Yaa yidhi Somaliland may Dhaqaaqin?

Dawlada Somaliland Waxay Soo Noolaysay Yididiiladii Shacbiga, Waxaanay haysaa Dariiqii Horumarka

Waxaa lagu jiray Sanadkii u danbeeyay Xukuumadii uu hogaaminayay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, dalka hooyo waxaa ka taagnaa niyad jab aad u sarreeya,  waxaana si tartiib-tartiib ah u sii bakhtiyay laambadii rajada, waxaana dhalinyarteenu ay si xad dhaaf ah ugu le’anayeen saxaaraha Liibiya iyo Sudan u dhexeeya  iyada oo sidoo kalana raabo-raabo ay ugu dhimanayeen badweynta u dhaxaysa Liibiya iyo Malta, Jasiirada Maalta oo aan booqsho laba todobaad ah waagaas ku tagay ayaan indhahayga ku arkay  boqolaal dhalinyaro ah  oo Somaliland u dhashay oo ku xaraysan Teendhooyin kuwii qaxootiga Dulcad ka dhisnaan jiray u qaab eekaa, waxaana wajiyadooda ka muuqday rafaadkii dheeraa ee tahriibka ee ay soo mareen, badankooduna waxaabay ahaayeen qaar dugsiyada sare iyo jaamacada dalka ka qalin jabiyay oo niyad jabka ay ka qaadeen hoggaankii dalku ay ku kaliftay inay tahriibaan, guud ahaan dalkeena ayaa niyad jab sidaas la mid ahi ka jiray, waxaana dadka badankiisu uu quus ka taagnaa inay kasoo raynayso xukuumadii Madaxweyne Rayaale hogaaminayay oo ahayd mid musuqmaasuqa, qaraabokiilka, nin jeclaysiga iyo boobka hantida ku caan baxday, horumar ay dawladu qabato oo la sugo ha joogtee waxaa cidhiidhi gashay noloshii bulshada, waana ta keentay in dadweynaha reer Somaliland ay cod aqlabiyad ah ku doorteen Xisbigii KULMIYE ee uu hormuudka ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Iyada oo  aanuu wax wakhti ah luminin ayuu markiiba  Madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo waxa uu masuuliyiinta dawladiisa ka soo dhex xushay qaar ka mid ah intii ugu doorka roonayd bulshada ee lagu tuhmayay Daacadnimo, Aqoon iyo Waayo aragnimo, waxaana uu ka dalbaday in Wasiir kasta iyo masuul kastaa uu si daacadnimo ah u guto hawsha qaranka, kana dhabeeyo balanqaadkiisii xiligii ololaha doorashooyinka, isla markaasna ay dawlad ahaan u hawlgalaan sidii ay dib ugu soo noolayn lahaayeen rajadii shacbiga ee luntay, dibna loogu aasaasii lahaa dawlad sharciga ku hogaamisa bulshadeeda, lana dagaalanta musuqmaasuqa iyo qaraabo-kiilka, waxaana Madaxweyne Siilaanyo uu awood buuxda u siiyay laamaha la dagaalanka musuqmaasuqu inay baadhis ku sameeyaan goob kasta iyo masuul kasta oo lagu tuhmo wax is daba marin, waxaana Madaxweyne Siilaanyo uu u qalab qaatay sidii uu dalka u gaadhsiin lahaa  horumar lagu xasuusto oo dhinac kasta ah, isaga oo Allah la kaashanaya inuu u rumeeyo kalsoonida ay bulshadada Somaliland siisay ee ay ka filayaan inuu dariiqa horumarka gaadhsiiyo.

Run ahaan hawlaha shaqo iyo talaabooyinka ay ku dhaqaaqday Xukuumada uu hurmoodka ka yahay Axmed Maxamuud Siilaanyo mudada kooban ee ay jirta ayaa lagu diirsaday, waxaana ay sida roob dhul abaar ah ka da’ay ay dib usoo noolaysay niyadii bulshadeena, iyada oo markii u horraysay muddo labaatan sanadood ku siman oo ay Somaliland jiray ay timi in  dadweynuhu is weydiiyaan horumar, ama ay xukuumada ku canaantaan dhinaca horumarka, iyada oo aan hore dadweynuhu isuba waydiin jirin horumar, waxaana tani ay tilmaamaysaa kalsoonida dadweynuhu ay ku qabaan xukuumada ee ay ka naawilayaan inay dalka ka samayn doonto horumar dhinac kasta ah oo lagu diirsado. Xukuumada Somaliland ayaa mudada ay jirtay meelaha ay wax ka qabatay sida weyna loogu riayaaqay ayaa waxaa ka mid ah:

