Wasiirkii Hore ee Waxbarashada oo ka Warramay Farqiga Waxqabad ee u Dhexeeya Xukuumaddiisii …

Wasiirkii Hore ee Waxbarashada oo ka Warramay Farqiga Waxqabad ee u Dhexeeya Xukuumaddiisii iyo ,,, PDF Print E-mail
Thursday, 24 February 2011
 “Waxaan leeyahay wixii aannu bixin jirnay ee dadku nooga barteen maanta ma jiraan oo waataa shaqaalaha iyo ciidammada mushaharka loogu kordhiyey”“Daruuri bay ahayd in UDUB meesha bannayso, waayo xataa haddii dib naloo dooran lahaa xafiisyada ayaa xoog….”

“Kacdoonnada dadweyne ee xilligan hadheeyey dawladaha Carabta waxaan odhan karaa Somalilandbay ku soo horreeyeen, sababtoo ah…”

Waraysi khaas ah – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Mr. Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan-gadhweyne), ayaa daboolka ka qaaday inay daruuri ahayd in xisbigiisa UDUB lagaga guulaysto doorashadii Madaxtooyada, isla markaana lagama maarmaan ahayd inuu hoggaaminta dalka banneeyo.

Mr. Xasan-gadhweyne oo lagu tilmaamo siyaasiyiinta UDUB ee qunyar-socodka ah waxa uu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo uu Jamhuuriya kula yeeshay shalay hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, isagoo dhinaca kalena ammaan iyo bogaadin fara badan u jeediyey xukuumadda talada kala wareegtay ee xisbiga KULMIYE oo uu ku tilmaamay mid muddada kooban ee ay jirtay muujisay waxqabad muuqda.

Wasiirkii hore waxa uu waraysigaas kaga hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha xaaladda dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin aragtidiisa waxqabadka iyo dhaliisha xukuumadda cusub, jihada siyaasadda arrimaha dibadda ee xilligan, colaadda Buuhoodle, abaaraha, talooyin ku socda Madaxweyne Siilaanyo oo ku saabsan saami-qaybsiga beelaha Somaliland ee mansabyada ugu sarreeya qaranka, kala-daadsanaanta ka muuqata xisbigiisa UDUB iyo weliba kacdoonnada ka socda waddamada Carabta iyo saamayntii ay ku yeesheen xukuumaddii Rayaale ee uu wasiirka ka ahaa.

Ugu horreyn, isaga oo ka jawaabayey su’aal u dhignayd sidan; waxa aad ka mid ahayd odayaashii ugu miisaanka cuslaa ee xukuumaddii talada dalka sida quruxda badan u wareejisay, dalka isbeddelbaa ka dhacay, iminka muddo siddeed biloodbuu isbeddelku jiray, bal aragtidaada siyaasinimo, shakhsinimo iyo ta odaynimo adigoo ku qiimaynaaya xaalada dalka iyo sida ay wax u socdaan bal war-bixin kooban naga sii?

Waxa uu Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) hadalkiisa ku bilaabay, “Waan ku farax sanahay in Jamhuuriya maanta wax i weydiiso oo ahaa qolooyinkii wax aad u dhaleecayn jiray, haba noqoto baraarujine, balse aannu u arkaynay xilligayagii mucaaridnimo.

Maan ahayd dadka ku badan saxaafadda ee u arkayey in taasi ujeeddooyin badan huwan tahay amma u arkayey inay caan ku noqdaan oo dadka isku baraan, waxaanan u arkayey in aan ahay qof caan ah oo aan u baahnayn in la barto. Waxaan kaloo dhaqan ahaan u arkayey in wasaaradda waxbarashada ee aan joogay ka gedisan yihiin masuuliyiinta kale, sababta oo ah waxa la hayaa waxa weeye boqollaal ardey ah oo wax aan qaangaadhin, qaangaadhay iyo dad waaweynba leh oo mabda’ ahaan iyo siyaasad ahaanba kala wada jaad ah oo obacdaa siyaasadeed ee dalka markaa ka jirtay u wada qaybsan.

