Madaxweynaha Oo Xisaabiyaha Guud U Magacaabay Sarkaal Ka Tirsan Madaxtooyada
Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto Madaweyne oo uu shalay soo saaray xilkii kaga qaaday xisaabiyihii guud ee dalka Ibraahim Aadan Qaalib, waxaana lagu sababeeyay xil ka qaadistiisa inay cabasho badani ka shaqadiisii.
Qoraalka Madaxweynuhu xilka kaga qaaday xisaabiyihii dawlada waxa lagu sheegay in loo magacaabay xisaabiyaha cusub Maxamed Cabdi Badde, oo ah Agaasimihii Xisaabaadka wasaaradaha iyo kaantaroolka Miisaaniyada ee Madaxtooyada. Qoraalkaasi waxa lagu faray in labada masuul ay xilka ula kala wareegaan si deg deg ah.
Dhinaca kale, Xisaabiyihii hore Ibraahim Aadan Qaalib oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa xilka qaadistiisa ku eedeeyay inuu ka dambeeyay Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xubnaha Komishanka doorashooyinka oo uu sida uu sheegay ka diiday inuu u sii daayo foojaro sharci darro ah.
Waxa kale, oo uu u mahad celiyay Wasiirka Maaliyada Somaliland oo uu ku tilmaamay masuul nadiif ka ah musuqmaasuqa.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
