Mudane Xubin Sharafeed Ka Ahaa Golaha Guurtida Oo Lagu Aasay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)-Alle ha u naxariistee waxa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa  Marxuum- Maxamed Cabdi Dhoore, oo xubin sharafeed ka ahaa  Golaha Guurtida Somaliland, oo xalay ku geeriyooday gurigiisa Caasimada Hargeysa.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum- Maxamed Cabdi Dhoore, waxaanu u dhignaa dhambaalka tacsida ah ee Madaxweynuhu sidan:-“Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) waxa uu Tacsi u dirayaa Eheladii, Qarabadii, Asxaabtii, Golaha Guurtida iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay MARXUUN MAXAMED CABDI DHOORE oo maanta lagu aasay Magaalada Hargeisa.

 

Marxuumka oo ka mid ahaa Golaha Guurtida JSL waxa uu Madaxweynuhu ILAAHAY uga baryey inuu Naxariistii  Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Golihi Guurtida  iyo Shacabkana uu Samir iyo Iimaan ka siiyo.”

 

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com