Madaxweynaha Oo Xisaabiyaha Guud U Magacaabay Sarkaal Ka Tirsan Madaxtooyada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto Madaweyne oo  uu shalay soo saaray xilkii kaga qaaday xisaabiyihii guud ee dalka  Ibraahim Aadan Qaalib, waxaana lagu sababeeyay xil ka qaadistiisa inay cabasho badani ka shaqadiisii. Qoraalka   Madaxweynuhu xilka kaga qaaday xisaabiyihii dawlada waxa  lagu sheegay in loo magacaabay   xisaabiyaha cusub  Maxamed Cabdi Badde, […]

Mudane Xubin Sharafeed Ka Ahaa Golaha Guurtida Oo Lagu Aasay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)-Alle ha u naxariistee waxa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa  Marxuum- Maxamed Cabdi Dhoore, oo xubin sharafeed ka ahaa  Golaha Guurtida Somaliland, oo xalay ku geeriyooday gurigiisa Caasimada Hargeysa.   Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum- Maxamed Cabdi […]

Somaliland Oo Sii Daysay Maxaabiistii Lagu Qabtay Dagaaladii Kalshaalle

Buuhoodle (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah xoriyadoodii dib ugu soo celisay 42 ka mid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaaladii kala dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Kalshaalle, waxaanay caawa gaadheen maxaabiistaasi magaalada Buuhoodle oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Maxaabiistaasi oo 42  maxbuus waxa maanta laga soo kala qaaday Jeelasha Mandheera iyo Burco […]

Xukuumadda Somaliland Oo Aastay Barkadihii Xudunta U Ahaa Colaada Kalshaale

“Waxaanu u mahad naqaynaa beesha baraagahaasi laga Aasay Ee Dawladnimada Ixtiraamay” Qorilugud (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa  maanta aastay saddexdii Berkadood ee ay ka bilaabmeenn colaada iyo dagaalka ka dhacay deegaanka Kalshaale ee u dhexeeyay laba beelood oo halkaasi wada degan. Xafladii loo sameeyey aaska Berkadahaasi waxaa ka soo qaybgalay wasiirada wasaaradaha warfaafinta, gaashaan-dhigga iyo duulista […]

Warbixin: Falalka Guryaha Lagu Gubayo oo lugta kula jirta shirqoolo Siyaasadeed

Wararkale oo aan xaqiiqadooda si rasmiya loo ogaan ayaa sheegaya in falalkan Gubista Guryaha ay ka dambeeyaan xildhibaano, wasiiro iyo wasiiro/xigeeno hore, xubno ka mida Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB iyo xubnaha ka mida xisbiga talada haya, ujeedada ugu weyn ee looga danleeyahayna ay tahay sidii shacabka loogu kicin lahaa Xukuumadda ama ay khalkhal geliyaan amaanka Wadanka Somaliland iyadoo dagaal qaran socdo

Guddida Dhaqaalaha Ee Wakiilada Oo Golaha Horgeeyay Warbixin la Xidhiidha Miisaaniyada 2011

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddi Hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta golaha warbixin ka siiyay odoroska miisaaniyad sanadeedka 2011 ee dhawaan wasaarada  Maaliyaddu u soo gudbisay Golahaasi.  Guddoomiyaha Guddida dhaqaalaha Md. Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi, oo fadhigii maanta warbixin ka jeediyay   tafaasiil ka bixiyay odoroska miisaaniyada  waxaanu Mudaneyaasha ugu baaqay in sideeda loo ansixiyo,waxaana […]

Agaasimihii Hore ee Cisbitaalka Laascaanood Oo Beeniyay Inuu Ku Lug Lahaa Fadeexado Musuq Maasuq

Laascaanood (Somaliland.Org)- Agaasimihii hore ee cisbitaalka Laascaanood Dr. Bile Maxamuud Aw-Cali, ayaa beeniyay war ku soo baxay shabakada wararka ee Somaliland.Org, oo ku saabsanaa fadeexado musuqmaasuq  oo hadheeyay maamulka caafimaadka Gobolka Sool. Waxaana warkaasi sheegayay in dad badan oo aan ka shaqayn goobaha caafimaadku ay mushahar iska qaataan halka qaar shaqeeyaana aanay qaadan wax mushahar […]

