Jabuuti: Waxay Ficil U Rogtay Heshiiskii Labada Madaxweyne!

Faallo  Cumar M. Faarax

Waxay ficil u badaleen iskaashigii labada dal ay hore ugu heshiiyeen
in ay ka wada shaqeeyaan dhinacyada nabadgelyada iyo ganacsiga. Waxay qaadeen talaabo ku weyn xidhiidhka isa soo taraya

Waa tallaabo dar-dargelin karta cilaaqaadka labada wadan  oo hore
heshiisyadoodu u ahaayeen kuwo ku sinaa oo qudha dhinaca afka oo
qudha.

Waxay ahayd Khamiistii hore markii Jamhuuriyadda Jabuuti ay ciidamada
Somaliland  u soo dhiibtay nin isagoo maqan maxkamadda ciidamadda ee
darajada koowaad ay ugu xukuntay 16 sanadood oo xadhig ah, ka dib
markii lagu helay inuu dal-mareen u ahaa isla markaana gaadhi ka
kireeyay 250 maleeshiyo   ONLF ah oo bishii October ee kal-hore ka soo
degay xeebta galbeedka dalka ee Lughaya, kuwaasi oo u gudbay dalka
Itoobiya.

Ninkan oo la yidhaahdo  Maxamed Yuusuf Odowaa ( Aleel) waxa dalka
Jabuuti lagu qabtay  ka dib markii uu ka soo laabtay dalka Yaman oo uu
u baxsaday markuu Somaliland ka cararay.

Talaabada Jabuuti ay Somaliland ugu soo gacan gelisay muwaadinkaasi oo
dalkiisa ka galay jariimad weyn waxay tusmaynaysaa in dalkaasi
xilligan ka go’an tahay inuu Somaliland ula shaqeeyo sidii qaran
madaxbannaan. Arrintan ayaa noqonaysa natiijadii ka soo baxday
socdaalkii Madaxweynaha Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayay  uu socdaalkii u horeeyey ee uu
ugu baxo dalka dibadiisa  tan iyo markii uu xilka la wareegay uu ku
tagay dalka Jabuuti 3-dii bishii November ee 2010-kii, halkaasi oo
loogu soo dhaweeyey si  la yaab leh, isla markaana uu madaxweynaha
Jabuuti Mudane. Ismaaciil Cumar Geelle, Raysal-wasaaraha  iyo wasiirro
ka tirsan xukuumadda dalkaasi ay kaga hortagaan dhabadda diyaaradaha
halkaasi oo loo dhigay rooga cas. Waxaana kulamo ay labada Hoggaamiye
xiligaasi ku yeesheen madaxtooyada jabuuti ay si qoto dheer oo
siyaasiya isula falan qeeyeen  xaalada siyaasadeed ee ka jirta
mandaqada iyo  waxaanay isku waafaqeen in bog cusub loo furo
iskaashiga labada dal oo ay isla garwaaqsadeen in aanay sina u kala
maarmayn.

.

Labada dal waxa kale oo u hadhay inay furaan xafiisyadii  ay
isdhaafsan lahaayeen  oo fududeyn lahaa taabo-galinta iskaashiga
labada qaran ee dariska ah.

Waxay Jamhuuriyadda Jabuuti Somaliland ka filaysaa inay hubiyaan dadka
ka soo gudbaya xuduuda Somaliland ee doonaya inay galaan wadanka
Jabuuti,  si looga feejignaado in kooxaha xag-jirka ahi ay isku dayaan
inay galaan  Jabuuti.

Somaliland waxa looga baahan yahay inay dhinaceeda meel mariso
adkaynta xidhiidhka ay la leedahay Jabuuti. Ninkan dambiilaha ah ee
Jabuuti soo dhiibtay wuxuu Somaliland  u noqonayaa bilowga ictiraaf
dadban iyo   midho wax ku ool ah oo ka soo baxay  siyaasadda dibadda
ee xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo
sanadkii u horeeyay xil hayntiisaba dhegaha beesha caalamku u godlan
yihiin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxay cilaaqaadka noocan oo kale ah uu
hoos u dhigayaa in dadka dunuubta ka gala mid ka mid ah labadan dal
aanu ku badbaadin  wadamada jaarka ah.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com