Lasaanood Culimada Laacaanood Oo Soo Dhaweeyay Baaqii Madaxweyne Siilaanyo

Laascaanood (Somaliland.Org) Qaar k mid ah wax garadka iyo Culimada Laascaanood ayaa iyagu soo dhaweeyay baaqii nabadda ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhawaan  uu soo saaray.

Qoraal ay soo saareen culimmada Magaalada Laascaanood oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay wuxuu u dhignaa sidan:-

“Bismilaahi Raxmaani Raxiim:

Anaga oo ka mid culimada degan magaalada Laas-caanood waxaanu si niyadsami ah u soo dhaweenaynaa baaqii nabadda ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo) dhawaan ka soo saaray dagaalka ka socda Kalshaale. Waxaanu ka xunahay dagaalkii dhacay ee  ku soo beegmay xilli dalka abaaro ba’ani ka jiraan, waxaana ku baaqaynnaa xabbad joojin deg deg ah, oo aan shuruud lahayn  in la sameeyo.Waxaanu taageeraynaa cid kasta oo iyadu fidinaysa goggol nabadeed, oo lagu soo afjarayo dagaalkan dhaliyay khasaaraha faro badan.

ILAAHAY waxa aanu ka baryaynaa in colaadaa dabada dheeraatay naga soo afjaro, nooguna beddelo nabad iyo barwaaqo.Aamiin.”


Magacyada culimada iyo waxgaradka soo saaray baaqan

1- SH.C/naasir X.Axmed Yuusuf

2- SH.Axmed Maxamed Suleymaan

3- SH. Cali Mucallim Xasan

4- SH.Maxamuud Diiriye Cilmi

5- SH.Maxamuud Maxamed Maxamuud

6- SH.Aadan Cilmi Saciid

7- SH.Aadan C/raxmaan Xuseen

8- SH.Saciid Axmed Cadar

9- SH.C/naasir X.Maxamed

10- SH.Xasan Maxamed Bootaan

11-SH.Aadan Cali Nuur

12- Saciid Cabdi Ducaale

13- SH.Maxamuud Salaad Warsame

14- SH.Yuusuf Haybe Ibraahim

15- SH.Daahir Khaliif Jaamac

16- C/razaaq Maxamed Warsame

17- C/llaahi Ciise Oog

18- C/llaahi SH.Cali Macallim

19- C/naasir Maxamed Barre

20- SH.C/llaahi X.Axmed

21- SH.C/rashiid X.Axmed

22- SH.C/llaahi Maxamuud Cali Maahir

23- SH.Jaamac Maxamed Cusmaan

24- SH.C/rashiid Yuusuf Maahir

25- SH.Maxamed SH.Aadan C/raxmaan

26- SH.Maxamed Maxamuud Faarax

27- SH.Cali Aadan Dalmar

28- SH.Maxamed Xirsi Maxamed

29- SH.Axmed Maxamed Maxamuud

30- Axmed C/raxmaan Cali

31- Maxamed c/raxmaan Cali

32- C/qani Cali Dhuux

33- C/rashiid Jaamac Biixi

34- C/qani Awdaahir X.Xasan

35- Crisaaq Cali Xuseen

Maxamed Axmed Darshiish

Xafiiska Somaliland.Org ee Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com