Afar Guri Oo Lagu Gubay Hargeysa Iyo Booliska Oo Sheegay Inay Nin Ku Qabteen Kiimiko

Hargeysa (Somaliland.Org)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre ayaa caawa  sheegay inay maanta qabteen nin lagu qabtay isagoo sita walxo loo adeegsaday  gubista sodameeye guri oo ku yaala xaafada New Hargeysa oo la gubay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay. Waxa shalay la gubay ilaa 4 guri oo kale, halka kuwo kalena la mariyay khad kiimiko ah.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan shan qof oo lagu eedeeyay kiiskan foosha xun waxaanu tilmaamay in talaabo cad laga qaadi doono cidii lagu helo dambigan, waxaanu dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa u soo jeediyay inay feejignaadaan isla markaana ay deg deg Booliska ula soo xidhiidhaan haddii ay arkaan dad laga shakiyo.

Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa ayaa walaac xoog leh ka muujiyay guryahan la gubayo oo ay ku tilmaameen mid dadka lagu baro kicinayo. Waxaana xaafada New Hargeysa ka bilaabay cabsi xoog leh iyadoo dadweynuhu ay guryaha ilaalinayaan hadh iyo habeenba waxaana guryaha hortooda seexda dhalinyarada xaafadaha oo is abaabulay.

Sidoo kale waxa maanta   xaafado ku yaala degmooyinka Maxamuud Haybe, 26-ka June iyo Axmed Dhagax la sheegay in la mariyay  khad kiimiko ah kuwaasi oo dadweynuhuna cabsi xoog leh ka muujiyeen.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com