Madaxweynahaa Somaliland Oo Qaabilay Weftigii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Socday Beesha Caalamka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay weftigii ugu balaadhnaa ee ka socda Beesha caalamka oo ka koobanaa 16 xubnood, oo ka kala socday dalalka Itoobiya, Belgium, Finland, France, Germany, Jaban, Italy, Netherlands, Norway, UK, Spain, Turkey, USA, Brasil, Wakiilka EU u Fadhiya  Djibouti iyo Xog-haynta urur Goboledka IGAD, kuwaasi oo booqasho hal maalin ah ku yimid Somaliland.

DSC02563.JPG

DSC02517.JPG

DSC02503.JPG

DSC02488.JPG

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu weftiga uga xog waramay xaalada dalka waxaanu u sheegay inay Somaliland beesha caalamka ka doonayso gacan qabasho dhaqaale iyo aqoonsi caalami ah, sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed laga soo saaray kulankii Madaxweynuhu  la yeeshay weftigaasi kaasi oo u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Wefti balaadhan oo ka kooban 16 Xubnood oo ka kala Socda  wadamada Ethiopia, Belgium, Finland, France, Germany, Jaban, Italy, Netherlands, Norway, UK, Spain, Turkey, USA, Brasil, Wakiilka EU u Fadhiya  Djibouti iyo Xog-haynta urur Goboledka IGAD.

 Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Horu-marka dhinacyada badan leh  ee ka socda Somaliland waxa kale oo uu u sheegay in ay Somaliland Beesha Caalamka ka sugayso Gacan qabasho dhinaca dhaqaalaha iyo aqoonsi, si uu dedaalkan ay Somaliland la timid u noqdo mid xaqiijiya  Himillada ummadda.

Eng. Mahboub Maalin oo ah Xoghaynta guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa isaguna madaxweyanaha uga mahad celiyey soo dhawaynta uu weftigu kala kulmay Somaliland waxaanu sheegay in u socdaalka weftigu daba socday safar hore oo Urur goboleedka IGAD Somaliland ku yimaadeen, kaas oo u jeedadiisu tahay xogogaal u noqoshada waxa ay qabsatay Somaliland.

Ambassador Renzso Rosso oo ah safiirka Talyaaniga u fadhiya Ethiopia kuna hadlaayey magaca safiirada ayaa Madaxweynaha uga mahad-naqay soo dhawaynta iyo qaabilaada ay kala kulmeen Somaliland.

Safiirku waxa uu sheegay in ay farxad gelisay waxa ay indhahooda ku arkeen oo ah waxa ay qabsatay Somaliland, Dhismaha ka socda, Ganacsiga iyo nabad gelyada ka jirta Somaliland.

Weftiga oo booqasho maalina ku joogaya wadanka waxa kulanka ka dib Hotel Mansour  warbixin dheer ku siiyey Wasiirrada  Arrimaha Dibeda,  Qarshaynta iyo Xubno kale.

Dhinaca kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibada, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Macdanta iyo tamarta, Wasiirka Arrimaha Guddaha, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Gudoomiyaha Golaha waskiilada iyo Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Wakiilada.

Dhinaca Weftigu waxay ka koobnayeen sidan:-

1.        Ethiopia: Amb. Negash Kibret

2.      IGAD Secretarial: Executive Secretary Ing. Mahboub Maalim

3.      Belgium: Amb. Gunter Sleewagen

4.     EU ( Djibouti): Frederic Roberts

5.      Finland: Amb. Leo Olsvirta

6.      France: Amb. Jean-Chirstophe Belliard

7.      Germany: Nichael Biontino

8.      Jaban: Amb. Hiroyuki Kishino

9.      Italy: Amb. Renzo Rosso – Alberto Vecchi

10.     Netherlands: Sjoerd Smit

11.       Norway: Amb. Odd-Inge Kvalheim

12.     Uk: John Marshall, Sean Cockburn

13.     Spain: Jose Eugenio Thovar Loxano

14.    Turkey: Amb. U. kenan Ipek- Elif Okutucu

15.     USA ( Bilat )Amb. Donald Booth

16.     Brasil: Amb. Isabel Cristina de Azvedo Heyvaert.”

 

 

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com