Dagaalkii Ugu Dhimashada Badnaa Oo Galabta Ka Dhacay Deegaanka Kalshaalle

 Tirada Maxaabiista Laga Qabtay Malleeshiyada Buuhoodle

Kalshaalle(Somaliland.Org)- Dagaal sababay khasaare balaadhan oo isugu jiray  dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta  ka dhacay deegaanka Kalshaalle ee u dhaxeeya degmooyinka Qori lugud iyo Buuhoodle, kadib markii ay rasaas Is weydaarsadeen  laba sahan oo ka kala socday labadii  maleeshiyo beeleed  ee hore ay iska hor imaadyadu ugu dhex mareen deegaankaasi.

Maleeshiyo beeleedka ka  socday Buuhoodle, ayaa Gaadhi ay saarnaayeen  labada sarkaal ee ugu sareeya ciidanka Qaranka ee ku  kala dhex jiray beelahaasi ku riday Qoriga Sabanka , in kasta oo la sheegay inaanay khasaare soo gaadhin saraakiishaasi, waxaana sidaasi ku bilaabmay dagaal qadhaadh oo dhex maray ciidamada qaranka iyo  maleeshiyadii Beesha Buuhoodle waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qadhaadh oo  la isku gabal dhacsaday.

Siday  sheegeen wararka   ka imanaya deegaankaasi,   waxa dhinaca Buuhoodle ka dhintay  4 qof, halka 18 kalena la sheegay in maxaabiis ahaan loo qabtay, hase yeeshee waxa  warku intaasi ku darayaa in khasaaruhu intaasi ka badan yahay.

Sidoo kale, sarkaal  ka tirsan Ciidamada qaranka oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa Idaacada BBC-da u sheegay in dhinacooda uu dagaalkaasi kaga dhinteen laba askari halka mid kalena ka dhaawacmay.

Sarkaalkaasi wuxuu  intaasi ku daray in Ciidanka Qaranku ay qabsadeen meel la yidhaahdo Hagoogane oo uu tilmaamay inay saldhig u ahayd Maleeshiyada soo duushay.Labada dhinacba waxay isku  tuurtuureen cida weerarka soo qaaday.

Deegaanka Kalshaalle oo ay isku hayaan laba beelood oo ka soo kala jeeda deegaanada Buuhoodle iyo Qori Lugud ayaa salka ku haya muran  dhul, waxaan  hirgelin go’aamo xeer beegti madax banaani ay ka soo saareen xiisada iyo Colaadda ka taagnayd deegaankaasi.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo horaantii bishan uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  uu qoraal uu soo saaray ku sheegay in deegaankaasi yahay soone ciidan isla markaana ugu baaqay labada dhinacba inay joojiyaan Barkadaha ay halkaasi ka qoteen wixii kharash ka galayna ay xukuumaddu bixin doonto.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com