M/Weynaha Oo Amar Ku Bixiyay In La Dhaqan Geliyo Mushahar Kordhinta Shaqaalaha Iyo Ciidamada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  amar ku bixiyay in la dhaqan geliyo go’aankii uu soo saaray ee la xidhiidhay mushahar kordhinta shaqaalaha iyo ciidamada uu kordhiyay 100% ee uu sheegay inay ka bilaabmayso bishan January ee 2011-ka.

Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu galabta ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir shirkii Golaha Wasiirrada ee manta, waxaanu war murtiyeedkaasi u dhignaa sedan:-

“Fadhigii maanta oo ay Bishu Tahay 27/01/2011 ee Golaha Wasiirada oo Ka Qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSLGudoominaayeyna Madaxweyanha JSL   Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo Waxa lagu Go’aamiyey in Korordhsiimada Mushaharka Shaqaalaha  iyo Ciidamada uu ka Bilaamayo Bisha January ee Sannadka  2011 , Korodhsiimo iyo Bixinba”

Dhinaca Kale, Amarka Madaxweynaha ayaa ka dhashay ka dib markii maalmihii la soo dhaafay ay qaar ka mid ah saxaafaddu ay qorayeen in Wasiirka Wasaarada Maaliyada Md. Maxamed Xaashi Cilmi laga soo xigtay inuu sheegay in mushahar kordhintu ay suurto gal tahay in laga bilaabo bisha March, taasi oo shaqaalaha dawladuna walaac ka muujiyeen.

Waxaanu Go’aanka Goluhu Amrayaa in hay’adaha Ku shaqada leh Go’aankan Fulintiisu ay sidiisa ugu Dhaqmaan.”

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com