Guddoomiyaha Wakiilada Oo Mudaneyaasha Ka Raali geliyay Wixii Gef Ay Ka Tirsadeen Shirgudoonka

Hargeysa(Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro), ayaa  Mudaneyaasha Golaha Wakiilada raali gelin ka siiyay wixii gef ay ka tirsadeen labadiisa Guddoomiye Ku Xigeen, mudadii uu dalka dibadiisa ku maqnaa ee la isku maandhaafay mooshinkii wax ka bedelka xeer hoosaadka.

Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ka sheegay war saxaafadeed uu ka akhriyay furitaankii kalfadhiga 14-aad ee Golaha Wakiilada oo uu maanta si rasmi ah u furay. Waxa kale oo uu ka hadlay xaqa ay Mudaneyaashu u leeyihiin  fulinta awoodaha  dastuurku u jideeyay. Waxa kale oo uu ka hadlay habka loo mari karo wax ka bedelka xeer hoosaadka.
Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan:- “Markaan dhegeystay dooda mudanyaasha ka soo jeediyey mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista xeerhoosaadka Golaha Wakiilada

Markaan dhegeystay Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Wakiilada JSL Markaan la tashaday lataliyayaasha sharci ee Golaha

Markaan arkay in nuxurka khilaafka Golaha  uu yahay  soo dhigida xeer hoosaadka golaha si kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo

Markaan eegay qodobka 1aad, 9aad, 22aad iyo 37aad ee Xeerhoosaadka Golaha

Markaan eegay Qodobka 45aad iyo 46aad ee dastuurkaMarkaan xogogaal u noqday in Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada JSL qaateen aqoon korodhsiyo (seminars) ku saabsan kaabista  waxa ka bedelka xeerhoosaadka Golaha (Standing Orders of the House) July 2009 , April 2010 iyo May 2010 kaas oo ay gacan ka siiyeen khubaro ka socotay baaralaamanada dalal aan saaxiib nahay iyo AWEPA si xeer hoosaadka Golaha looga dhigo mid la mid ah ka baaralamaanada kale . 

Markaan ogaaday in uu jiro nuqul (Darfta) xeerhoosaad  oo laga sameeyey doodihii seminars-kaas.

Markaan arkay in nuxurka mooshiinka mudanyaasha yahay kabiista iyo wax bedelka qodoboda xeerhoosaadka

Markaan garawsaday inay mudan tahay in tixgelin iyo mudnaan la siiyo soojeedinta (motion) ee mudanayaasha

Markaan tixgeliyey in mudnaanta kowaad maanta leedahay xalinta jawharada khilaafka golaha oo ah in golaha  la keeno dooda wax ka bedelka iyo kaabista Xeerhoosaadka  Golaha

Waxaan go’aamiyeyIn aan raali geli iyo xaalka ka siiyo mudanyasha jooga iyo kuwa maqanba  wixii gef ah ee ay  ka tirsadeen xubnaha shirgudoonka mudadii khilaafku Golaha ka jiray. 

In Golaha la hor keeno drafta wax ka bedelka iyo kaabista  xeer hoosaadka  Golaha  wakiilada ee ay soo diyaariyeen khubaro ka socda baarlamaanda dalal aan saaxib nahay, AWEPA iyo Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada  oo muddo dheer diyaarintiisa la waday si goluhu uga dooda . Draft-kani waad mid dhexdhexaad ah ( neutral) oo ayna diyaarintiisa raad ku lahayn shirgudoonka iyo mudanyaashu marka la reebo Gudidda Joogtada ah oo xeerhoosaadku siiyey soo jeedinta wax ka bedelka xeerhoosaadka. 

In Gudida Joogtada ah ee Goluhu kalfadhiga furmaya 25.1.2011 warbixin ka siiyaan Goleweynaha Stage-ka uu marayo drafta kaabista iyo wax bedelka xeer Hoosaadka Golaha ee kor  ku xusani.

4.    In mudanyaashu la sugaan soo jeedimahooda ku saabsan wax ka bedelka, kaabista iyo wax ku kordhinta qodobka xeerhoosaadka  marka ay bilaabanto  dooda xeerka hoosaadku.

In mudanyaashu xaq u leeyihiin wax kasta uu ay u jideeyeen dastuurka iyo xeerhoosaadka Goluhu.”

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com