Somaliland:The buffer Zone Against the War in Terror And Piracy

By Prof Abdikarim Ahmed Hersi Member of the steering comity of Economic, Social, and Cultural Council of the African Union:       ECOSOCC-AU (The Advisory organ to the African leaders and the AU commissions) The Republic of Somaliland has endured and surmounted great challenges since reclaiming its independence from the failed Union with Somalia in 1991. Embracing […]

Guddi Ka Socday Ha’yadaha Cadaalada Qaranka Oo Dayriyay Nadaafadda ee Saldhiga Dhexe Ee Burco

Burco (Somaliland.Org)- Guddi ka socday Hay’adaha Caddaalada oo kormeer ku marayay gobolka Togdheer ayaa ka dayriyay xaaladda nadaafadda Saldhiga dhexe ee magaalada  Burco, kadib markii bullaacaddii Saldhigaasi duntay, taas oo saamayn caafimaad darro iyo dhibaatooyin ku haysa maxaabiista halkaasi ku jirta. Guddidan oo ka kooban Wasaaradda Caddaaladda, Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaalinta guud ee qaranka, […]

Laambadii Rajada ee ka soo iftiimaysay Dalkeena oo durba loo qalab qaatay Bakhtiinteeda!

Iyada oo Dastuurka dalkeenu uu kafaalo qaatay in ay xorriyad buuxda ku naalooto saxaafadeenu, isla markaasna aan shaki ku jirin in saxaafada Somaliland ay tahay ta ugu madaxa banaan saxaafada ka jirta wadamada geeska Afrika, ayaa hadana waxaa muuqda in markasta ay soo baxaan tacadiyo joogto ah oo ay xukuumadihii kala danbeeyay ee dalkeena soo maray ay kula kacayeen hawl wadeenada saxaafada. Iyada oo dhinaca kale Madax banaanida saxaafada aanay macnaheedu ahayn aflagaado iyo been abuur aan jirin oo lagula kaco muwaadiniinta Somaliland hadii uu xil hayo iyo hadii aanuu haynba,

Wasaarada Caafimaadka Oo Beenisay In Dalka La Keenay Tallaal Aan La Garanayn

Hargeysa (Somaliland.Org)-  Wasaarada Caafimaadka ayaa beenisay in dalka la keenay talaal aan la garanayn oo ay waday hay’ada MSF, sida lagu qoray wargeyska Foore  ee ka soo baxa Hargeysa. Agaasimaha Waaxda ka Xakamaynta Cudurada Faafa ee Wasaarada Caafimaadka Dr. Maxamed Axmed Siciid, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta  waxba kuma jiraan ku tilmaamay  warkaasi waxaanu […]

Guddoomiyihii Wargeyska WAAHEEN oo Loo Dhaadhiciyay Jeelka Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyihii Wargeyska WAAHEEN Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), oo Sabtidii ay Maxkamada Gobolka Hargeysa ku xukuntay xukun adag oo Ururada saxaafadu ay cambaareeyeen, oo isagu jiray sadex sanadood oo xadhig ah  oo aan iib lahayn iyo ganaax lacageed oo dhan lix Malyan oo SL Sh,  ayaa maanta loo dhaadhiciyay jeelka wayn ee magaalada Hargaysa […]

Xisbiga KULMIYE Dhambaal Hambalyo U Diray M/Weyne Geelle

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa  dhambaal hambalyo ah ugu diray Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, oo xisbigiisu ay dhawaan markii sadexaad u soo sharaxeen inuu uga qeyb galo doorashada madaxtinimada. Waxa sidaasi lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Keyse Xasan Cigge, […]

Golaha Guurtida Somaliland Oo Guddi u Xil Saartay Ka Soo Tallo bixinta Gurmadka Abaaraha

Hargeysa (Somaliland.Org)- Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta u xil saaray  7 Mudane inay soo darsaan doorka Golahaasi ka qaadan karo gurmadka dadweynaha abaaraha ba’ani saameeyeen ee ku dhaqan gobolada dalka gaar ahaan kuwa bariga oo aad looga dayriyay heerka ay gaadhay abaarta kulul iyo biyo la’aantu. Fadhigii maanta oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golahaasi Md. […]

Maaliyadda Oo G. Wasiirrada u Gudbisay Miisaaniyad Ka Badan 45% Tii Kal Hore

Hargaysa (Somaliland.Org)- Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa shalay golaha wasiirrada u gudbisay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2011 ee xukuumadda dhexe, kaas oo sida la sheegay miisaaniyaddii sannadkii hore ka badan 45% . Ma jiro war rasmi ah oo wasaaradda maaliyaddu ay ka soo saartay tafaasiisha odoroska miisaaniyadda, hase yeeshee, ilo xogogaal ah oo aanu ka helnay wasaaradda […]

Wefti Ka Socday Qaadhaan bixiyeyaasha oo Xog Baadhis Ka Bilaabay Xarunta Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wefti ka socday Qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhaqaalaha doorashooyinka iyo Ha’yada u qaabilsan dhinaca farsamooyinka ee Interpeace ayaa shalay xarunta dhexe ee Komishanka Doorashooyinka ka bilaabay hawlo qiimayn iyo xog raadin ah oo la xidhiidha sidii ay u qabsoontay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii Bishii June ee kal-hore iyo sida […]

Cuqaasha Tog-dheer Oo Xukuumada Ku Ammaanay Horumarka Ay Gaadhay

Burco(Somaliland.Org)- 40 Caaqil oo ka mid ah cuqaasha Gobolka Togdheer, ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Burco ,waxay xukuumada Somaliland ku ammaaneen dedaalka ay samaysay mudadii yarayd ee ay jirtay. Waxaanay ugu baaqeen inay gurmad deg deg ah la soo gaadho dadka ay saamaysay abaaraha ba’an ee ka jira deegaamada Gobolkaasi. Waxa […]

