Hoggaanka Cusub Ee Dallada SONYO Oo Xilkii Kala Wareegay Masuuliyiintii Hore

Hargeysa (Somaliland.Org)-Hogaanka cusub ee dallada dhalinyarta Somaliland ee SONYO, ayaa maanta si rasmi ah xilkii dallada u gala wareegay hogaankii hore ee dallada, ka dib markii muddo bil laga joogo guddoomiye iyo gole cusub lagu doortay Hotel Amabsadoor ee magaalada Hargeysa.

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey xil-wareejintaa oo lagu qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiirrada wasaaradaha Hawlaha guud iyo guriyeynta iyo boostaha iyo isgaadhsiitna, agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha, dhalinyarada iyo dhaqanka, Agaasimaha xafiiska samafalka ee madaxtooyada, guddoomiyaha cusub ee dallada SONYO iyo guddoomiyaha xilku ka dhamaaday, labada gole ee dallada ee xilka la kala wareegayay, agaasima fulinta ee dallada iyo hawl-wadeenada dallada iyo martisharaf kale.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo halkaa ka hadlay, ayaa ku ammaamay dallada dhalinyarta ee SONYO dadaalka ay ugu jiraan hanashada tubta hogaanka toosan, isaga oo xusay inay lagama maar maan tahay in dawlada Somaliland si weyn uga hawlgasho sidii dhalinyarada wax loola qaban lahaa.

Waxa kale oo uu xusay in dhalinyaradu door weyn ku lihiin guud ahaan hawlaha kala duwan ee waddanka socda. 

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta ee Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida dimuqraadiyadda ah ee loola kala wareegayo xilka dallada SONYO, isaga oo xusay inay muujinayo horumarka ay gaadheen dhalinyarta Somaliland.

Wasiirku waxa uu xusay in dhalinyartu yihiin laf-dhabarta horumarka uu hiigsanayo waddanku, isla markaana ay kaalin wax-ku-ool ah ka qaateen qabsoomida doorashooyinkii waddanka ka dhacay.

Wasiirka boostaha iyo isgaadhsiinta ee Somaliland Dr. Axmed Xaashi Odayoo isna xafladaas hadal ka jeediyey, ayaa tibaaxay inuu si weyn ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galka xilwareejinta dallada, isla markaana waxa uu mahadcelin weyn u jeediyey hogaanka xilka wareejinayay sidii kartida lahayd ee ay u soo guteen hawshii iyo masuuliyadii dallada, isaga oo kuwa cusubna ugu duceeyey in ilaahay xilka u fududeeyo.

Waxa kale oo uu wasiirku hoosta ka calaamadiyey inuu si weyn uga hawlgeli doonaa sidii xukuumadu xil gaar ah isaga saari lahayn horumarinta dhalinyarta, isla markaana loogu samayn lahaa miisaaniyad wax weyn ka tarta baahiyahooda.

Gudoomiyaha xilka wareejiyey ee SONYO Yaxye Maxamed Ubaxle oo isna halkaa ka hadlay, ayaa tibaaxay inuu ku faraxsan yahay inuu wareejiyo xilka SONYO, “Waxa aan maanta ku faraxsanahay inaan wareejiyo xilkii guddoomiyenimada ee dallada SONYO. Sida oo kale maanta waa maalin qiima ii leh oo aan wareejiyo xil anigaba sidan oo kale la iigu wareejiyey.” Ayuu yidhi Yaxye Maxamed Ubaxle.

Waxaana uu si weyn ugu mahadceliyey guud ahaan golahii hore ee dallada iyo hawl-wadeenada SONYO sidii fiicnayd ee u la soo sheeqeen, isaga oo carrabaabay inay la shaqayn doono guddoomiyaha cusub oo wixii uu uga baahdo uu ka gacan siin doono.

Guddoomiyaha cusub ee dallada SONYO ee xilka la wareegay Axmed Cabdi Wacays, oo isna madasha hadal-dheer ka jeediyey ayaa ugu horayn u mahadceliyey hogaankii hore ee dallada oo uu xusay inay wax badan qabteen, isaga oo mahadcelin kale u jeediyey xukuumada Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah doorka ay ka qaateen hawlaha dallada.

Waxa uu guddoomiyaha cusubi aad ugu dheeraaday inay gole ahaan xooga saari doonaan sidii ay wax badan ugu biirin lahaayeen horumarka iyo hawlaha kala duwan ee dallada SONYO, isla markaana ay u abuuri lahaayeen fikiro hor leh oo ka qaybqaadanaya koboca dallada.

Waxa uu si gaar ah uga codsaday xukuumada Somaliland, hay’adaha qaramadamidoobay iyo kuwa caalamiga ahba inay gacan ka siiyaan dadaaladooda ku aadan horumarinta dhalinyarta Somaliland.

Waxa iyaguna halkaa hadalo kala duwan ka soo jeediyey Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka Mustafe Maxamed Qodax, Agaasimaga xafiiska samafalka ee madaxtooyada Aamina Maxamuud Diirye, Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Muuse Inji iyo guddoomiye-ku-xigeenka dallada SONSAF Xasan Bulbul, oo dhammaantood sheegay in SONYO wax weyn ka bedeshay fikirka dhalinyarada Somaliland, isla markaana ay kaalin mug leh kaga jirto horumarintooda, isaga oo xusay wixii la qaban karaan inay ka gaysan doonaan.

Ugu dambayntii waxa halkaas shahaadooyin lagu duddoonsiiyey golihii hore ee dallada iyo masuuliyiin kala duwan oo kaalin weyn ka qaatay taabogelinta hawlaha dallda SONYO.

Somaliland.Org/Hargeysa