Wasiirka Waxbarashada Oo Xaalada Waxbarasho Ee Dalka Uga Warantay Guurtida

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa maanta  Golaha Guurtida warbixin ka siisay xaalada waxbarashada dalka. Wasiirka oo ka hadashay fadhigii aqalka odayaasha oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, wasiirku waxay sheegtay in markii u horeysay ay ku guulaysteen inay helaan madbacad  daabici doonta buugta manhajka dugsiyada Somaliland oo ay xustay inay hore dhibaato uga haysatay buugta manhajka oo lagu soo daabici jiray Nairobi, isla markaana uu khaladaad ka iman jiray.

Wasiirku waxay sheegtay in 554 dugsi ay dawladu ka daysay fiigii laga qaadi jiray ardayda. Marwo Samsam waxay intaasi ku dartay in wasaaradda waxbarashadu ay mushahar siiso 2200 oo macalin.

Wasiirku waxay sheegtay dhibaatooyin yar yari ka soo baxeen lacagta dugsiyada laga daayay taasi oo ay ka mid yihiin laydhkii iyo biyihii, waxaanay xustay in arrintaasi la kaashanayaan hay’adaha caalamiga ah sidii ay dabooli lahaayeen biyaha iyo laydhka dugsiyadda.

“Waxa jirta gobolada fog fog in ay dadka qurbo jooga ahi ay ka dhiseen dugsiyo, hase yeeshee haddana dhibaato ka jirto qalab la’aani jirto meelaha qaar anagaa wax ka qabanay, waxaan rajaynaynaa in arday kasta oo Somaliland ka mid ahi uu helo buugiisii kursina uu helo, iskuulka Qori-lugud, dugsiga sare ee Dayib Guray ee magaalada Hargeysa iyo iskuulka sare ee New Hargeysa waxaanu u helay qalabayn  waxa imika qorshaha noogu jira in hay’adaha caalamiga ah ee inagala shaqeeya ay dugsiyada  farmijarka dhigaan. Dugsiyo badan ayaa la dhisay, waxaanu sahan ku soo sameynay dugsiyadda dalak oo dhan,”  ayay tidhi wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland waxay sheegtay in aanay ogolaansho siinin jaamacad qudha, iyadoo arrintaasi ka hadlaysayna waxay tidhi  “Wasaaradda Waxbarashada Somaliland waxa imika ku jira tacliinta sare anagu intii aanu wasaarada joognay hal jaamacad warqad ogolaansho ah  ma aanu siinin waxase jira jaamacado badan, waxaanu u samaynaynaa komishanka tacliinta sare oo madax banaan oo tayo lagu doortay oo jaamacad walba taga oo soo qiimeeya inay u qalanto jaamacad oo ay arday soo saarto. Iskuulada gaarka loo leeyahay iyo wasaaraddu iskumay xidhnayn, imika waanu isku xidhnay, waxaanu la galay shirar joogto ah, waxaanu u soo samaynay Agasime gaar ah, waxaanu doonaynaa in dugsiyada gaarka ahi ee dhaqaalaha ka hela  Carabta lagu mataaneeyo dugsiyada dawladda si ay uga helaan qalabka iyo waxyaabo kale, waxaanu wada shaqeynaynaa waxyaabo yar yar oo ay ka cabanayeena waanu ka wada hadalnay oo ay ka mid ahayd yaan macalimiinta laga qaadin cashuurta, taasna waanu ka qancinay anagu wasaarad ahaana macallin  kasta iyo shaqaale kasta waxa laga doonayaa inuu cashuur bixiye noqdo.”

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay sheegtay in ay isku xidhmeen ardaydii iyo wasaaradii waxbarashada oo ay ardaydu si sahlan cabashadooda u soo gaadhsiin karaan wasaarada waxbarashadeeda.

Wasiirka oo la weydiiyay waxa sababay in 300 oo ka mid ah khubaradii oo arrintaaas ka hadlaysay waxay tidhi “308 qof ayaa lagu qorey in ay iskugu jiraan hawlgab, ma shaqeyste iyo dad dhintay. Wasaaradda waxbarashada waxay ku shaqayn jirtay nidaam ah in marka uu qof dhinto lagu bedelo qof kale, waxa dhacday in dadkii oo shaqaynayay aan lagu qorin magacyadooda wasaaarada shaqada oo dadkii dhintay ayaa ku jiray liiska, dadka hawlgabka waxa la buuxiyey foom oo da’da la weydiiyay waa run oo waxa naga raacay dad badan oo ka mid ah dadkii aqoonta lahaa, waxa kale oo jiray dad ogaan loo  raaciyay.

Markii arrintu dhacday Ingiriiska ayaan ku maqnaa, laakiin waan ka dabo tagay muddo toban cisho ah ayaanu ka wada hadlaynay waxay noqotay in dad badan oo aan laga maarmayn laga soo celiyo hawlgabkii da’doodii aad u weynayd ee doonayay inay hawlgab galaan waa la weydiinayaa, kuwii kale ee khasab lagu geliyay waanu ka reebaynaa 308-dii qof waxay iskugu soo biyo shubatay 70 qof oo wali doodi ka furan tahay.”

Wasiirka oo la weydiiyay in dugsiyada Hoose/Dhexe ee dalka in bilaashka laga dhegay uu ka wada hirgalay gobolada oo dhan, waxaanay sheegtay in arrintaasi ay si wanaagsan u fushay.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com