Badhasaabka Saaxil Oo Beeniyay In Bakhaarada WFP Ee Berbera Dulin Ku Dhashay

“Anigu Intaan Ogahay Bakhaarada Hay’yadaasi Way Madhan Yihiin Intooda Badan  Arrintana ….” “Ninkii Lahaa Cunto  Nala Soo Gaadha, Wuxuu ahaa Nin Xoolo Badan Leh” Berbera (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay in  Bakhaarada Ha’yada cunta adduunka ee WFP ee Magaalada Berbera ay intooda badani madhan yihiin isla markaana aanu waxba ka […]

Jabuuti: Waxay Ficil U Rogtay Heshiiskii Labada Madaxweyne!

Faallo  Cumar M. Faarax Waxay ficil u badaleen iskaashigii labada dal ay hore ugu heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan dhinacyada nabadgelyada iyo ganacsiga. Waxay qaadeen talaabo ku weyn xidhiidhka isa soo taraya Waa tallaabo dar-dargelin karta cilaaqaadka labada wadan  oo hore heshiisyadoodu u ahaayeen kuwo ku sinaa oo qudha dhinaca afka oo qudha. Waxay […]

“Accept the reality that a unified Somalia is not possible” Professor NIKOLAS GVO

We accept the reality that a unified Somalia is not possible. “Up to this point, U.S. policy, EU policy has been to try to create a functional, central government for Somalia to control the entire country. We may now be moving to a situation where we move away from that and accept the reality that a unified Somalia is not possible. So let’s try to at least narrow the areas of ungoverned space in Somalia , make it more manageable by recognizing some of these other statelets that have risen on Somali territory” Professor NIKOLAS GVO U.S. Naval War College

Yaa yidhi Somaliland may Dhaqaaqin?

Dawlada Somaliland Waxay Soo Noolaysay Yididiiladii Shacbiga, Waxaanay haysaa Dariiqii Horumarka Waxaa lagu jiray Sanadkii u danbeeyay Xukuumadii uu hogaaminayay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, dalka hooyo waxaa ka taagnaa niyad jab aad u sarreeya,  waxaana si tartiib-tartiib ah u sii bakhtiyay laambadii rajada, waxaana dhalinyarteenu ay si xad dhaaf ah ugu le’anayeen saxaaraha Liibiya iyo […]

Lasaanood Culimada Laacaanood Oo Soo Dhaweeyay Baaqii Madaxweyne Siilaanyo

Laascaanood (Somaliland.Org) Qaar k mid ah wax garadka iyo Culimada Laascaanood ayaa iyagu soo dhaweeyay baaqii nabadda ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhawaan  uu soo saaray. Qoraal ay soo saareen culimmada Magaalada Laascaanood oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay wuxuu u dhignaa sidan:- “Bismilaahi Raxmaani Raxiim: Anaga oo ka mid […]

Wasiirkii Hore ee Waxbarashada oo ka Warramay Farqiga Waxqabad ee u Dhexeeya Xukuumaddiisii …

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Mr. Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan-gadhweyne), ayaa daboolka ka qaaday inay daruuri ahayd in xisbigiisa UDUB lagaga guulaysto doorashadii Madaxtooyada, isla markaana lagama maarmaan ahayd inuu hoggaaminta dalka banneeyo. Mr. Xasan-gadhweyne oo lagu tilmaamo siyaasiyiinta UDUB ee qunyar-socodka ah waxa uu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo uu Jamhuuriya kula yeeshay shalay hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, isagoo dhinaca kalena ammaan iyo bogaadin fara badan u jeediyey xukuumadda talada kala wareegtay ee xisbiga KULMIYE oo uu ku tilmaamay mid muddada kooban ee ay jirtay muujisay waxqabad muuqda.