“Waanu ogolahay intii aanu Qeylinaynay inLeeg in Nalagu Qayliyo”

“Wuxuu Cimrigeenu ina Tusay UDUB oo Saxaafadii u ooyaysa iyo KULMIYE oo Saxaafadii lagu Canaananayo” Hargeysa (Somaliland .Org)-Guddoomiyaha Xisbiga  tallada haya ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi,  ayaa jawaabo kala duwan ka bixiyay dhaliilo loo jeediyay xukuumadiisa oo la xidhiidhay  xadhiga mid ka mid ah salaadiinta Somaliland iyo xadhiga Guddoomiyihii Wargeyska Madaxa banaan ee […]

“Waanu ogolahay intii aanu Qeylinaynay inLeeg in Nalagu Qayliyo” Muuse Biixi

“Wuxuu Cimrigeenu ina Tusay UDUB oo Saxaafadii u ooyaysa iyo KULMIYE oo Saxaafadii lagu Canaananayo” Hargeysa (Somaliland .Org)-Guddoomiyaha Xisbiga  tallada haya ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi,  ayaa jawaabo kala duwan ka bixiyay dhaliilo loo jeediyay xukuumadiisa oo la xidhiidhay  xadhiga mid ka mid ah salaadiinta Somaliland iyo xadhiga Guddoomiyihii Wargeyska Madaxa banaan ee […]

Badhasaabka Hargeysa Oo Hadlay Gaadhi Dhaqdhaqaaqiisa Sababo Nabadgelyo Loo Xayiray

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha gobolka Hargaysa Md. Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), ayaa ka hadlay dhalinyaro kooxo u abaabulan oo rabshado ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargaysa, kuwaasi oo uu sheegay in la soo xidhay waalidkood. Badhasaabku waxa kale oo uu ka hadlay Gaadhi dhaqdhaqaaqiisa loo xayiray sababo nabadgelyo, kadib markii dhowr sannadood ka […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Tallooyin U Jeediyay Xisbiyada Jabuuti

Hargeysa (Somaliland.org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa soo dhaweeyay tallaabada xisbiga tallada haya ee dalka Jabuuti ay markii sadexaad u soo sharaxeen murashaxooda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu shacbiga Jabuuti ugu baaqay in tartanku doorashadu noqdo tartan  walaaltinimo, sidaasna waxa lagu sheegay  War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyada  Cabdilaahi Maxamed […]

M/Weyne Siilaanyo Oo la Kulmay Wefti Ka Socday Raasul Khayma Oo Al-Jabiri Ka Mid Ahaa

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti arrimo ganacsi u socday oo ka socday Imaarada Raasul Khayma, sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed kooban oo uu galabta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Warsaxaafadeedkaasi waxa lagu sheegay inuu weftigaasi ka mid ahaa Ganacsadihii Sucuudiyaanka ahaa  Al-jabiri […]

Naafada Iyo Agoomaha Ciidanka Qaranka Oo Mudaharaad Cabasho Ah Ka Sameeyay Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Naafada iyo Agoomaha Ciidanka Qaranka ayaa maanta banaan bax cabasho ah ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Hargeysa waxaanay hortageen xarunta Wasaarada Gaashaan-dhiga.  Naafadan iyo agoomaha ciidanka qaranku waxay sheegeen inay ka cabanayaan tallaabo ay Wasaarada Maaliyadu mushahar kordhinta ciidamada iyo shaqaalaha dawlada ay ka reebtay naafada, agoomaha iyo shaqaalaha dawlada ee  […]

Wasaaradda A. Dibedda Itoobiya oo Ka Hadashay Shirkii IGAD Oo Somaliland Ka Qeyb Gashay

Addis ababa (Somaliland.org)- Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa waxa lagaga hadlay shir ay ka qaybgashay Somaliland oo ay ku yeesheen IGAD  iyo dalalka taageera magaalada Addis-ababa. Shirkani oo ay ka qaybgaleen dhammaan dalalka deeqda siiya IGAD, waxa wada shirgudoominaya Talyaaniga iyo Itoobiya oo ah gudoomiyaha IGAD. Wada hadallada ayaa diiradda lagu […]

Xisbiga UCID Oo Cambaareeyay Xadhiga Boqor Raabi

Hargeysa (Somaliland.Org)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta cambaareeyay xadhiga xukuumaddu xidhay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi, waxa kale oo ay dawlada madaxweyne Siilaanyo ku tilmaameen mid aan adkaysi u lahayn in dhaliilo loo jeediyo. Xisbiga UCID waxay sidaasi ku sheegeen war saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Xisbigaasi Xasan Xuseen (Codyare) waxaanu isagoo dhamaystiran u qornaa […]

Cuqaasha Degmada Fiqi Fuliye Oo Naqdiyay Siyaasada Kooxda SSC

Ceerigaabo(Somaliland.Org)- Cuqaasha, waayeelka iyo aqoonyahanka ee degmada fuqifilye ee koonfurta gobolka Sanaag ayaa cadeeyey in ay ka soo horjeedaan siyaasad kasta oo dhan ka ah qaranimada iyo madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland. sidaana waxay shaaca kaga qaadeen kulan ay halkaasi kula yeesheen wefti uu hogaaminayo Isku duwaha wasaarada waxbarashada ee gobolka Sanaag Aniis Saalax Xaaji Xasan oo […]