Xeebta Magaalada Berbera Oo Liqday Afar Qof

Berbera (Somaliland.org) Laba nin ayaa ku dhintay Xeebta Batalaale ee Magaalada Berbera, kadib markii ay baddu liqday maanta gelinkii hore. Labada Marxuum oo magacyadoodu kala ahaayeen Xuseen Dhoore iyo Maxamed Madoobe ayaa waxay ka mid ahaayeen wadayaasha baabuurta xamuulka qaada ee ka shaqeeya dekeda magaalada Berbera. Muddo saacado ah ayaa la baadhayay Maydka labadan Marxuum […]

Warqad Furan: WADA SHAQEYN – Xukuumada Iyo Kulmiye Qalinkii: Mohamed Beergeel

Dawlada Kulmiye ee uu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo hogaaminayaa wali lix bilood umay dhamaan. Sida ay warar xog ogaal ahi sheegayaan, qiimeynta wax qabadka dawladu waa “A-Plus”. Kalsoonidii dadweynuhuna heer aad u sareeya ayey maraysaa. Dawladdu maanta uma baahna wax ka jeediya ama ka hoosaasiya fulinta qorsho maalmeedkeeda. Dad badan baa ku talinaaya in uu madaxweynuhu si joogta ah ummadda Raadyowga iyo TVgaba ugala hadlo.

KULMIYE oo Sheegay Inay Dedaal U Galayaan Sidii Dalka Loogu Dhiqi Barnaamijkii Ay Dhigteen

 Hargeysa( Somaliland.org)- Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inayd dedaal ugu jiraan sidii dalka loogu dhigi lahaa barnaamijkii siyaasaeed ee xisbigaasi ku galay doorashadii madaxtooyada ee ay sida aqlabiyada ah ugu guulaysteen.waxaanu shacbiga Somaliand ku bogaadiyay sanadka fooda inagu soo haya ee 2011-ka waxaanu sheegay inuu u rajaynayo […]

Maxkamadaha Tog-dheer oo Soo Saaray Tiro Koobka Kiisaskii Soo Maray 2010-ka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Togdheeer C/qaadir Axmed Maxamuud ayaa si rasmiya u shaaciyay tiro-koobka kiisaskii  soo maray  maxkamadaha gobolkaasi  Sanadankan sii galbanaya  ee 2010 kaas  kuwaasi oo dhan  1379 kiis,  oo isagu jira Ciqaab iyo madani ah. waxaana la xaliyay  1305 kiis waxaan dhammaanin 89 dacwadood. Guddoomiyaha oo u waramayay saxaafadda wuxuu […]

Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Oo Loo Diiday In Uu Ku Dego Guriga Martida Ceerigaabo

Maayarka Ceerigaabo Iyo Wasiirka Biyaha Oo Isku Khilaafsan Maamulka Wakaaladda Biyaha Ceerigaabo (Somaliland.Org)- Maayarka magaalada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa iska hortaagay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Mudane Xuseen Cabdi Ducaale, in uu ku dego aqalka Martida ee magaaladaas. Sida uu wargayska Dawan u sheegay Maareeyaha Wakaallada Biyaha Ceerigaabo Jaamac Jibriil Jaamac. Wasiirka Macdanta iyo […]

“Waxaanu Doonaynaa Inaanu Wasaarada Ka Dhaqaajino Maxjarada iyo Sayladaha” Ag. guud

Hargeysa (Somaliland.Org)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda  xanaanadda xoolaha, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Dr. Axmed Maxamuud (Caggo-weyne) ayaa ka hadlay gacan ka hadal dhawaan la sheegay inuu dhex maray isaga iyo Wasiirka wasaaradaasi Dr. Axmed Xaashi Oday, ka dib markii khilaaf maamul dhex maray. Sida uu faafiyay Wargeyska madaxa banaan ee Ogaal. Dr. Cago-weyne wuxuu beeniyay […]

Maayarka Baligubadle oo Lagu Eedeeyay Fadeexado musuqmaasuq iyo Lunsi Hanti Qaran

 Baligubadle (Somaliland.org) – Maayarka Degmada Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd Colaad Jaamac,  ayaa lagu eedeeyay fadeexado musuqmaasuq iyo cashuuro ka  soo xarooday Tuulooyinka Degmadaas oo uu ku-tukri-falay. Musuqmaasuqa  lagu eedeeyay Maayarka Baligubadle, ayaa soo sababay  mushahar la’aan soo foodsaartay  shaqaalaha Dawladda Hoose muddo dhawr bilood ah, sida uu ku soo waramay wariyahayaga  Gobolka Hawd Axmed […]

“Waxaanu Xukuumadan Ku Dhaliilaynaa Inay La Timaado Siyaasad Cad ” Faysal Cali Waraabe

Hargaysa (Somaliland.org)- Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aanay gaadhin wakhti la dhaliilo. Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ka sheegay maanta oo uu booqday dhismaha Biriijka labaad ee Caasimadda Hargaysa oo hadda gabagabo ku dhow. Halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir. […]

