Isha Samaha Diidaay, Nacab Baad Tahee Garo.

Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisa intii la doortay, waxaa ka soo wareegay muddo ka yar todoba bilood, waxaana muuqata in geedigii shacbigu u hayaamay lagu guulaystay. Sida qofkasta uu dareemayo wax-qabad badan ayaa ka hirgalay dalka oo u dan ah horumarka ummada Somaliland, waxaana ka mid ah;

• Dhismaha Biriijka labaad ee Hargeysa, isaga oo muddo ay ku guuldaraysatay xukuumadii hore, ayaa madaxweynuhu ku balan-qaaday in muddo ka yar 100 casho uu ku dhamaystiri doono dhismaha biriijka. Sababaha illaa hadda qabyada ka dhigay waa kuwo aad looga dheregsan yahay, waana qaar ay keeneen cimilada iyo daadadkii soo rogmanayey, laakiin dhaqaale ahaan wixii loo baahnaa, waa kuwo sugan, ummada Somaliland loo soo bandhigay marar badan.

• Dayactirka wadooyinka caasimada Hargeysa ayaa ah kuwo dadku ku diirsadeen. Shalay ayay ahayd ummada Caasimada joogtaa, markii ay qaadan waa ku ahayd in waddada horta marta madaxtooyada ay ahayd meel biyo fadhiisin ah. Maantana waxaad la socotaan in sadex waddo illaa afar waddo oo isku xidhay xaafadaha Caasimada la hirgeliyey.

• Horumarinta Waxbarashada Somaliland, kordhinta mushaharaadka shaqaalaha dawlada, horumarinta Magaalada Berbera, dhismayaasha iyo kordhinta adeegyada caafimaad ee gobolada, sida kordhinta waadhka TB-da ee Burco iyo dhismayaasha kale ee lagu kordhiyey cusbitaalada dalka sida ka Laascaanood, waa waxqabad aanay isha iyo maanka reer Somaliland ee daacada ahi ka boodi karin, ciddii istidhaahda ummada madal hufina lagu fahmi karayo.

• Waxaa ka mid ah waxqabadka oo aan isna aan hilmaami gaadhay dhismaha wadada Dila ee ahayd balan-qaayadii doorashadii kal hore ee Madaxweyne Rayaale ku balan-qaaday, qabyo-tirkeeda illaahayna ku guuleeyey madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa,markii kuwii ka horeeyey ku guuldaraysteen.

• Waxaa sidoo kale muhiima in si gaar ah loo eego arrimaha horumarka waxbarashada, sidaad la wada socotaan, 140 arday oo intii maamulka Somaliland taladeeda uu la wareegay madaxweynaha Somaliland, loo diray waxbarasho dibadeed ayaa jira, waxaana loo diray arday dalalka Suudaan, Uganda iyo Itoobiya. Intaas waxaa dheer in Jaamacadihii dalka mushaharkii loo kordhiyey macalimiintii, si ardaydu u hesho tacliin tayo leh. Ardayda loo diray dalalka dibadaha haddii aan ku noqdo, waxaa ka mid ah kuwo saxaafada dhaliisha qorta ka socda, waxaana loo diray dalka Uganda, weliba saxaafada madaxabanaan ayay ka tirsan yihiin.

• Waxaa tababaro iyo taageeroba xukuumada Somaliland la barbar taagan tahay oo aanu bulshada rayidka ahi qiraysaa, in ururada bulshada iyo ururada iskaashatooyinka ahba ay xukuumada Somaliland, si toos ah talo wadaag ugu muujisay. Waa mid aad looga dheregsan yahay, waa mid lagu diirsaday.

Intaasi tilmaamo kooban iyo hogo tusaalooyin waxqabad haddii aynu kaga gudubno, bal aan erey kale dib ugu laabto. Magaalada Berbera shalay waxa ay ahayd meel laga guuray, maantana waxa laga hirgeliyey sideed wado, waxaa dib u habayn iyo casriyeyn lagu sameeyey Dekeda Berbera, waxaa la balaadhiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera oo lagu kordhiyey Terminaalo cusub. Waxaa sidoo kale la wadaa dhismaha madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa oo la balaadhinayo, waxaana la furay garoomo aanay sideed sano ka haadin wax diyaarad ahi, aan sii cadeeyo garoomadan, waayo ummada Somaliland muranka iyo dafiraada oo aanay hore u aqoon ayay barteen, sidaas awgeed goormaa ugu danbaysay diyaarad Burco ka kacda? goormaa u danbaysay diyaarad Boorame ka kacda? Hadda xilligaas xukuumad ayaa dalka ka jirtay oo curyaamisay garoomadaas!

