Gadood Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Buuhoodle

Buuhoodle(Somaliland.Org)- Laba Qof ayaa ku dhintay halka dhawr kalena ay ku dhaawacmeen  ka dib markii shalay ay kooxda nabad diidka ah ee SSC ay rasaas ku fureen Boqolaal dadweyne ah oo ka gadooday markii kooxdaasi guryahooda ku weerareen masuuliyiintii dawlada Somaliland u joogay gobolka Buuhoodle.Masuuliyiinta guryahooda lagu weeraray waxa ka mid ahaa Badhasaabkii Gobolka Buuhoodle Axmed Maxamed Roodhi, Maayar Ku Xigeenkii Buuhoodle Yuusuf Cabdilaahi Hangool, Taliyihii qeybta Booliska ee gobolkaas C/Kariim Ismaaciil Dhawle iyo sarkaal ka tirsan ciidanka Nabad sugida oo la yidhaahdo Maxamed Deeq.

Dadweynahan ayaa kooxdaasi ku gadooday oo shiid hadhka kaga dhigay waxaana rasaastii ay dadka ku fureen ku dhintay Gabadh uu dhalay sarkaalka la yidhaahdo Maxamed Deeq iyo wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadweynihii ka cadhaysnaa falkaasina, halka ay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen dhawr qof oo kale. Kooxdan nabad diidka ah waxay halkaasi ka kaxaysteen  Badhasaabkii, Maayar Ku Xigeenkii iyo sarkaalka la yidhaahdo Maxamed Deeq, waxase ay  wali gurigiisa ku gadaaman yihiin oo ay ku guul daraysteen inay qabtaan Taliyihii qeybta Booliska ee Buuhoodle C/Kariim Ismaaciil Dhawle. Kooxdani waxa kale oo ay weeraro iyo cago juglayn ku hayaan qof kasta oo ka mid ahaa shaqaalaha dawlada Somaliland ee ku sugan Gobolkaasi.

Dhinaca kale, waxay kooxdaasi shalay ay madaafiic ku rideen fadhiisimada ciidanka qaranka ee  jiida Buuhoodle inkasta oo ciidamada qaranku aanay wax jawaab ah ka bixin iyagoo u tudhayay dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi oo ay haysto abaar ba’ani.

Xigasho” Wargeyska DAWAN

dawannews@yahoo.com