Go’aan Madaxweyne Oo Lagu Tanaaday

Waa qoraal yar oo ka kooban  dhawr sadar, haddana xambaarsanaa farriin culus oo  saamayn togan ku leh tobanaan kun oo qof. Waxase loo dhigay siiqad siyaasadeed oo  ladifan oo ka turjumaysa inuu naqshadeeyay Hoggaamiye waayo arag ah oo muddo ku dhow nus  qarni ku dhex jiray Siyaasada.

Waxa ku jiray kalmado aad la takiidiyay iyo ammarro mugdiga lagaga saarayay dhawaaq hore.lamase qarin karayn in qoonsimaad soo deg dejiyay hadalkaasi. Waa nuxurka War saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada Somaliland oo laga soo saaray shirkii Golaha Wasiirrada ee maalintii khasmiistii oo uu Guddoominayay Madaxweyne Axmed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu qoraalkaasi u dhignaa “Fadhigii  27/01/2011 ee Golaha Wasiirada oo Ka Qabsoomay Qasriga Maxaxtooyada JSL Gudoominaayeyna Madaxweyanha JSL   Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo Waxa lagu Go’aamiyey in Korordhsiimada Mushaharka Shaqaalaha  iyo Ciidamada uu ka Bilaamayo Bisha January ee Sannadkan  2011 , Korodhsiimo iyo Bixinba.Waxaanu Go’aanka Goluhu Amrayaa in hay’adaha Ku shaqada leh Go’aankan Fulintiisu ay sidiisa ugu Dhaqmaan.”

Way u alalaaseen, kuna farxeen shaqaalihii dawlada iyo ciidamada qaranka  ee mushaharka loo kordhiyay oo maalmihii la soo dhaafay ay suuqa soo gashay warar la  buun buuniyayay  oo sheegayay in wax ka soo noqdeen mushahar kordhintii madaxweynuhu ku dhawaaqay, oo aanay suurto gal ahayn in la bilaabo bishan sii dhamaanaysa ee January.

Shaqaalaha dawladdu waxay ku tilmaameen  warsaxaafadeedka Madaxtooyada go’aan ka turjumaya sida Madaxweynaha ay uga go’an tahay inuu ka dhabeeyo balanqaadyadiisii hore.

Dadka lafo gurayay warsaxaafadeedkaasi ayaa ku doodayay in Madaxweyneynuhu uu ka hortagayay baro bagaandooyin lagu  faafinayay suuqyada oo la sheegayay inaanay suurto gal ahayn in la dhaqan  geliyo mushahar kordhinta , taasi oo ciidamada iyo shaqaaluhu ay la yaabeen.

Dad kale ayaa aaminsanaa in war saxaafadeedkani uu ka dhashay masuuliyiinta wasaarada maaliyada  oo sida la sheegay soo saaray qoraal loo qeybiyay Ha’yadaha dawliga ah oo ay ku wargelinayeen in lagu sii dhaqmo miisaaniyad sanadeedkii kal-hore illaa inta laga ansixiyo miisaaniyad sanadeedka 2011-ka  taas oo loo turjuntay inay u jeedaan in mushahar kordhintii aanay ku salayn Karin bishan sidii uu madaxweynuhu hore u faray.

“Madaxweynuhu wuxuu noo xaqiijiyay sida uu u doonayo in lagu daryeelo shaqaalaha iyo ciidamada, runtii markii aan warbaahinta ka dhagaystay go’aankaasi waan ku farxay, waana waxyaabihii aan ku dooranay Madaxweynaha,” ayuu ku tiraabay Ismaaciil Cabdi, oo ka  mind ah shaqaalaha wasaaradaha dalka oo ka hadlayay dareenkiisa, waxaanu intaasi raaciyay “Waxaanse Madaxweynaha ka dalban lahaa inuu  Joojiyo Imtixaanka shaqaalaha dawlada lagu dhimayo, waxay taasi noqon lahayd arrin ahmiyadeeda leh oo sii xoojin lahayd kalsoonida shacbiweynaha Somaliland u hayaan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.”

Wax kastaaba ha keenaane’e go’aankan madaxweynaha ayay u guuxeen tobaan kun oo qof oo isugu jira Ciidamada iyo shaqaalaha dawlada, waxaanu Madaxweynuhu uu qaaday tallaabo uu ku dhawranayo dhegtiisa siyaasadeed iyo kalsoonida shacbigiisa.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com