Marwada Koowaad Oo Badhasaabada Iyo Maayarada Dalka Ugu Baaqday Inay Wax U Qabtaan Bulshada

photo

 

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Marwada  Madaxweynaha  Somaliland   Marwo  Aamina sh. Maxamuud  Jirde  (Aamina  Waris)  ayaa  maanta  ka qeyb gashay xaflad   lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha dawlada oo Badhasaabada Gobolada dalka qaarkood lagu gudoon siinayay qalabka xafiisyada iyo agabka nadaafadada.waxaana qalabkaasi ugu deeqday Ha’yada Caritas. Xafladaasi waxa goob joog ka ahaa  Agaasimaha  guud  ee wasaaradda  arrimaha  gudaha  Maayarada  iyo  Guddoomiyeyaasha  gobolada  Maroodijeex,  Togdheer,  Ooddweyne,  Saaxil,  Billi-Gubadle , iyo  kuwo kale.

Madaxda  Hay’adda  Caritas  ee  Somaliland  Marwo  Nuura  C/laahi  Magan  oo  ka  hadashay  furitaankii xafladaasi  ayaa faahfaahin  ka  bixisay  ujeeddada  qalabkan  oo ka  kooban  qalabaynta  xafiisyada  maamulka  gobolada  Degmooyinka,  Computerro,  Mishiinada  dabka  dhaliya, kuraas,  Keeriyoonayaal,  qalabka  wacyi  gelinta iyo agabka  lagaga  shaqeeyo  nadaafadda  in  ay  ugu  talogaleen  sidii kor  loogu  qaadi lahaa masuuliyadda  hawlaha  maamul  iyo  waxqabad  ee  gobolada iyo  degmooyinka ay  xilkooda  hayaan,  loona  baahan  yahay  inay  ka  muuqdaan  midhaha  deeqdaasi.

Marwada  koowaad ee Somaliland  Marwo  Aamina Sh. Maxamed Jirde, oo ka hadashay xafladaasi ayaa uga mahad celisay Ha’yadaasi deedqan qalabka xafiisyada iyo kuwa nadaafada iskugu jiray ee ay ugu deeqday xafiisyada Badhasaabada iyo Maayarada  magaalooyinka dalka qaarkood.

Marwo Aamina Waris waxay u soo jeedisay Badhasaabada iyo Maayarada Magaalooyinka inay dedaal u galaan sidii ay u muujin lahaayeen wax qabad kor loogu qaadayo adeegyada ay bulshada u hayaan.

Badhasaabka gobolka  Maroodi Jeex Md. Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje)  iyo  Duqa Caasimadda  Eng Xuseen  Maxamuud  Jiciir   ayaa ka  mahad naqay  wareejinta  deeqdaasi,  iyagoo   xusay  inay  qeyb  ka  noqon  doonto  fududaynta  hawlaha  bulshada  ee  ay  hayaan.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com