Waxa ay xukuumada Somaliland gargaar isla barbar taagtay reer guuraagii abaaraha iyo roob yaridu aafaysay. Waxa ay nabad ka dhalisay degaano colaado badan gumaadeen oo dilka iyo colaadu joogto ahayd. Kuwaas oo ay xalintooda ku guul-daraysteen xukuumadii hore.

Xukuumada Axmed Siilaanyo, waxa ay xakamaysay musuq-maasaqa, waxa ay kobcisay dhaqaalihii dalka, waxa ay kabtay shaqaalihii u baahnaa kabista, waxa ay daryeeshay ciidamada difaacaya dalka, waxa ay u wadaa darajooyin in ay u samayso, middaas oo daraasadeedii la dhameeyey ummada loo soo bandhigay, waxaana markhaati ka ah; mushaharka madaxweynaha oo aan weligii xukuumadihii hore xadidin ayuu ku dhiiraday madaxweynuhu in uu xadido. Hadaba, waxaa wacan in la isla qiro xaqiiqada, dhaqaalihii Dekeda Berbera ka soo bixi jiray ayuu miisaaniyada ku daray madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisu, caawimooyinkii dalka ayuu jiheeyey oo qorshe u sameeyey. Waa midka suurtogelisay, in biyihii dhawrka sano loogu balan-qaadayey Laascaanood in Ceel macaan loo samaynayo, in uu muddo kooban ku dhamaystirmo, hadda weliba dhawr sano ayaa lacag lagu kabayo horumarka Laascaanood oo gaar ah laga qaadi jiray ganacsatada lamana arki jirin meesha lagu bixiyo.

Ganacsigii dalka ayaa hagaagay, qurbo joogii ayaa soo dhiiraday, waxaa dib dalka ugu soo hayaamay ummad quus noqon gaadhay, waxaa soo eegaya Somaliland indhaha caalamka, qaddiyada Suudaanta Koonfureed oo qaddiyadeena Ictiraaf raadinta fure u nqon karta ayaa xukuumada Somaliland si farshaxanimo ah uga hawlgashay, si balaadhan uga ololaysay midowga Afrika, in ay fiiro gaar ah u yeelato sida uu arrinka Suudaan wax badan ka bedelayo xakamihii lagu hayey Somaliland, si balaadhan ayayna u fahmeen fariintaas Midowga Afrika.. Waxaa xorriyad helay gollayaashii qaranka ee qufulka Ina Rayaale ku taagi jiray. Waxaa aan marnaba la inqilaabin ururrada xuquuqul insaanka oo loo dulqaataa dhaliishooda, dhugna loo leeyahay toosintooda. Caalamka ayaa ku bogaadiyey Somaliland sida ay dadkeeda u sugtay ammaankooda, weliba ay ku dedaalayaan, horumar iyo cadaalad. Sidoo kale saxaafada aduunka ayaa horumarka dalka Somaliland iyo dadkooda badhtilmaameed ka dhigtay, waxaase la is waydiinayaa sababta saxaafada Somaliland u carqaladaynayso wanaaga dadkooda!

Iyadoo sidaas ah, ayaa haddana qalad dhici karaa, madaxdu wax xumayn karaan, hanaanka dawladnimona turun-turoon karaa. Waxaa dhici karta in garsoorka iyo cadaalada laga ilduufo, weliba ay dhacdo msusuqmaasuq u gaar ah qof shakhsi ama shaksiyaad, intaasoo jirta ayaa haddana aanay haboonayn in cadaalada laga tago, si cadna ay haboontahay in loo diido waxa qaldan, laakiin wanaaga xukuumada iyo cidda aad igmatay aan laga ilduufin. Waxaa wacan in aanu arrinku noqon dumiyaay ee danta ummada iyo waxa ummada u qabsoomay dib loo jaleecaa ay haboon tahay.

Waxaan ku soo koobayaa xukuumada Somaliland waa mid ummada danteeda dhexda u guntatay sidaas awgeed waxaanu leenahay isha samaha diidaay, nacab baad tahee garo.

Axmed Cali Kildhi
Kayse_cali_80@hotmail.com
Somalilandfuture Online