Warbixin: Falalka Guryaha Lagu Gubayo oo lugta kula jirta shirqoolo Siyaasadeed

Warbixin:Falalka Guryaha Lagu Gubayo oo lugta kula jirta shirqoolo siyaasaddeed” yaadse isleedihiin way-ka dambeeyaan” yaadse isleedihiin way-ka dambeeyaan”

waxaa looga baahanyahay dadweynaha Caasimadu inay gacan siiyaan Hay’addaha Amniga.. wax kaga qabanayaan cidda ku kacaysa falalkan iyo cidda dabada ka riixaysaba. dad xaafaddaha degen, ayaan ku kala beydhin in gubitaankanu uu aad ugu gedisan gubitaanada caadiya, islamarkaana marka hore dadku u haysteen uun wax dab ama laydh ka kacay, laakiin arrinkii wuu isbedeley waxaana la ogaaday in ay tahay dhacdo ugub oo wadanka ku cusub, horena aan loo arag nooceeda. Waxaana beryahan ka socday xaafaddo ka mida magaalada caasimada ee Hargeysa gaar ahaana Xaafada New-Hargeysa ee deg/G/Libaax, in guryo farabadan la gubaayo, Falalkan oo aan noocooda hore loo arag ayaa illaa hadda waxa la gubay ilaa dhawr iyo soddon guri oo lagu kala gubay guryo ku yaala badidoodu degmadaasi, waxaana bino ka samaysnaa ilaa shan guri, inta kale waxa ahayeen Sandaqad iyo Aqalada nooca la yidhaa Beebeega, isla markaana dadka magaalada waxay ku riday argagax iyo firka-nax oo qof kastaaba is weydiinayey hadmaa gurigaaga la gubi doonaa isagana, haddaba dadka ayaa isweydiinayaa yaad isleedihiin way ka dambeeyaan.

Hadaba dad xaafaddaa degen, ayaan ku kala beydhin in gubitaankanu uu aad ugu gedisan yahay gubitaanada caadiga ah, islamarkaana marka hore dadku u haysteen uun wax dab ama laydh (electric) ka kacay, laakiin arrinkii wuu isbedeley waxaana la ogaaday in ay tahay arrimo siyaasadeed oo aad looga soo shaqeeyey, lana ogaaday in arrintu ay tahay ula kac guryaha loo gubaayo isla markaana waxaa la adeegsanayaa ay tahay xooggii iyo dhallinyaradii xaafaddahaasi, iyada oo gudigii xaafaddaha ee dhinaca nabadgelyada kala shaqaynjirtay arrimaha noocana ee u xilsaarnaana ay afka xidheen oo sidaasi ay kuu cadeynaayaan, dad xaafadahaasi degan oo diiday inay magacooda cadeeyaan sababo nabadgelyo dartood.

Alaadahan loo adeegsanaayo gubitaanka guryaha ama falalka axmaqnimada ku saleysan ee danaha gaarka ah xanbaarsan, ayaa waxa mar kaliya laga war helayaa Urta Sun kiminko ah oo Guryahaasi la gubay Dushooda la saaray, taasoo markii ay Cadceedu ku dhacdayna Olol Samaynaysa. Dad goob jooga ayaa xaqiijiyey in Gubashada Guryahani ka dhalatay walxo ilaa hadda aan la garanayn oo la sheegay in guriga lagu dul daadinayo habeenkii, taas oo marka ay cad -ceedu ku dhacdo dab dhalinaya, waxaa xitaa la arkay Guri ku yaal xaafada Goljano oo laga maydhayo Kiimiko lagu shubay Wajahadiisa, Nin ayaa loo qabtay Aaladaha loo adeegsanaayo gubitaanka. Dhinaca kale waxaa iyaduna jirta cabsi xoogleh oo dadweynaha ku dhaqan Xaafaddaha kala duwan ee Magaalada Hargeisa, gaar ahaan Bulshada ku dhaqan Xaafadaha dhinaca bari ku yaala, Kuwaas oo qaarkood sida la sheegay aanay habeenadii u dambeeyey Seexan Guryaha Cabsi awgeed, halka dadka ku dhaqan Xaafadaha kale magaaladuna ay wadnaha farta ku hayaan falalkan oo sii fidayaya, ayna ka dhursugayaan badhitaanada ay wadaan hay’addaha amniga ku shaqada leh.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna markii u horaysay ka hadlay guriyahan ku yaala Magaalada Hargeysa kuwaasi oo illaa imika aan la aqoonsan cida gubtay.”Hawshaasi faraha ayaa lagu hayaa oo ciidanka Booliska ayaa gacanta ku haya si deg deg ahna waa la idiinla socod siin doonaa arrinta guryahan la gubayo waxa ka soo baxa,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Ilaa hadda waxa socota baadhis ay Hay’adaha Amaanku arrintaasi ku daba jiraan sida uu ka dhawaajiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somalilland Col: Cilmi Rooble Fure oo Saxaafadda u waramay.

