha’yada Abaabul kasaarka Qaranka

Sunday, March 27th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka Ha’yada Abaabul kasaarka qaranka oo muddo hor yaalay. Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada oo uu Guddoominayay Guddoomiye C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa  madasha fadhiyay 55 Xildhibaan oo ka mid ah 82-ka Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay. Waxa ogolaaday meel marinta xeerka Ha’yada abaabul ka saarka [...]

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Ka Hadlay Mudaharaad Laga Soo Horjeedo Maxkamadeynta Cali Samatar

Saturday, March 26th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Gudoomiyaha Xisbiga tallada Somaliland haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaan Madaxweyne Ku Xigeenkii hore Soomaaliya Cali Samatar loo haysan reernimo hase yeeshee lagu maxkamadeynayo dunuubtii taliskii uu madaxda ka ahaa ka galay shacbiga Somaliland. Md. Muuse Biixi wuxuu naqdiyay isla markaana uu jawaab ka bixiyay mudaharaad lagu diidan yahay dacwada [...]

Laba Qof Oo Shaqaale Dawladeed Ah Oo Ku Dhintay Shil Baabuur Oo ka Dhacay Tuulada Adhi Caddeeye

Saturday, March 26th, 2011 Comments Off

Laascaanood (Somaliland.Org)- Alle ha u naxariistee laba qof ayaa maanta ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay duleedka tuullada Adhi caddeeye oo 28 Km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Ka dib markii gaadhi Surf ah oo baanka Laascaanood lahaa oo ay wateen  kula qalibmay halkaasi. Waxa shilkaasi ku dhintay Qasnajigii [...]

Xisbiga UCID Oo Beeniyay In Khilaaf Ka Dhex Oogan yahay Hoggaankoodda

Saturday, March 26th, 2011 Comments Off

 Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa beeniyay war sheegayay in Hoggaanka xisbigaasi uu khilaaf siyaasadeed ka dhex oogan yahay. Sidaasi waxay xisbigu ku caddeeyeen war saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Md. Muuse X. Muxumed Guulleed (Muuse Inji) waxa uu u dhignaa sidan:- “Shir ay isugu yimaadeen Guddida Fulina Xisbiga [...]