Xukuumadda Somaliland Oo Aastay Barkadihii Xudunta U Ahaa Colaada Kalshaale

“Waxaanu u mahad naqaynaa beesha baraagahaasi laga Aasay Ee Dawladnimada Ixtiraamay”

Qorilugud (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa  maanta aastay saddexdii Berkadood ee ay ka bilaabmeenn colaada iyo dagaalka ka dhacay deegaanka Kalshaale ee u dhexeeyay laba beelood oo halkaasi wada degan.

Xafladii loo sameeyey aaska Berkadahaasi waxaa ka soo qaybgalay wasiirada wasaaradaha warfaafinta, gaashaan-dhigga iyo duulista hawada, afhayeenka madaxtooyada, xildhibaano iyo salaadiin kala duwan.

Wasiirka wasaaradda gaashaan-dhigga Md. Axmed Cali Cadami oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in la fuliyo amarkii madaxweynaha ee la xidhiidhay  in la aaso berkadaha isla markaana deegaanka Kalshaale laga dhigo dhul daaqsimeed.

Wasiirku wuxuu sheegay in  dagaalkii labada beelood ee walaalaha ah ee halkaasi wada dagaa uu ka bilaabmay saddex berkadood oo ay ku dhinteen dad badan oo qiimo lahaa, waxaanu dhambaal tacsi ah u diray dadkii ku dhintay dagaaladii u dhexeeyey labada beelood.

Md. Cadami wuxuu u mahad celiyay beesha Qorilugud oo aqbashay go’aankii madaxweynaha ee lagu aasay berkadaha, waxaanu labada beeloodba u soo jeediyey  in wada hadal lagu soo afjaro colaadii ka taagan  deegaankaasi.

Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in baabinta berkadahani ay bilow u noqon doonto nabadeynta labada beelood ee halkaasi wada degan, waxaanu dhambaal tacsi ah u diray  qoysaskii labada beelood ee dadku kaga dhinteen iska hor imaadyadii deegaankaasi ka dhacay.

Md. Axmed Cabdi Xaabsade wuxuu ugu baaqay waxgaradka beesha Buuhoodle oo uu ka dalbaday inay nabadda qaataan si loo soo afjaro colaadii deegaankaasi ka aloosnayd.

Sidoo kale afhayeenka madaxweynaha Md. C/laahi Maxamed Daahir oo halkaasi ka hadlay wuxuu sharaxaad ka bixiyey go’aankii madaxweynaha waxaanu yidhi “ Go’aanka madaxweynuhu wuxuu ahaa go’aan xal ah, go’aanka sharciga ahi wuxuu ahaa kii ay gaadheen dadkii madax dhaqameedka ahaa, salaadiinta ahaa ee labada dhinacaba wada fadhiyeen nasiib darro go’aankii halkaasi laga soo saaray wuu fuli waayay. Madaxweynuhu isagoo nabadda xigsanaya oo tixgelinaya in dadka labada dhinacba ay yihiin dadkiisii wuxuu qaatay qaraar adag wuxuu qaatay qaraar ahaa in berkadaha la aaso, go’aankaasi inuu ahayn kii lagu dhexdhexaadiyey hase yeeshee, wuxuu ahaa mid madaxweynuhu qaatay.”

“Waxaanu u mahad naqaynaa beesha baraagahaasi laga aasay ee u hoggaansantay amar dawladda, iyagoo aan raali ba ku ahayn haddana aqbalay inay hoggaanka dawladda amarkiisa fuliyaan oo dawladnimada ixtiraamay, waxa loo baahan yahay in dhinaca kalena, nabad taageeraan oo waxgaradkoodu nabadda u soo jeedsadaan oo hooyooyinku u soo joogsadaan oo dhallinyaradda inta qoriga la wareegaysa ee meel kale ku xidhan ay wax u sheegaan,” ayuu yidhi afhayeenku.

Afhayeenka beesha deegaanka Qorilugud Cali Dhimbiil Aadan, oo shir-jaraa’id ku qabtay degamadaasi waxaanu yidhi “ Go’aanadda dawladda Somaliland ka soo baxay ee go’aan madaxweyne ahaa ee Kalshaale lagu aasay waa mid dawladeed laakiin ma aha go’aan beeshani leedahay, deegaankan la aasay wuxuu yahay deegaankii beeshayda shareecada islaamku u xukuntay hase yeeshee, lagaga aasay go’aan dawladeed, go’aanku haddii uu xal nabadeed yahay waanu raacsan nahay, waayo haddii go’aanka dawladda aan la raacin waxay noqonaysaa  dhibaato.”

Afhayeenku wuxuu sheegay in aanay qaadanayn kharashkii madaxweynuhu sheegay in loo celinayo labada dhinaca kharashkii ka galay berkadaha la aasay, waxaanu xusay inay nabad uun doonayaan.

Dhinaca kalena, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo

 u waramayay la’aanta Af-soomaaliga ee idaacadda VOA, ayaa  ka hadlay berkadaha la aasay, waxaanu yidhi “Waxaan u joognaa madaxweynaha Somaliland ayaa amar ku bixiyey in meeshii la isku haystay ee Kalshaale ee Barkadaha laga qoday ee qolana lahayd yaan la qodin qolana   lahayd waanu qodaynaynaa ee dagaalku ka dhacay ayuu madaxweynuhu amar ku bixiyey in la aaso oo meeshu  xoolo daaqeen noqoto.Berkadihii waanu wada aasnay oo cagafyo ayaanu gelinay.”

Wasiirka oo la weydiiyey waxa xigi doona berkadaha la aasay wuxuu ku jawaabay “Talaabada xigtaa waa in dadkii la isku keeno oo la wada hadalsiiyo si nabaddii looga shaqeeyo.”

Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo ka jawaabayay su’aal ahayd in dhul daaqsimeedku uu dhibaato  kale ka dhalan karto oo dadku ay daaqa isku qabsan maayaan, waxa uu yidhi “ Ma markii horeba waa la wada deganaa markaa daaqu waxba keeni maayo.”

Wasiirka oo la weydiiyey in dhinaca ka mid ah labada beelood ee isku hayay Kalshaale ee doonayo in ciidamada qaranka laga saaro deegaanka, waxa uu yidhi “Taasna waa laga heshiinayaa oo waa laga wada hadlayaa, waxaan qabaa in arrinta colaadaasi la soo gebogabayn doono.”

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.org/Hargeysa

cumarmfaarax@homtail.com