Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Gurmad Biyo Dhaamis Ah Ka Sameeyay Duleedka Buuhoodle

 Buuhoodle (Somaliland.Org)- Ciidamadii Itoobiyaanka ee dhawaan soo degay duleedka magaalada Buuhoodle ee xadka dhinaca Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay gurmad biyo qaybin ah ka fuliyay deegaanka Buuhoodle, halkaasi oo ay biyo gaadhsiiyeen dadka abaaruhu tabaaleeyeen oo ku dhow jiida ay dageen.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo muddo siddeed maalmood ah degenaa halkaas, ayaa dadwaynaha ugu baaqay in ay is dejiyaan oo aanay cidna dhibaataynaynin. Wax garadka deegaanka Buuhoodle ayaa soo dhaweeyay qorshaha biyo qaybinta ah ee ciidamada Itoobiyaanku ka sameeyeen halkaasi . Dhinaca kale Badhasaabka gobolka Buuhoodle ayaa kulamo kala duwan la yeeshay wax garadka iyo odayaassha gobolka Buuhoodle oo ay ka wada hadleen sidii nabad-gelyada deegaanka ay isaga kaashan lahaayeen.

Sida uu ku soo waramayo wariyahayaga gobolka Buuhoodle xaalada deegaankaasi ayaa ah mid degen, marka laga reebo abaar kulul iyo biyo la’aan saamaysay dad iyo duunyaba.

 Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com