Sidaa darteed, ay waajib ahayd in aannu ka ilaalino amma laga ilaaliyo in ay siyaasadda ku milmaan, waxaananu ku dhiirigelin jirnay in ay iyagu waalo yihiiin. Inta yaryarina nidaamka siyaasadeed ee hooyadood iyo aabbahood ku sheekaysanayaan uun bay la qabaan, inta waaweyna way qabaan aragtidooda siyaasadeed iyo meesha ay u jahaysan yihiin, laakiin wasaaraddaasi ma ay ahayn mid siyaasadda iyo arrimahaas lagaga hadlo.

Waxaannu had iyo jeer ka ilaalin jirnay axsaabtu marka ay tartamayaan in ay iskuulada tagaan ee ay dabaal-degayaan. Marka iskuul la xidhayo amma la furayo waxa lagu casuumi jiray masuuliyiinta iyo hoggaamiyayaasha axsaabta oo laga yaabo in aanay eegin dadka ay la hadlaayan oo xataa ay dhici karaysay in lagu dhagaxyeeyo, haddii aanay ka fikirin cidda ay la hadlayaan waxa ay tahay.

Waxa dhacday in waqtigii aan joogay Wasaaradda Waxbarashada aan mamnuucay in iskuullada lagu casuumo axsaabta qaranka amma ka hoggaanka haya ha noqdo amma ku mucaarad ah ha noqdee, waxaanan ku odhan jiray waalidiinta idinku casuuma, anigana masuuliyiinta ii daaya, sababtaasina waa ta ii diiday in aan ka muuqdo saxaafadda.

Maanta waxaan isleeyahay waad ka hadli karaysaa xaaladda dalka ee siyaasadeed iyo mid kaleba. Horta haddaannu nahay xisbita UDUB muddadii aannu xilka haynay wax badan waannu qabanay haddii runta laga hadlayo, wax badana waa naga dhinaayeen oo qabyo badan badan baannu ka tagnay, markaa daruuri bay ahayd in UDUB meesha bannayso oo isbeddel dalka ka dhaco, sababta oo ah isbeddel ayuu dalkani u baahnaa, waayo waxaan aamminsannahay haddii aannu sii joogi lahayn oo xataa aannu doorashadii ku guulaysan lahayn in xafiisyada naloogu soo geli lahaa oo dadweynuhu naga soo dareerin lahaayeen, kamaanaan xumayn ee siduu caddeeyey hoggaamiyaha xisbiga UDUB Md. Daahir Riyaale Kaahin madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland oo aannu la aragti ahayn, kuna raacsanayn inuu aqbalay natiijadii iyo guushii doorashada, iyadoo ay haddana jireen qolooyin ka qumuc-qumuc lahaa oo haddana nala aragti ahaa, laakiin hoggaaanku isaguu ahaa annaguna taasuunbaannu la qabnay.…..

kacdoonnada dadweyne ee xilligan hadheeyey dawladaha Carabta waxaan odhan karaa Somalilandbay ku soo horreeyeen, waayo waad ogaydeen markii dadweynaha gadoodsan madaxtooyada dirqiga lagaga celinaayey, iyaga oo doonaaya in ay madaxweynaha xoog kaga soo saaraan xafiiska, laakiin Ilaahay wuxuu inagaga badbaadiyey doorashadii dhakhsaha loo qabtay ee xukunka nalagaga guulaystay, taasna waxaan u arkaa guul u soo hoyatay guud ahaan Somaliland, gaar ahaan xisbiyagaya UDUB, waayo maanaan helneen karaamada iyo sharafta aannu ka kasbanay bulshada Somaliland iyo guud ahaan beesha caalamka oo nagu ammaanay sidii quruxda badnayd ee aannu xukunka u wareejinay markii doorashada nalagaga guulaystay.

Sidaa darteed, waxa la odhan jiray marka aannu mucaaridka sheekaysanayso waar wixii aannu qabanay uun noo qira oo nagu mucaarida waxaasina way idinka dhiman yihiin.

