Ciidanka Booliska Oo Qabtay Afar Nin Oo Lagu Eedeeyay Inay Gubeen Labaatameeye Guri

Hargeysa (Somaliland.Org)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa sheegay inay qabteen afar qof oo lagu eedeeyay inay gubeen illaa dhawr iyo labaatan Gurri oo ku yaala xaafada New Hargeysa ee degmada Gacan libaax, oo dab la qabsiiyay maalmihii la soo dhaafay.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo caawa u waramayay warbaahinta qaranka wuxuu sheegay inay baadhitaan ku hayaan afar qof ee ay soo qabteen isla markaana ay ku dabo jiraan dad kale oo ku leh kiiskan oo uu ku tilmaamay mid argagax leh.

“Markaan baadhista aanu ku wadno dhamaystirno waxaanu horgeyn doonaa eedaysaneyaashan Maxkamada sharciga ah. Waxa kale oo aanu kulan la yeelanay waxgaradka xaafada guryaha laga gubay oo walaac ka muujiyay arrintan fool xumadda ah waxaanu ka wada hadalay sidii sharciga loo soo taagi lahaa dadkii falkan fuliyay,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.

Gen. Cilmi Kabaal wuxuu intaasi ku daray in dadka Guryahan gubay ay adeegsadeen  caagado  ay ku jiraan Baatrool iyo kiimiko ay guryaha dushooda ku tureen habeenkii ka dib ay guryuhu gubteen subaxnimada inta u dhaxaysa 10:00-ka subaxnimo illaa 3:00 galabnimo.

Taliyuhu wuxuu dadweynaha u soo jeediyay inay ilaashadaan guryahooda isla markaana Booliska ku soo war-geliyaan si ay cidii ay u arkaan inay falkan oo kale samaynayso.

Guryaha la gubay ayaa iskugu jiray Jiingado, buulal iyo daaraba. Waxaana dadweynaha xaafadaasi ay saaka cabasho la hortageen dawlada hoose iyo Saldhiga Booliska ee degmada Gacan Libaax.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com