Jabuuti Oo Somaliland U Soo Dhiibtay Ninkii Gadhwadeenka U Ahaa ONLF

Hargeysa (Somaliland.org)- Ciidanka Booliska ayaa xabsiga  Madheera ee gobolka  Saaxil u taxaabay Maxamed Yuusuf Odawaa (Aleel) oo ahaa  darawal  gadhwadeen u ahaa 250 ka mid ah Maleeshiyada ONLF oo bishii October ee Kalhore ka soo degay xeebta Lughaya ee galbeedka Somaliland. Ninkan oo baxsaday  maalmo ka dib markii dhacdadaasi waxa uu galay dalka Yeman, halkaasi […]

Maamulka Gobolka Iyo Booliska Hargeysa Oo Ka Hadashay Guryaha La Gubay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maamulka Gobolka Hargeysa iyo Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta ka hadlay  Guryaha lagu gubay xaafada New Hargeysa ee degmada Gacan libaax oo dadweynaha ku riday sas iyo walaahow saamayn taban ku yeeshay degaanaanshihii shacbiga. Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Hargeysa Mawliid Waris oo ka hadlay ka dib markii isaga iyo masuuliyiin kale ay booqdeen […]

Gadood Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Buuhoodle

Buuhoodle(Somaliland.Org)- Laba Qof ayaa ku dhintay halka dhawr kalena ay ku dhaawacmeen  ka dib markii shalay ay kooxda nabad diidka ah ee SSC ay rasaas ku fureen Boqolaal dadweyne ah oo ka gadooday markii kooxdaasi guryahooda ku weerareen masuuliyiintii dawlada Somaliland u joogay gobolka Buuhoodle.Masuuliyiinta guryahooda lagu weeraray waxa ka mid ahaa Badhasaabkii Gobolka Buuhoodle […]

M/Weyne Siilaanyo Oo Markii Afraad Baaq Nabadeed U Diray Dadweynaha Deegaamada Sool Iyo Buuhoodle

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta markii afraad baaq nabadeed u diray dadweynaha gobolada Sool iyo Buuhoodle, waxaanu ku baaqay inay joojiyaan kooxaha dagaalada ka wada deegaanadaasi. Madaxweynaha Somaliland wuxuu sidaasi ku sheegay baaq nabadeed oo  uu maanta soo saaray kaasi oo dhignaa sidan:- “Bismillaahi Raxmaani Raxiin, marka hore waxaan tacsi […]

Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ku Eedeeyay Hogaamiyaha Majeerteeniya Dagaal Ooge Ku Khamaaraya Dhulba-Hante

Xaaji C/kariim Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn Baarlamaanaka Somaliland ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha maamulka Majeerteeniya C/raxmaan Faroole inuu doonayo inuu colaad ka dhex abuuro beesha Dhulba-hante oo uu tilmaamay inay ka badbaaday xasuuqii Siyaad Barre kula kacay beelaha reer Somaliland, isagoo intaa ku daray in kooxaha Argagixisada iyo Maleeshiyooyinka ay Majeerteeniya ku soo daad guraynayso Tuulada xadka ee Tukaraq iyo deegaanka Buuhoodle ku tilmaamay colaad aan waxba u soo kordhinayn maamulka Majeerteeniya , ugana digay beesha Dhul-bahante inay ka feejignaadaan colaadaha lagaga hor keenayo Somaliland

Somaliland could be force for good in Horn of Africa

Published: February 23 2011 01:25 | Last updated: February 23 2011 01:41 From Charles Tannock MEP. Sir, In your editorial “Pirates of the Gulf” (February 19) you rightly call for more support for the “autonomous” former British protectorate of Somaliland, which has been de facto independent from Mogadishu in the south since a brief civil […]

Wasiirka Waxbarashada Oo Xaalada Waxbarasho Ee Dalka Uga Warantay Guurtida

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa maanta  Golaha Guurtida warbixin ka siisay xaalada waxbarashada dalka. Wasiirka oo ka hadashay fadhigii aqalka odayaasha oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, wasiirku waxay sheegtay in markii u horeysay ay ku guulaysteen inay helaan madbacad  daabici doonta buugta manhajka dugsiyada Somaliland […]