Waxa kaloo aad ogaydeen in Md. Daahir Riyaale ballanqaaday inuu dawladda cusub ee xilka nagala wareegtay yidhi waannu taageeraynaa, markaa xukuumadda cusub waxaan leeyahay waannu idinku garab taaganahay horumarka dalka, taas ayaanuna qabnaa, ninkuna hadduu xil qaran soo qabtay wuu ogyahay culayska uu leeyahay oo maanta waan dareemayaa culayska fuushan masuuliyiinta xukunka haya.”

Xasan Gadhweyne oo sii ambaqaadayey ammaanta iyo hambalyada waxqabad ee uu u xambaariyey xukuumadda talada kala wareegtay ee xisbiga KULMIYE, waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Marka ugu horreysa waxaan ku hambalyeynayaa xukuumadda cusub ee KULMIYE dedaallada horumarineed ee ay muujisay muddada koobban ee ay xilka haysay, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhammaystirka biriijka labaad ee Hargeysa iyo wax-ka-qabashada qabyo farabadan oo aannu xilligayagii ka tagnay, runtiina waa mid muddan in lagu ammaano.

Haddii aan tusaale u soo qaato waxqabadka xukuumadda waxa ka mid ah; Wasaaradda Waxbarashada ee aan wasiirka ka ahaa, taas oo runtii samaysay isbeddel farabadan oo horumarineed, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin in mushahaarooyin laban laaban loo qoray in ka badan laba kun oo macallin oo aan xilligayagii wax mushahar iyo taakulo waalid ah toona qaadan jirin iyo in ay wasiirku hawlgalisay madbacad wasaaraddu leedahay oo waqtigii aan xilka hayey dalka la keenay, laakiin aan laga shaqaysiin, taas oo hadda wasiirku u samaysay sharcigii ay ku shaqayn lahayd, shaqaalena u qortay, isla markaana dabooli doonta baahidda daabacaadeed ee buuggaagta kala duwan ee dalka gudihiisa. Arrintaasi waa mid aan ku ammaanayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo aan aniguna diyaar ula ahay inaan ku kordhiyo goor kasta iyo goob kasta wixii talo iyo toosin ah ee la xidhiidha horumarinta hawlaha baaxadda leh ee wasaaraddu qaranka u hayso.”

“Waxa kaloo aan xukuumadda ku ammaanayaa koboca laxaadka leh ee ka muuqda miisaaniyadda qaranka oo in ku dhaw labanlaab ka badan tii ugu dambaysay xukuumaddii UDUB….Waxaan leeyahay wixii aannu bixin jirnay ee dadku nooga barteen maanta ma jiraan oo waataa shaqaalaha iyo ciidammada mushaharka loogu kordhiyey,” ayuu yidhi wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashadu.

 “Sidoo kale waxaan ammaanayaa Wasaaradda Duulista iyo Hawada oo muujisay dedaal iyo karti ay ku hawlgalisay madaaro muddo dheer xidhnaa. Waxa kaloo aan hambalyeynayaa Wasaaradda Beeraha oo iyaduna ku hawlan dedaal ay ku doonayso sidii ay dalka uga beeri lahayd bariis lagaga maarmo ka dibadaha laga soo dejiyo ee dhaqaalaha badan innagaga baxo.”

Wasiirkii hore ee Waxbarashada oo la weydiiyey aragtidiisa ku aaddan jihada ay u socoto siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxa uu ku jawaabay; “Waqtigii aannu talada haynay wasiirradii u kala dambeeyey Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay muujiyeen dedaallo xoog leh oo ay ku doonaayeen sidii Somaliland u heli lahayd aqoonsi caalami ah, waxaanay ka qaybgashay shirar farabadan oo meelo kala duwan oo adduunka ah ka dhacay, sidoo kalena waxa ay soo ijaarteen qaraanno caalami ah oo adduunka uga dooda sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa…..

