Laba Muwaadin Oo U Dhashay Dalka Ingiriiska Burco Booqday

Hargeysa(Somaliland.Org)-Laba Qof  oo u dhashay dalka Ingiriiska oo ka Soo Jeeda Qoyskii  Maamulihii dugsiga sare ee Sheekh Richard Radcliff Dalton, ee Sanadkii 1959-kii-1977kii ayaa maanta   Soo Gadhay magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco taas oo si weyn ay u soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka Togdheer, maamulka  Degmada,Gudiga horumarinta Gobolka Togdheer iyo maamulka jaamacada Burco.

Weftigani oo ka kooban laba xubnood oo kala ah Richard Sills iyo Susana Sills ayaa ah iyagu kuwo oo adeer u yahay Mamulihii Dugsiga Sheekh ee Sanadkii 1959kii-1977kii ee lagu magacaabi jiray Richard Radcliff Dalton dadka deegaankuna  u yaqaaneen Gacma dheere waxaanay weftigani sheegeen in Socdaalkoodu ku qotomo sidii ay gacan weyn uga gaysan lahaayeen waxbarashada Somaliland Maadaama oo adeerkood ka soo shaqeeyay dalka Somaliland waxaanay ku amaaneen horumarka ay Somaliland ku talaabsatay dhawrkii sano ee u danbeeyay gaar dhinacyada Amaanka,Caafimaadka iyo waxbarshada kuwaasi oo dhamaantoodba ah wax lagu Bogaadiyo.

Sida uu ku soo waramayo weriyahaga Gobolka Todheer, waxaa halkaasi ka hadlay Richard Sills waxaanu sheegay in ay u yimaadeen Somaliland sidii gacan weyn ay uga gaysan lahaayeen dhanka Horumarinta waxbarashada isagoo tilmamay in sanad walba ay Jaamacada Cambridge ay wax barasho bilaash ah u gayn doonan hal arday oo ka mid ah ardayda Somaliland ee ka qalinjabisa Jaamacadaha Dalka Gaar ahaan heerka (Degree Post Graduate) .

Waxa kale oo uu sheegay   inay go’aansadeen inay ka bixiyaan Fiiga Jaamacadaa ardayda badan ee ka baxda Dugsiyada sare ee aan awoodin inay iska bixiyaan Fiiga jaamacada.

 Gudoomiyaha Gudiga Horumarinta Gobolka Togdheer Maxamuud Aadan Dheri ayaa bogaadiyay qoyskan waxaanu  sheegay inuu uga mahad celinayo socdaalkooda ay ku yimaadeen Somaliland.

Cumar  Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com