Maamulka Gobolka Sool Oo Bilaabay Diiwaan Gelinta Qaxoontiga Soomaaliya

 Laascaanood (Somaliland.Org)- Maamulka Gobolka Sool ayaa bilaabay qorshe ay ku diiwaan gelinayaan dadka ka soo qaxay dagaalada ka socda dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya, si aanay saamayn ugu yeelan Nabadgelyada Gobolkaasi.

Sidaasi waxa sheegay Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye oo maanta khadka Telefoonka ugu waramayay Somaliland.Org, waxaanu sheegay in arrintaasi oo ay u yeeleen sababo nabad gelyo ay ugu socoto si wanaagsan isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaanu bilownay oo noo socda qorshe aanu ku diiwaan gelinayno dadka qaxoontiga ah ee ka soo baro kacay Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Laascaanood kuwaasi oo aanu siinay kaadhadh aqoonsi. Waxa kale oo aanu u samaynay Guddi iyaga u gaar ah xafiisna waanu u furnay.”

“Waxaanu sidaasi u samaynay sababo nabadgelyo waayo waxaanu doonaynaa inaan iyagana aan xuquuqdooda meel lagaga dhicin oo la ilaaliyo, iyagana aan dad Nabad gelyada halis gelin karaa ku soo dhex dhuuman. Illaa imika tiradooda kuuma sheegi karo hase yeeshee markaanu dhamaynayo ayaanu saxaafada u sheegi karnaa.”ayuu yidhi C/Laahi Jaamac Diiriye.

Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay in xaalada nabadgelyo iyo bulsho ee degmooyinka Gobolka Sool ay aad u wanaagsan yihiin, waxase uu ka dayriyay abaaro ba’an iyo biyo la’aan ka jira deegaankaasi waxaanu xukuumada iyo Ha’yadaha caalamiga ah ugu baaqay inay gurmad deg deg ah la soo gaadhaan bulshada deegaankaasi ee abaartu hayso.

Cumar Maxamed Faarax

 Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com