Inkasta oo ay mamnuuc tahay sharciyo ka yaal in laga qaybgalo shirarka dawladaha loogu dhisaayo Soomaaliya, haddana anigu shakhsiyan aragtidayda siyaasiga ah waan taageersanahay shirkii cabashada badan laga muujiyey ee Wasiirka Arrimaha Dibaddu kaga qaybgalay dalka Ingiriiska. Waan akhriyey khudbaddii wasiirku ka jeediyey shirkaas oo aan Website-yada kala soo baxay, runtiina wax ceeb ah kama muuqan oo dhammaanteed waxa ay ka hadlaysay qadiyadda Somaliland, iyo farriinta ay u gudbinayso beesha caalamka ee ay ku doonayso aqoonsiga. Sidaa darteed, waxa aan ku talinayaa waa in loo daayo dawladda cusub qaabka ay u adeegsanayso ictiraaf-raadiska oo aan carqalad iyo dhibaato lagu abuurin, laakiin lagu dabagalo qaabka ay wax u wado.”

 “Runtii qarankan Somaliland waa lagu soo duulay oo colaaddu way ka qara weyn tahay dacaayadaha iyo borabagaandada la faafinayo, waana qorshe lagu doonayo in lagu dhantaalo qarannimada iyo jiritaanka dalnimada Somaliland ee xuduudihiisu qeexan yihiin, mana dhici karto amma wax suuragalaaya ma aha samaynta xuduudo aan jirin oo magac qabiil loogu marmarsoonaayo.

 Sidaa daraadeed, waxaan ummadda Somaliland xusuusinayaa in ay fiiro gaar ah u yeeshaan qarada colaaddaas, isla markaana isu taagaan difaaca qarana Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo aan shacabka iyo dawladdaba ku hambalyeynayaa dedaalka iyo gurmadka ay ka galeen abaaraha dalka ka jira waqtigan, waxaanan ku baaqayaa in yar iyo weyn qof walba wixii uu helo karo uu ku caawiyo dadkooda abaaraha ku tabaaloobay,” ayuu yidhi Xasan Gadhweyne oo ka hadlayey mawqifkiisa ku wajahan colaadda ka aloosan deegaannada degmada Buhoodle iyo gurmadka xaaladda abaareed ee xilligan dalka ka jirta.

Mar uu ka hadlayey kala daadsanaanta ka jirta xisbigiisa UDUB iyo dhaliilaha kulul ee uu la daba taagan yahay xukuumadda cusub,waxa uu yidhi; “Kala daadsanaanta xisbiga UDUB ka muuqata waa mid ka dhalatay xisbiga oo aan golayaal sharci ah u dhisnayn, cidda kaliya ee sharciga ahna tahay Guddoomiyaha, Guddoomiye-ku-xigeenka, Xoghayaha Guud iyo Ku-xigeenkiisa oo lagu doortay shirweynihii u dambeeyey ee lagu dooranaayey murrashaxiintii nooga qaybgalay tartankii doorashada madaxtooyada oo nalagaga guulaystay, iyada oo aanay waxba noo dhisnayn…..Guddoomiyaha, ahna madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Xoghayihii Guud waa kuwaa dalka ka maqan, ku-xigeenkii xoghayaha guudna wuu xannuunsanayaa oo hawl culus ma qaban karayo, waxana maanta cid sharci ah dalka jooga Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaannu sameeyey guddiyo kala duwan, inkasta oo kii ugu muhiimsanaa oo ah guddiga hoggaaminta siyaasadda xisbiga aan wali la isku waafaqin, balse waxaan rajaynayaa in dhaqso xisbigu u dhismi doono, una noqdo xisbi mucaarid ah oo wax dhisa oo ka duwan kuwa aan weli xukunka dalka soo marin.

Aniga shaqsiyan ilamay qurux badnayn in xisbiga UDUB u hadlo sidii xisbi ugub ah oo aan hore talada u soo qaban, waayo isagu [UDUB] hore ayuu u soo qabtay talada dalka oo wuu garanayaa baaxadda culayska saaran xukuumadda talada haysa ee KULMIYE oo isaga laftiisu hadda dareemay culayskii masuuliyadeed ee aannu haynay waqtigii uu mucaaridka ahaa, markaa waxa qurux badan maadaama aannu nahay masuuliyiin qaran oo dalka soo hoggaamiyey in aannu xukuumadda cusub la shaqayno, mucaaridadayaduna noqoto mid asluub iyo xormo masuuliyad huwan oo aannu ku saxayno hadba wixii dhaliil ah ee noo muuqda.”

