MIISAANIYADDA 2011 WAXAY KA TURJUMAYSAA BARNAAMAJKII KULMIYE

Waxa ay maraysaa miisaaniyaddii 2011 dib-u-eegiddii ugu dambaysay inta ka horeysa ee lagu ansixin lahaa labada gole ee fulinta iyo sharcidejinta. Waxa se si wadajir ah Golaha Wasiiraddu isagu raaceen inaan lala sugin mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada miisaaniyadda inteeda kale, iyagoo raacayaa soo-jeedinta Madaxweynaha oo fulinaaya balankiisii doorasho.

“Waxaan Ilaahay Uga Barayayaa In Doorashadu Jabuuti Ugu Dhacdo Si Nabadgelyo Ah Oo Xor Ah”

Hargeysa (Somaliland.Org)-  Marwada Koowaad ee Somaliland ahna Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Maxamed Jirde, ayaa guul u rajaysay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo isu soo taagaya markii sadexaad doorashada madaxtinimada dalkaasi. Ka dib markii  isbahaysiga uu Hoggaamiyaa ay mar kale ka dalbadeen inuu noqdo murashaxooda uga qeyb galaya tartanka doorashada. Marwo Aamina Waris […]

Wasiirka Horumarinta Caalamiga Ah UK Oo Sheegay In 60% La gaadhsiiyay Kaalmooyinkii Somaliland

 Andrew Mitchell Muxuu Ka Yidhi Aqoonsiga Somaliland Hargeysa(Somaliland.Org)- Wasiirka Iskaashiga iyo Xidhidhka Caalamiga ah ee DawladaIngiriiska  Md. Andrew Mitchell, ayaa ka waramay kaalmada ay dawlada Ingiriisku siin doonto Somaliland, kaalmooyinkaasi oo ay ku jirto mashruuc 22 kun iyo shan boqol oo shaqo loogu abuurayo bulshada Somaliland. Wuxuu sidaasi ku sheegay Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee […]

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Wasiirka Horumarinta Britain Oo Socdaal Ku Yimid Dalka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qaabilay wefti balaadhan oo uu hoggaaminayay  Wasiirka Iskaashiga iyo Xidhidhka Caalamiga ah ee DawladaIngiriiska  MR. Andrew Mitchell, oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland. Warsaxaafadeed uu Afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ka soo saaray kulankaasi wuxuu u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD […]

Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Khaarajiga Finland

Addisababa(Somaliland.Org)-Wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo uu weheliyo wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya Mr Aaden Nuux Dhuule ayaa kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibada dalka Finland, waxaanu wasiirada uga xog-waramay xaaladaha Somaliland ee dhinacyada horumarka, dimuqraadiyadda, doorashooyinkii dalka dhacay sanadkii hore iyo horumarka ay Somaliland ka gaadhay nabadgalyada, isaga oo sharaxaad ka bixiyay […]

Laba Muwaadin Oo U Dhashay Dalka Ingiriiska Burco Booqday

Hargeysa(Somaliland.Org)-Laba Qof  oo u dhashay dalka Ingiriiska oo ka Soo Jeeda Qoyskii  Maamulihii dugsiga sare ee Sheekh Richard Radcliff Dalton, ee Sanadkii 1959-kii-1977kii ayaa maanta   Soo Gadhay magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco taas oo si weyn ay u soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka Togdheer, maamulka  Degmada,Gudiga horumarinta Gobolka Togdheer iyo maamulka jaamacada Burco. Weftigani oo […]

Dagaalkii Ugu Dhimashada Badnaa Oo Galabta Ka Dhacay Deegaanka Kalshaalle

 Tirada Maxaabiista Laga Qabtay Malleeshiyada Buuhoodle Kalshaalle(Somaliland.Org)- Dagaal sababay khasaare balaadhan oo isugu jiray  dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta  ka dhacay deegaanka Kalshaalle ee u dhaxeeya degmooyinka Qori lugud iyo Buuhoodle, kadib markii ay rasaas Is weydaarsadeen  laba sahan oo ka kala socday labadii  maleeshiyo beeleed  ee hore ay iska hor imaadyadu ugu dhex mareen […]

Golaha Guurtida Oo Dood Ka Yeeshay Sidii Kuraasi Loogu Qoondeyn Lahaa Haweenka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Mudaneyaasha Golaha Guurtida  Somaliland ayaa maanta  bilaabay dood ay ku naaqishayaan siyaasada gudaha iyo sidii Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay doorashooyinka soo socda loogu xidhi lahaa kuraasi kooto ah oo aanay cidi kula tartamin. Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo uu gudoominayay Guddoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa aragtidooda ka […]

Guddoomiyaha Wakiilada Oo Mudaneyaasha Ka Raali geliyay Wixii Gef Ay Ka Tirsadeen Shirgudoonka

Hargeysa(Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro), ayaa  Mudaneyaasha Golaha Wakiilada raali gelin ka siiyay wixii gef ay ka tirsadeen labadiisa Guddoomiye Ku Xigeen, mudadii uu dalka dibadiisa ku maqnaa ee la isku maandhaafay mooshinkii wax ka bedelka xeer hoosaadka. Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ka sheegay war saxaafadeed uu ka akhriyay furitaankii […]

Go’aan Madaxweyne Oo Lagu Tanaaday

Waa qoraal yar oo ka kooban  dhawr sadar, haddana xambaarsanaa farriin culus oo  saamayn togan ku leh tobanaan kun oo qof. Waxase loo dhigay siiqad siyaasadeed oo  ladifan oo ka turjumaysa inuu naqshadeeyay Hoggaamiye waayo arag ah oo muddo ku dhow nus  qarni ku dhex jiray Siyaasada. Waxa ku jiray kalmado aad la takiidiyay iyo […]

Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Gurmad Biyo Dhaamis Ah Ka Sameeyay Duleedka Buuhoodle

 Buuhoodle (Somaliland.Org)- Ciidamadii Itoobiyaanka ee dhawaan soo degay duleedka magaalada Buuhoodle ee xadka dhinaca Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay gurmad biyo qaybin ah ka fuliyay deegaanka Buuhoodle, halkaasi oo ay biyo gaadhsiiyeen dadka abaaruhu tabaaleeyeen oo ku dhow jiida ay dageen. Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo muddo siddeed maalmood ah degenaa halkaas, ayaa dadwaynaha ugu […]

Dil Toogasho Ah Oo Ka Dhacay Deegaanka Boholaha Xargaga Ee Gobolka Sool

Laascaanood (Somaliland.Org)-  Waxa shalay dil toogasho ah lagu dilay Marxuum Farxaan Xareed Xaaji Siciid oo da’diisu ahayd  38 jir xoolo dhaqato ahaa, deegaanka Bali-hadhac oo u dhow Boholaha Xargaga oo galbeed ka xiga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Sidaa waxa xalay shabakada wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay hogaanka Booliska ee gobolka Sool  Mr. Jaamac […]

Hoggaanka Cusub Ee Dallada SONYO Oo Xilkii Kala Wareegay Masuuliyiintii Hore

Hargeysa (Somaliland.Org)-Hogaanka cusub ee dallada dhalinyarta Somaliland ee SONYO, ayaa maanta si rasmi ah xilkii dallada u gala wareegay hogaankii hore ee dallada, ka dib markii muddo bil laga joogo guddoomiye iyo gole cusub lagu doortay Hotel Amabsadoor ee magaalada Hargeysa. Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey xil-wareejintaa oo lagu qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa […]

Miisaaniyadii Sanadka 2011 Oo Laba Jibaarantay Iyadoo Aanay Jirin Wax Cashuuro Ah Oo La Kordhiyey

budgetOdoraska Miisaaniyad-sannadeedkan cusub oo Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi horgeeyey golaha Wasiirrada Axaddii toddobaadkan waxa ay dhan tahay 451,584,183,721 Bilyan oo shillinka Somaliland ah, una dhiganta 73.3 Milyan oo doollarka Maraykanka ah, taas oo marka la barbardhigo tii sannadkii hore uu ka muuqdo koradh baaxad leh oo dhan 35.3 milyan doollar, iyadoo aanay jirin wax cashuuro ah oo la kordhiyey.

Isha Samaha Diidaay, Nacab Baad Tahee Garo.

Xukuumada Axmed Siilaanyo, waxa ay xakamaysay musuq-maasaqa, waxa ay kobcisay dhaqaalihii dalka, waxa ay kabtay shaqaalihii u baahnaa kabista, waxa ay daryeeshay ciidamada difaacaya dalka, waxa ay u wadaa darajooyin in ay u samayso, middaas oo daraasadeedii la dhameeyey ummada loo soo bandhigay, waxaana markhaati ka ah; mushaharka madaxweynaha oo aan weligii xukuumadihii hore xadidin ayuu ku dhiiraday madaxweynuhu in uu xadido

M/Weynaha Oo Amar Ku Bixiyay In La Dhaqan Geliyo Mushahar Kordhinta Shaqaalaha Iyo Ciidamada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  amar ku bixiyay in la dhaqan geliyo go’aankii uu soo saaray ee la xidhiidhay mushahar kordhinta shaqaalaha iyo ciidamada uu kordhiyay 100% ee uu sheegay inay ka bilaabmayso bishan January ee 2011-ka. Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu galabta ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada […]

Xisbiga UCID Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadalo Ka Soo Yeedhay Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Xasan Xuseen Codyare, ayaa warsaxaafadeed uu manta soo saaray wuxuu ku naqdiyay hadalo ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan xukuumada xisbiga KULMIYE, kuwaasi oo ay kaga hadleen arrimo la xidhiidhay Soomaaliya. Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u qornaa sedan:- “Muddooyinkan dambe waxaa soo ifbaxaya dhawaaqyo kasoo yeedhaya masuuliyiin xukuumadda ah […]

Prof. Ibraahim Maygaag Samatar Oo Kooxaha Soomaaliya Ugu Baaqay Aqoonsiga Somaliland

“Somaliland Waxay Sii Noolaan Kartaa Aqoonsi La’aan oo ay Horumarin Kartaa dhaqaaleheedda” Hargeysa (Somaliland.Org)-Prof. Ibraahim Maygaag Samatar, oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo aqoon yahanada waaweyn ee Somaliland, isla markaana wax ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Jabaan, ayaa ugu baaqay kooxaha ku hirdamaya dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya inay aqoonsadaan madaxbanaanida Somaliland. […]

Maamulka Gobolka Sool Oo Bilaabay Diiwaan Gelinta Qaxoontiga Soomaaliya

 Laascaanood (Somaliland.Org)- Maamulka Gobolka Sool ayaa bilaabay qorshe ay ku diiwaan gelinayaan dadka ka soo qaxay dagaalada ka socda dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya, si aanay saamayn ugu yeelan Nabadgelyada Gobolkaasi. Sidaasi waxa sheegay Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye oo maanta khadka Telefoonka ugu waramayay Somaliland.Org, waxaanu sheegay in arrintaasi oo ay […]