Dil Toogasho Ah Oo Ka Dhacay Deegaanka Boholaha Xargaga Ee Gobolka Sool

Laascaanood (Somaliland.Org)-  Waxa shalay dil toogasho ah lagu dilay Marxuum Farxaan Xareed Xaaji Siciid oo da’diisu ahayd  38 jir xoolo dhaqato ahaa, deegaanka Bali-hadhac oo u dhow Boholaha Xargaga oo galbeed ka xiga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidaa waxa xalay shabakada wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay hogaanka Booliska ee gobolka Sool  Mr. Jaamac Muuse Cawad, waxaanu sheegay in dilka marxuumkaas ay fuliyeen laba nin oo walaalo ah  oo la yidhaahdo Ilma Xirsi Gadhle oo ka soo jeeda deegaanka degmada Oog ee gobolka Sool.

Taliyaha oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Dilku waxa uu ka dhacay Ceel biyood oo xoolaha laga waraabiyo, waxaanu dilkaasi dhacay 12-kii Duhurnimo ee shalay, waxaana dilkaas geystay laba nin oo walaalo ah oo ku hubaysnaa qori Ak 47 ah, mana jirto sabab cad oo la sheegay in dilkaasi ka dhashay. Ciidanka Booliska oo kaashanaya ciidamada qaranka ayaa hawl gal ballaadhan ka wada deegaankaasi, si ay gacanta ugu soo dhigaan labadii nin ee dilka gaystay.”

Hogaanka Booliska ee gobolka Sool Jaamac Muuse Cawad, waxa uu intaas ku daray in xalay Marxuum Farxaan Xareed Xaaji Siciid lagu aasay deegaanka Dhuumay ee gobolka Sool.

Sidoo kale Badhasaabka gobolka Sool Cabdillaahi Jaamac Diiriye, oo isagana xalay aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo eheladdii uu ka baxay Marxuumka dhintay, waxaanu ILLAAHAY uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo. Badhasaabku waxa uu sheegay in lagu hawllan yahay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii fuliyay dilkaas.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com