Waxa kale oo waraysigaas ku dooxay arrin aan hore looga hadal oo ku saabsan saami-qaybsiga beelaha Somaliland ee mansabyada ugu sarreeya dalka, isagoo taas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Madaxweyne talada dalka maanta adiga ayaa gacanta ku haya, markaa waxaan talo ahaan kuugu soo jeedinayaa in aad tallaabo geesinimo leh ka qaadato sidii aad wax uga beddeli lahayd saami-qaybsiga beelaha Somaliland ee mansabyada ugu sarreeya dalka, waayo madaxweynihii, labada guddoomiye Barlamaan iyo Maxkamadda Sare beelaha darafyada cidi kagama jirto. Hawshaasi waa mid u baahan in lagu wejaho go’aan geesinimo leh, taas oo aan aamminsanahay in ay wax badan ka tari lahayd tabashooyinka jira…. Ragga mansabyadaas ku fadhiya ee hungurigu ka hayo in ay mar uun dalkan hoggaamiyaan, iyaga laftooda waxaan leeyahay arrintaas ha ka dhug la’aanina oo hadday suurtogal tahay kuraasta qaar ha looga tanaasulo si Somaliland oo dhan uga wada muuqato hoggaaminta dalka.”

Xasan Gadhweyne oo la weydiiyey ammaanta in ammaanta faraha badan iyo hambalyada uu u xambaariyey xukuumadda KULMIYE tahay xod-xodasho uu madaxweyne Siilaanyo kaga doonaayo xil loo magacaabo waxa uu ku jawaabay; “Horta anigu waxaan ka soo jeedaa Gobolka Saaxil, saamigii aannu xukuumadda ka heli lahayna waxa ku fadhiya Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta oo ah nin iga aqoon badan, iga cilmi badan, iga firfircoon, dalkana wax badan u soo taray, isaga oo dibadda jooga, maantana doonaaya in uu gudaha wax badan ka qabto oo aanan isbarbar taagi karin. Midda kale waxaan ka tirsanahay xisbigii dhacay ee UDUB oo suurtogal iilama muuqato in xisbigii aannu is-haynay ee talada nagaga guulaystay uu xil ii dhiibato.”

Mar uu ka jawaabaayey su’aal laga weydiiyey haba yaraatee in ay jirto wax dhaliil ah oo uu u hayo xukuumadda KULMIYE, waxa uu yidhi; “Runtii ma arko in xukuumaddan cusub gaadhay waqti dhaliisheeda dibadda la soo dhigo, sababta oo ah waxa ay xukunka haysay muddo siddeed bilood oo kaliya, taasna waxba laguma qiimayn karo waxaanay samaysatay qorshe aanaan annagu samayn jirin oo ay ku soo uruurisay sida ay u kala horreysiinayso waxqabadkeeda muddada shanta sannadood ah ee la soo doortay, laba sannadood wax ka yarna wax laguma qiimayn karo, iyada oo waliba qiimayntooda si fudud looga tix-raaci karo barnaamijka ay samaysteen. Haseyeeshee, dhaliisha kaliya ee aan u hayaa wax weeye may ahayn in uu madaxweynuhu dareeriyo dhammaan agaasimayaashii guud ee wasaaradaha dalka oo badankoodu ahaa mishiin aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda laga faa’iidaysan karo.”

Ugu dambayn, Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne), oo wax laga weydiiyey halka uu taagan yahay hankiisa siyaasiga ah waxa uu carrabka ku dhuftay in aannu dalkan dib uga qaban doonin xil uu hore u soo maray, balse ku jiro hunguri la xidhiidha in uu maalin maalmaha ka mid ah noqdo hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Somaliland, marka la gaadho shanta sannadood ee soo socda, laakiin hadda aannu ka hordhacayn tafaasiisha arrintaas.

Jamuuriya