1. Dhinaca Waxbarashada: Iyada oo xukuumadu ka duulaysa in aqoontu ay tahay ta aasaaska u ah horumarka bulsho, isla markaasna fiiro dheer u lahayd dhibaatada dhaqaale ee haysata dadka danyarta ah, waxay xukuumadu meesha ka saartay lacagtii laga qaadi jiray ardayda dugsiyada, waxaanay dawladu mushahaarooyin u qortay in ku dhow Laba Kun oo macalin oo aan mushahaaro qaadan jirin, dadweynaha Somaliland gaar ahaan kuwa danyarta ah ayaa aad usoo dhaweeyay talaabadaas geesinimada leh ee ay Xukuumadu ku dhaqaaqday

2. Wasaarada Caafimaadka: Waxaa is bedel muuqda ay dawladu ku samaysay  Wasaarada caafimaadka, waxaana ay dawladu u ogolaatay hay’adaha caalamiga ahi inay si toos ah ula shaqeeyaan Cisbitaalada iyo goobaha Caafimaadka ee gobolada dalka, waxaana taasi ay suurto galisay in daawooyin iyo qalab kale oo aad u badani ay soo gaadhaan Cisbitaaladeena, waxaa sidoo kale mushahaarooyin heer sare ah loo qoray hawl wadeenada kala duwan ee caafimaadka, iyada oo  inta badan dhakhaatiirta ka hawl gasha Cisbitaalada waaweyn mushaharkoodu la gaadhsiiyay $1200, halka kalkaaliyayaasha caafimaadna looga dhigay $500, iyada oo waardiyayaasha iyo kooxaha nadaafada cisbitaalada ka shaqeeyana mushaharkooda looga dhigay$200, waxaana wasaarada caafimaadku ay ku hawlan tahay in dhamaan dhakhaatiirta iyo masuuliyiinta ka hawl gala laamaha caafimaadka mushahar ku filan la siiyo, si ay baahida caafimaad ee qaranka u daboolaan, waxaana xukuumadu ay gabi ahaanba bedeshay habkii ay ula shaqayn jirtay ha’adaha kala duwan ee caalamiga ah ee inaga caawiya arrimaha caafimaadka, oo xukuumadii hore ay ka hor taagnayd inay toos u wada shaqeeyaan cisbitaalada dalka, badiyaana masuuliyiintii xukuumadii hore ee caafimaadku waxay xoogga saari jireen inay lacagaha ha’adaha iyagu gacanta ku dhigaan oo ay musuqmaasuqaan, waxaanay gabi ahaannba iloobeen baahidii hawl wadeenada caafimaadka, waxaana dalku uu marayay heer hoose oo laga naxo markii ay xukuumada cusubi talada dalka qabatay, maantana horumar fiican oo lagu faani karo ayay xukuumadu ka samaysay dhinaca caafimaadka, inkastoo wali loo baahan yahay in lasii horumariyo.

3. Maaliyada iyo Dakhli Ururinta; Waxaa dadweynaha reer Somaliland ay ku diirsadeen hawl karnimada ay muujisay wasaarada maaliyadu ee ay mudada yar ee hawsha ay gacanta ku hayeen ay 70% ay kordhiyeen odoroska miisaaniyada qaranka, waxa kale oo wasaaradu ay maaraysay dayn malaayiin ahaa oo ay ka mid ahayd mushaharkii ciidamada iyo shaqaalaha dawlada oo ay la sii goosteen masuuliyiinta xukuumadii hore oo xataa ka xishoon waayay inay sii bililiqaystaan mushaharkii masaakiinta ka dib markii ay ogaadeen in doorsahada ay ku guul darraysanayaan, waxaana wasaarada maaliyadu ay si karti leh oo wadaniyadi ay ku jirto ay markiiba u bixisay hantidii ka maqnayd shaqaalaha iyo ciidamada, iyada oo sidoo kalana ku guulaysatay in 100% ay kordhiso mushahaarada shaqaalaha iyo ciidamada, waana talaabo taariikhi ah oo aan cidina hore ugu fikirin in xukuumada Somaliland ay mar qudha 100% mushahaarada kordhiso iyada oo aan wax cashuur ah la kordhin. Wasaarada maaliyada ayaa sidoo kale soo afjartay musuqmaasuqii ay ku kici jireen qaar ka mid ah shaqaalaha maaliyadu, waxaana ay xukuumadu  wacad ku martay in shaqada laga eryi doono maxkamadna la hor keeni doono qofka xada hantida qaranka.

