Badhasaabka Saaxil Oo Beeniyay In Bakhaarada WFP Ee Berbera Dulin Ku Dhashay

“Anigu Intaan Ogahay Bakhaarada Hay’yadaasi Way Madhan Yihiin Intooda Badan  Arrintana ….”

“Ninkii Lahaa Cunto  Nala Soo Gaadha, Wuxuu ahaa Nin Xoolo Badan Leh”

Berbera (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay in  Bakhaarada Ha’yada cunta adduunka ee WFP ee Magaalada Berbera ay intooda badani madhan yihiin isla markaana aanu waxba ka ogayn war sheegayay in cayayaan iyo dulin ku dhashay bakhaarada Ha’yadaasi ee magaalada Berbera oo raashin badan oo aanay dadka siinini ku kaydsan yahay, sida ay faafiyeen qaar ka mid ah  Saxaafada maxaliga ahi. Guddoomiyaha oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayay Wargeyska DAWAN, wuxuu ka hadlay bakhaarada la sheegay in dulinku ku dhashay waxaanu yidhi “Anigu guddoomiye ahaan intaan ogahay Bakhaarada Hay’yadaasi ee Berbera way madhan yihiin intooda badan oo wax raashin ah oo sidaasi u sii badaniba ma yaalaan, waxa magaalada Berbera ku sugan Ha’yada ilaalinta tayada agabka ee dalka mana jirto wax warbixin ah oo ay bakhaaradaasi la sheegayo ay iiga soo qoreen, waxase aan filayaa in warkaasi iska yahay uun waxyaabo badan oo aanay waxba ka jirin oo la iska qoro. waxaan arrintan bari (maanta) u dirayaa koox soo baadha soona xaqiijisa.” Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay xaalada abaaraha ee ka jirta deegaanka gobolka ka dib markii uu Khamiistii kormeer ku soo maray deegaamo badan oo ku yaala gobolka Saaxil waxaanu yidhi “Waxaan kormeer ku soo maray deegaamo badan oo ka mid ah Gobolka Saaxil oo ay ka mid yihiin dhinaca xuduuda aanu la leenahay Oodweyne iyo Burco. deegaamaddii aan booqday waa run oo waxa ka jiray biyo la’aan ba’an waxaana la gaadhsiiyay gurmad biyo dhaamis ah, waxa ujeedada socdaalkaygu la xidhiidhay sidii aan si dhab ah ugu soo ogaan lahaa xaalada dadka iyo duunyada. waxa jirta biyo la’aan laakiin xooluhu aad ayay u wanaagsan yihiin. waxa jirta in Riyuhu ay jiilaal dhaleen maadaama oo ay jilaal badhtankii dhaleen waxa muuqanaysa inay xoogaa ka yara daciifsan yihiin xoolaha kale..”

Maxamuud Cali Saleebaan waxa kale oo uu sheegay in koox caafimaad u dirayaan xoolaha ku dhaqan degmooyinka gobolka Saaxil “Xooluhu aad iyo aad ayuu caafimaadkoodu u wanaagsan yihiin waxaana aanu bari (maanta) u diraynaa koox caafimaad oo dawayn iyo tallaal ku soo samaysa xoolaha, maadaama oo jilaal lagu jiro oo xiligani yahay ka qudha ee xoolaha laga heli karo ceelasha biyaha dushooda.”

Badhasaabka oo aanu weydiiyay in cunto yaraani ay soo foodsaartay dadweynaha ku dhaqan deegaamada miyiga ah ee gobolka Saaxil,  wuxuu ku jawaabay “Waxa jirta in dadka qaar ay iska belo doon yihiin, ninkii habeen hore TV-ga qaranka ka lahaa cunto yaraan ayaa na haysa ee waxa maamulka Gobolku ku dhisayo wadooyinka raashin ha naloo soo siiyo wuxuu ahaa nin xoolo badan leh, dadka waa run oo biyo la’aani way haysaa laakiin dadku waxay iskugu jiraan dad marka horeba danyar ahaa oo aan xoolo haysan iyo dad xoolo haystay oo xoolahooda ka heli kara wax ay biyo ku iibsadaan, anaguna dadka aanu biyaha u qeybinay waa dadka jilicsan ayaa laga fuudh yeelayay. waxaanu doonaynaa inaanu dhawaan raashin u qeybino waxase aanu soo samaynaynay qiimayntii. waxaanse leeyahay dadka aynu ILAAHAY uun baa abaaraha inaga saari karee aynu isaga barino waxba gacan bini’aadam  laguma baahi baxee.”

Badhasaabku wuxuu sheegay in khamiistii uu si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyay Xoghayihii hore ee degmada Sheekh Cali X. Cabdilaahi (Cali Dheere) iyo Xoghayaha cusub  C/Kariim Saleebaan, waxaanu tilmaamay inay si wanaagsan ula kala wareegeen xilkii labadaasi sarkaal..

XIGASHO:  WARGEYSKA DAWAN

dawannews@yahoo.com