Madaxweynaha Somaliland Oo Muxuu Ka Yidhi Soddameeye Guri Oo Lagu Gubay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii u horaysay ka hadlay dhawr guri oo ku yaala xaafada New Hargeysa ee magaalada Hargeysa kuwaasi oo illaa imika aan la aqoonsan cida gubtay.

“Hawshaasi faraha ayaa lagu hayaa oo ciidanka Booliska ayaa gacanta ku haya si deg deg ahna waa la idiinla socod siin doonaa arrinta guryahan la gubayo waxa ka soo baxa,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo maanta u waramayay Idaacada VOA-da.

Afar guri isla maanta ku gubtay xaafada New Hargeysa waxaanay dadweynuhu arrintaasi ka muujiyeen walaac xoog leh iyagoo xukuumadana ku dhaliilay inaanay waxba ka qaban arrintaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Cilmi Rooble Furre, ayaa xalay sheegay in dhacdadan argagaxa leh ay u qabteen afar qof waxaanu intaasi ku daray inay ku dabo jiraan qaar kale. Taliyuhu wuxuu sheegay in dadkii guryahan gubay ay adeegsadeen caagado ay ku jiraan baatrool iyo kiimiko oo ay ku tuureen guryaha dushooda habeenkii ka dibna marka qoraxdu maalintii kululaato ay guryahaasi shuf beeleen.

Cumar Maxamed Faarax

 Somaliland.Org/Hargeysa

 cumarmfaarax@hotmail.com