4. Dhinaca Siyaasada Debada ayaa xukuumada Somaliland ay horumar ka samaysay waxaana dalka si joogto ah ugu soo qulqulaya madaxda caalamka ee kala duwan oo dhamaantood diyaar ah u inay wax la qabtaan Somaliland, sidoo kalana garab istaagaan bulshada geesiyaasha ah ee reer Somaliland ee dalkooda dhistay iyaga oo aan caalamka taageero muuqata ka helin, waxaana la saadaalinayaa in imika wixii ka danbeeya Somaliland loogu deeqi doono  sanad kasta malaayiin lacag ah oo wax ka qaban doonta baahiyaha kala duwan ee dalkeena ka jira, horumarna loogu abuuri doono bulshadeena, laguna xoojin doono amaanka iyo dimuqraadiayada dalkeena ka jirta.

Iyada oo qoraalkan yar aynaan kusoo wada koobi karin talaabooyinka dhiirri galinta mudan ee ay qaaday Xukuumada Somaliland, ayaa hadana waxaa muuqda in ay jiraan xulufooyin shaydaani ah oo usoo qalab qaatay inay wax yeelleeyaan amaanka iyo horumarka dalka Somaliland ka hano qaaday, cadawgaas oo ay hormuud ka yihiin ururka argagixisada ee SSC iyo maamul goboleedka fashilmay ee Puntland oo uu  werwer balaadhan ku abuuray horumarka baaxada leh ee uu qaranka Somaliland ku talaabsaday, waxaanay kooxahaas nabadiidka ahi yiqiinsadeen inay muddo yar oo koobani ay ka hadhay markii Somaliland la aqoonsan lahaa, hadaba kooxahaasi nabad diidka ah ayaa si khaldan isaga dhaadhiciyay in hadii ay furin dagaal ku furaan Somaliland inay sababi doonto in Aqoonsiga Somaliland uu dib u dhacayo, nasiib wanaag Somaliland waa qaran ka gudbay in lagu qiimeeyo goob uu dagaal ka socdo, sabatoo ah Somaliland waa qaran masuul ah oo ku taagan jirrido adag oo aanay ruxi karin cadawga Somaliland, waxaana dunidu ay kalsooni balaadhan ku qabtaa in Ciidamada Qaranka ee Somaliland ee geesiyaasha ahi  ay leeyihiin awood balaadhan oo ay ku ilaalin karaan kuna difaaci karaan taako kasta oo ka mid ah dhulka daahirka ah ee Somaliland.

Guntii iyo Gabogabadii Xukuumada Somaliland ee uu hormuudka ka yahay Mudane  Axmed Maxamed Siilaanyo waxay haysaa dhabadii horumarka iyo aqoosiga ay ku gaadhi lahayd Somaliland, shacbiga Somalilandna waxaa ku waajib ah inay is garab taagaan xukuumadooda una saro kacaan difaaca dalkooda hooyo ee ay isu soo gaashaan buuraysteen xulufada shaydaaniga ah ee SSC. ONLF iyo Puntland, kuwaasoo ay hubaal tahay inay ku fashilmi doonaan weerarka aan xikmada ku fadhiyin ee ay kusoo qaadeen dalkeena qaaliga ah.

UDUB IYO UCID:  Hogaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo UDUB oo ku guuldarraystay doorashooyinkii dalka ka dhacay  waxaa ku waajib ah inay xagal-daaca ka daayaan xukuumada, isla markaasna ay is casilaan hogaankoodu, maadaama ay ku fashilmeen doorashadii, horena ay u ballan qaadeen inay is casili doonaan, inta ay si xaaraan ah ugu   dhegsan yihiin gudoomiyanimada xisbiyada, wax qiimo ah yeelan mayso eedayn  kasta oo ay xukuumada usoo jeediyaan, sabatoo ah qofka masuulka ah ee ku fashilmay inuu ka dhabeeyo ballantii uu u qaaday shacbigu, cidi aamini mayso si kasta oo uu u qayliyo, waxaana lasoo gaadhay xiligii la furi lahaa Axsaabta siyaasada si looga baxo kali taliyayaasha jeebka gashaday Xisbiyadii dalka.

Kaysar Cabdilaahi
Bristol.UK
kaysar@europe.com