Dhinaca kale, Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Col, Cilmi Rooble Furre [Cilmi-kabaal] ayaa ku dhawaaqay in ay ciidanku gacanta ku dhigeen nin isagu wakhtigaas gacmaha kula jiray oo fulinayey fal uu ku gubayey guri ku yaalla xaafada New Hargeysa.

Taliyaha ayaa sheegay inay Ciidanka Amaanku ka wadaan xaafaddaas iyo meelo kale hawlgalo culus oo ay kaga hortagayaan, isla markaana ay amuurtan ku fashilinayaan, isagoo sheegay in ay hadda gacanta ciidanka ku jiraan shan qof oo loo haysto fal dambiyeedyadan.

Taliyaha iyo saraakiisha sare ee taliska ciidanka booliska Somaliland oo u waramayey warbaahinta, ayaa dadweynaha ku dhaqan xaafada New Hargeysa oo ah xaafadda laga gubey guryaha ugu badan usoo jeediyey in ay is dajiyaan, isla markaana ilaashadaan nabad geliyadooda oo ay sheegeen in lagu soo duuley.

Wararkale oo aan xaqiiqadooda si rasmiya loo ogaan ayaa sheegaya in falalkan Gubista Guryaha ay ka dambeeyaan xildhibaano, wasiiro iyo wasiiro/xigeeno hore, xubno ka mida Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB iyo xubnaha ka mida xisbiga talada haya, ujeedada ugu weyn ee looga danleeyahayna ay tahay sidii shacabka loogu kicin lahaa Xukuumadda ama ay khalkhal geliyaan amaanka Wadanka Somaliland iyadoo dagaal qaran socdo, Ilaa hada waxa socota baadhis ay Hay’adaha Amaanku arintaasi ku daba jiraan sida uu ka dhawaajiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somalilland Col: Cilmi Rooble Fure oo Saxaafadda u waramay, waxaana ay sheegeen inay qaadayaan tallaabooyin hor leh oo ay talis ahaan wax kaga qabanayaan cidda ku kacaysa falalkan iyo cida dabada ka riixaysaba.

Waxaa laga sugayaa Hay’addaha arrimahan ku shaqada leh baadhitaano wanaagsan, laakiin waxaa looga baahanyahay dadweynaha inay gacan siiyaan Hay’addaha Amniga oo aan meel kale ka iman, isla markaana dadka ka soo dhex baxay, indho saa’id ahna aan lahayn, laakiin waxa indho iyo gacmo u ah iyo baalal ay ku duulaan dadweynaha , haddii ay dadweynuhu xaqa ka qarsadaana wax u soconayaa ma jiraan, waxaana aad iyo aad u gaabiyey dadkii shacabka ahaa soo sheegi lahaa isla markaana soo bandhigi lahaa, taasina waa codsi dadweynaha laga codsanayo inay gacan siiyaan hay’addaha nabad gelyada oo ay la baadhaan oo ay telefoonada qaataan muhiimka ah ,si ay ugu soo sheegaan, hay’addaha amniguna ay awoodii ciidan ula tagaan, sidaas ayey wax inoogu qabsoomayaan”

Haddaba dhibaatadan ay gaysteen dadka manaxayaasha ah iyo dadka ay adeegsadeen ayaa ah Masiibo ku dhacday dadka danyarta u badan, waxaanu leenahay Illaahay ha ka cawilo, waanaanu u ducaynaynaa, oo aanu leenahay fidmada iska qabta (Siyaasiinta xaafadda iyo dadka ay adeegsanayaan)dadka ku dhaqan xafadahaasow iyo kuwa kalebow. hadaydaan soo sheegina kuwa dhibta ugu weyni soo gaadhaysaa waa idinka, wayna idinku baahi oo xaafadaha iyo magaaladda oo dhan ayey gaadhi doontaa, Illaahay halkaa ku bakhtiiyo kuwa falkaa ku jira inuu kashifo ayaanu Illaaha Raxmaanka ah, idiinka baryeynaa.

By, Jama Soyan Gaaxnuug/Hargeysa/JSL