Shirkada SOMCABLE Oo Faahfaahin Ka Bixisay Isgaadhsiin Cusub oo Laga Hirgelinayo Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shirkada SOMCABLE ee qandaraaska lagu siiyay inay Somaliland ka hirgeliso isgaadhsiinta iyo Internet-ka  Badda hoostiisa mara, ayaa maanta ka waramay halka ay u marayso hawshaasi iyo siday u bilaabayaan adeegaasi   xukuumada Somaliland qandaraaska ku siisay.

photoAgaasimaha horumarinta Ganacsiga ee Shirkada SOMCABLE, Yuusuf Xuseen Cabdalle,  oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta shirkadaasi ee magaalada Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyay shaqada  siday u bilaabayaan  kaybalka isgaadhsiinta oo ah wax Somaliland ku cusub, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaanu idiinku yeedhay inaanu idiin sheegno, halka ay shaqadu noo marayaan labadii bilood ee la soo dhaafay  haddii aanu nahay shirkada SOMCABLE , waxa kale oo aanu idiinka warami doonaa qorshahayaga dhowi yahay  inta ugu muhiimsani waa inaanu  bilowno shaqo qoristii shaqaalaha waxaanu samayn doonaa maalin furan oo aanu iskugu yeedhi doono dhalinayaradda iyo xooga bulshada Somaliland, ka dibna waxaanu  ka qaadi doonaa imtixaan ku salaysan qof waliba shaqada uu doonayo. Shaqadan aanu haynaa waa shaqo aad u balaadhan waxa aad naloo weydiiyaa goormaad shaqadii bilaabaysaan, waanu dadaalaynaa laakiin dib u dhac ayaa nagu dhacay la xidhiidhay doorashadii wadanka ka dhacday oo aanu dib  u dhignay hawsha  intii dawladdu is bedalaysay ee xilka lala kala wareegayay.”

“Shaqada  xoogeedu waxa weeyaan kaybalka Isgaadhsiineed ee wadanka oo dhan maraya oo ah 1000 Km oo maraya xuduudaha wadanka bari illaa galbeed la gaadhsiinayo Laascaanood , xuduuda Wajaale illaa xuduuda Jabuuti.xadhiga badda maraya isagu waa xadhig Markab qaadayo oo Berbera la geynayo, dhismahayagii  xarunta Berbera waxaanu ku rajo weyn nahay inaanu furno bisha feberwari dhamaadkeeda haddii ALLE yidhaahdo.Xarunta Hargeysa inay ka yara dambayso ayaa laga yaabaa,”Ayuu yidhi   Agaasimaha horumarinta Ganacsiga ee Shirkada SOMCABLE, Yuusuf Xuseen Cabdalle, waxaanu intaasi ku daray “Waanu Mashquul san nahay,  Maalin kasta ugu yaraan  waxaanu shaqaynaa 16 saacadood.hawshuna waxay ka socotaa  gudaha iyo dibadaba, shaqadan aanu gacanta ku haynaa waxaanu rajaynaynaa inay noqoto mid lagu najaxo.”

Eng. Yuusuf Xuseen Cabdalle, oo wuxuu beeniyay warar inay shirkadoodu farac  (Substion) u tahay Jabuuti isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa jiray  hadalo aanu doonaynay inaanu ka jawaabno oo ahaa in shirkadani ay Substion u tahay Jabuuti iyo wax caynkaasi ah, waxaasi waxba kama jiraan. Qorshahan aanu wadnaa waa horumar tignoolajiyad casri ah heshiisyo caalami ah ayaa la gala. Dadkuna waxa fiican inay sidaasi u fahmaan. Waxaana aanu ku  faraxsan nahay in bilowgii hawshu gabo gabo naga tahay waxaanay labada sanadood ee soo socda noqon doontaa shaqadan kaybalka isgaadhsiinta badda ee aanu wadnaa mid shaqooyin badan abuura oo dad badani shaqo ka helaan.”

Eng. Yuusuf Xuseen  wuxuu sheegay inay maalintii xaruntooda magaalada Hargeysa soo gaadhaan illaa 150  codsi iyo CV oo shaqo doon ah , waxaanu tilmaamay inay ku hawlan yihiin kala xulista codsiyadaasi oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka yimid.

Masuulkaasi oo la weydiiyay halka laga soo jiidayo kaybalka isgaadhsiinta ee ay qandaraaska ku haystaan wuxuu yidhi “Badda cas shanta sanadood ee soo socda waxa loogu tallo galay inay maraan 12 Kaybal oo caalami ah, Dekadaha Suudaan, Mambaza iyo Jabuuti waxa yaala kayballo looga qaadi karo Wadamada kale ee jaarkooda ah.waxaanu  ka qeyb galay inaanu kaybalada mustaqbalka inaanu keeno Berbera mid madax banana laakiin imika Mambaza iyo Jabuuti ayay yaalaan kaybaladiiye’e Jabuuti  ayaa inoo dhow, arrintan macnaheedu ma aha Dawlada jabuuti ayaa xadhigii bixinaysa.”

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com