Maamulka Gobolka Iyo Booliska Hargeysa Oo Ka Hadashay Guryaha La Gubay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maamulka Gobolka Hargeysa iyo Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta ka hadlay  Guryaha lagu gubay xaafada New Hargeysa ee degmada Gacan libaax oo dadweynaha ku riday sas iyo walaahow saamayn taban ku yeeshay degaanaanshihii shacbiga.

Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Hargeysa Mawliid Waris oo ka hadlay ka dib markii isaga iyo masuuliyiin kale ay booqdeen qaar ka mid ah  Guryihii la gubay  ayaa sheegay in la gubay 21 Guri oo u badan carshaan iyo Jiingado, waxase uu tilmaamay inay Daarana ku jireen.

“Guryahaasi la gubay waxay u badan yihiin Buulal iyo Jiingado, binooyin daarro ahina way ku jireen, nasiib wanaag  ma jiro cid ku dhaawacantay iyo cid ku dhimatayba waxaad moodaa in dadka laga faa’iidaystay oo cabsi lagu abuuray, waxaanu bulshada u soo jeedinaynaa inay is dejiyaan wixii ay ka shakiyaanna ciidamada ammaanka la soo xidhiidhaan oo ay guryahooda ku sugnaadaan iskana daayaan tashuushka lagu furay,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku Xigeenku waxaanu Tacsi u diray qoysaskii guryahoodu ay ku gubteen.

 Sidoo kale, Taliyaha qeybta Booliska ee barriga magaalada Hargeysa Maxamed Ducaale Cali oo u waramayay saxaafada ayaa sheegay in sheegay in guryaha gubtay ay gaadhayaan 21 Guri oo sida uu carabka ku dhuftay u badan Buulal iyo jiingado.

“Waxaanu aragnay Guri shuf beelay oo hadana  aanay xataa weel muu dhex oolin oo waa laga saaray, waxa naloo sheegay in dusha lagaga shubay  baatrool cidina waxba kumay noqon,”ayuu yidhi Taliyuhu.

Waxaanu sheegay inay kiiskan u hayaan dhawr iyo toban qof, waxaanu dhaliilay dadweynaha oo uu tilmaamay inay ahayd inay  Booliska si dhab ah ula shaqeeyaan.

Illaa imika ma jirto cid wax kaalmo ah gaadhsiisay dadkii ku baro kacay guryahan la gubay oo u badnaa dad danyar ah. Waxa kale oo maanta magaalada Hargeysa dadweynuhu ay ilaashanayeen guryahooda iyagoo dusha ka fuulayay jiingada oo ay ka baadhayeen in xalay lagu soo tuuray walxo dareere ah oo sida la sheegay loo adeegsaday gubista guryahan.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com