Dawlada Soomaaliya oo Cadaadis Caalamiya ka Dib Ka Noqotay Heshiiskii Shirkada SARACEN

Muqdisho (Somaliland.Org)-Xukuumadda maqaar saarka ah ee Somalia ayaa cadaadis caalami ah ka dib waxay ku dhawaaqday inay ka noqotay heshiiskii ay kula jirtay shirkada maafiyada ah ee SARACEN. Ka dib markii Golaha Wasiirrada ee maamulka Sheekh Shariif ay go’aamiyeen arrintaasi.

Dawlada Somalia ayaa la sheegay inay heshiis la gashay shirkaasi la xidhiidhay inay u tababaraan ciidamada dawlada. “Xukuumada Soomaaliya way ka noqotay heshiiskii ay la gashay SARACEN, qalabkoodii hore ayay u qaateen, shaqaalahoodiina inta joogtaa way baxayaan intii badnaydna dalka way ka maqan yihiinba. Baadhitaan badan ayaanu samaynay markii aanu maqalay heshiiskan. shirkadani waxay keeneen heshiis kooban oo ay la galeen xukuumaddii naga horeysay oo ku ekaa tababarka ciidamada dawlada, xiliganna waanu ka noqonay heshiiskaasi,”Ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Sheekh Shariif ee dalka Soomaaliya C/Kariin Xasan Jaamac, oo maanta  u waramayay laanta Afsoomaaliga ee Idaacada VOA-da.

“Ma hayno dukumanti uu saxeexay qof masuul ah, hase yeeshee waxay noo sheegtay inay heshiis la gashay xukuumaddii naga horeysay,”ayuu intaasi raaciyay  Wasiirkaasi waxaanu intaasi raaciyay “Waxa la go’aamiyay in heshiiska dawladu la gashay Shirkada SARACEN  aanu faa’iido u lahayn bulshada oo laga noqdo.”

Xukuumadda Somaliland ayaa hore caalamka ugu baaqday in tallaabo laga qaado  Shirkada SARACEN, oo ah shirkad door ku lahayd dilkii dad badan oo reer Koonfur Afrika ah xiligii midab kala sooca.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com