Golaha Guurtida Oo Dood Ka Yeeshay Sidii Kuraasi Loogu Qoondeyn Lahaa Haweenka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Mudaneyaasha Golaha Guurtida  Somaliland ayaa maanta  bilaabay dood ay ku naaqishayaan siyaasada gudaha iyo sidii Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay doorashooyinka soo socda loogu xidhi lahaa kuraasi kooto ah oo aanay cidi kula tartamin.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo uu gudoominayay Guddoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa aragtidooda ka dhiibtay dhawr Mudane oo Tallooyin isku mid ahaa ka soo jeediyay halkaasi.

Mudaneyaashaasi halkaasi ka hadlay oo kala ahaa Mudane Axmed Ismaaciil Cabdi, Yuusuf Cabdilaahi Cawaale iyo Axmed Nuur Aw Cali, waxay sheegeen inay soo dhawaynayaan in Haweenka loo cayimo kuraasi gaar ah oo aanay cidi kula tartamin, waxase ay sheegeen in beelaha laga tirada badan yahay hore kuraasi looga siiyay Golaha Guurtida oo beeluhu soo xulaan xubnaha aqalkaasi. Xiligana ay ku jiraan mudaneyaal ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay iyo kuwa la haybsoocaba.

Mudaneyaashaasi waxa kale oo ay sheegeen inaanay jirin sabab kuraasi gaar ah loogu xidho beelaha laga tirada badan yahay.Doodan ayaa goluhu u balamay inuu sii ambo qaado maalinta bari.

Waxa kale oo ay mudaneyaashaasi soo jeediyeen in la adkeeyo nabadgelyada dalka,  oo kor loo qaado wada shaqeynta Ciidamada ammaanka iyo dadweynaha Somaliland.

 Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com