Somaliland Oo Sii Daysay Maxaabiistii Lagu Qabtay Dagaaladii Kalshaalle

Buuhoodle (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah xoriyadoodii dib ugu soo celisay 42 ka mid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaaladii kala dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Kalshaalle, waxaanay caawa gaadheen maxaabiistaasi magaalada Buuhoodle oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Maxaabiistaasi oo 42  maxbuus waxa maanta laga soo kala qaaday Jeelasha Mandheera iyo Burco waxaana soo kaxeeyay oo ku wareejiyay xildhibaanada goleyaasha kaga jira Buuhoodle  Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Md. Cismaan Garaad Soofe, kaasi oo soo galbiyay waxaanu geeyay deegaanka Oog.

Boqolaal dadweyne ah ayaa caawa soo dhaweeyay maxaabiistaasi, sida uu ku soo waramayo Weriyahayaga magaalada Buuhoodle waxay qaar ka mid ah maxaabiistaasi u sheegeen inay caafimaad qabaan oo mudadii ay xidhnaayeenna loola dhaqmay si wanaagsan.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com