Agaasimihii Hore ee Cisbitaalka Laascaanood Oo Beeniyay Inuu Ku Lug Lahaa Fadeexado Musuq Maasuq

Laascaanood (Somaliland.Org)- Agaasimihii hore ee cisbitaalka Laascaanood Dr. Bile Maxamuud Aw-Cali, ayaa beeniyay war ku soo baxay shabakada wararka ee Somaliland.Org, oo ku saabsanaa fadeexado musuqmaasuq  oo hadheeyay maamulka caafimaadka Gobolka Sool.

Waxaana warkaasi sheegayay in dad badan oo aan ka shaqayn goobaha caafimaadku ay mushahar iska qaataan halka qaar shaqeeyaana aanay qaadan wax mushahar iyo gunno ah toona.

Agaasimihii hore wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal uu ka soo saaray Laascaanood oo u dhignaa sidan:-“Anigoo ah Agaasimihi hore ee cusbitaalka laascaanood Dr. Bile Maxamuud Aw-Cali waxaana saxaafada u caddaynayaa inaan waxba ka ogeyn eedeymo loo soo jeediyey Maamulka Caafimaadka gobolka Sool,waxaana arrintaasi u arkay mid deel qaaf igu ah isla markaasna laygu sharaf dilayo.

Dhawaan waxaa ka war halay war ku soo baxay Wabkan Somaliland.org kaasi oo lagu sheegey in Musuqmaasuq ka jiro caafimaadka gobolka Sool isla markaasna eedeyn loo soo jeediyey dad aan ka mid ahay oo masuuliyiinta caafimaadka gobolka Sool ah sidaas darteed waxaan u cadaynayaa saxaafada inaan aniga Dr. Bille ahaan waxba ka ogeyn eedeynta lay soo jeediyey.

Anigu waxaan shaqada ka tagey xilligi Somaliland dalka soo gashay isla markaasna ay kala wareegtey maamulkii Puntland  ee halkasi ka arrimin jirey sidaas darteed anigu kama war hayo cid lacag shaqaale caagleysata isla markaasna qaata lacagtaas, waxaana ka mid ahay shaqaalaha ka hawl gala caafimaadka gobolka Sool gaar ahaan cisbitaalka guud laakiin aan hadda wax xil ah ka hayn maamulka hadda jira.

Sidaas darteed, waxaan mar kale cadaynayaa inaan anigu banaanka ka ahay eedeymahaasi saxaafadu u soo jeedisay Caafimaadka gobolka Sool isla markaasna aana waxba ka ogeyn eedeynmahaas la soo jeediyey ee ku aadan musuqmaasuq  ku saabsan mushaharaadka shaqaalaha caafimaadka gobolka Sool cid kale oo ku lug lehna aanan ogeyn.”

Xafiiska Wararka ee Shabada Somaliland Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com