Shir Lagu Darsayo Nidaaminta Tacliinta Sare oo Ka Furmay Hargeysa

 Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasaarada Waxbarashada Somaliland ayaa shir lagu darsayo sidii tacliinta sare nidaam lagu horumariyo loogu samayn lahaa uga furtay Huteelka Maasoor ee magaalada Hargeysa masuuliyiinta 17 Jaamacadood oo ka mid ah Jaamacadaha u diwaan gashan Wasaaradaasi. Wasiirka Wasaarada qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga ah Md. Sacad Cali Shire oo ka hadlay ka hadlay furitaankii shirkaasi […]

Xukuumadda oo go’aan ka gaadhay khilaafkii Bali Cigaal

Qolqol (Somaliland.Org)- Waxa shalay heshiis kama dambeys ah laga gaadhay khilaaf u dhexeeyey labada beelood ee  (Cigaal Abokor iyo Ugaadh Cumar) oo wada dega gobolka oodweyne,kaasoo ku saabsanaa tuulada Bali Cigaal.  Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Cismaan (Dube) waxaanu u dhignaa sidan:-  “Munaasibad shalay  lagu qabtay […]

Ha’yada Shaqaalaha Oo Ka Hadashay Natiijada Imtixaankii Laga Qaaday Shaqaalihii Wasaarada Maaliyada

Muxumed Aw CabdiGuddoomiyaha oo maanta u waramayay saxaafaddu waxa uu ka hadlay natiijadii ka soo baxday imtixaankaasi oo ay saxayeen labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaanu yidhi “Waxaanu ILAAHAY ugu mahad naqaynaa sida wanaagsan ee ay ku soo dhamaatay Imtixaankii aanu ka qaadnay shaqaalaha Wasaarada maaliyada Somaliland waxa imtixaanka galayay 222 shaqaale ah, waxa Imtixaanka u fadhiistay 191 shaqaale ah, waxa baasay 103, waxa dhacay 88 qof.

Ciidanka Booliska Oo Soo Bandhigay Xadiga Lacago Foojari ah Oo Ay Qabteen

Hargeysa (Somaliland.org)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta soo bandhigay lacago badan oo foojari ah oo ay ku qabteen gudaha magaalada Hargeysa,oo ay sheegeen in lagu mijo xaabinayay dhaqaalaha Somaliland Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliand Gen. Cilmi Rooble Furre, oo maanta xafiiskiisa si wada jir ah shir jaraa’id ugu wada qabteen Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi […]

Dil Xalay Ka Dhacay Magaalada Hargeysa Iyo Tuug Faro-baas Ku Haya Shacbiga

Hargeysa (Somaliland.Org)- Waxa xalay Toori lagu dilay agagaarka tiyaatirka  nin dhalinyaro ah oo magaciisa   la odhan jiray Marxuum- Guuleed Cabdoo Cadaawe, waxaana la sheegay in ninkii dilay oo ay saaxiib ahaayeen marxuumka uu  aabihii keenay. Sidoo kale, Faadumo Maxamuud Yuusuf,  oo ah Hooyo suuqa ku iibin jirtay khudaarta ayaa saaka abaaro 6:00 subaxnimo dhaawacyo culusi […]

Xildhibaano Soo Dhaweeyay Baadhista Hanti dhawrka ee Laamaha Dawlada Berbera

Hargeysa (Somaliland.org)- Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Wakiilada iyo deegaanka Berbera ayaa shalay soo dhaweeyay talaabada uu hanti dhawrka guud ku baadhayo laamaha dawlada ee magaalada Berbera iyo gobolka Saaxil. Mudaneyaashaasi waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah mudaneyaasha Aqalka Wakiilada ee […]

SSE: Baaq ku wajahan Shirar muddooyinkan danbe qabsoomay

Baaq ku wajahan Shirar muddooyinkan danbe qabsoomay Ururka SSE (Somaliland Societies in Europe), oo ah dalladda ay ku bahoobeen Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub, waxa uu werwer badan ka muujinayaa  shirar muddooyinkan danbe la wad waday;  kii ugu dambeeyeyna lagu qabtey dalka Jabbuuti bishan Diisember 2010 halkaas oo  sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaasha shirkaasi la isugu  keenay […]

Wasiirka Arrimaha Dibada Oo ka Waramay Kulamo Uu La Yeeshay Masuuliyiin Itoobiyaan ah

Hargeysa (Somaliland.org)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu socdaal qaatay muddo 4 cisho ah ugu maqnaa wadanka Itoobiya. Wasiirka arrimaha dibadu wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta dalka Itoobiya, sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed caawa laga soo saaray xafiiska Wasiirka […]

Guddoomiyaha Ha’yada Shaqaalaha Oo Ka Hadlay Imtixaan laga Qaadayo Hawl Wadeenada Dawlada

 Shaqaalaha Cashuuraha bariga oo Lagu Bilaabay Imtixaanka kala shaandheynta Hargeysa (Somaliland.org)-Guddoomiyaha Ha’yada Shaqaalaha dawlada Md. Muxumed Aw Cabdi ayaa sheegay in Imtixaan laga qaadayo shaqaale weynaha dawlada, si  dib u habayn loogu sameeyo loona kala saaro darajooyin kala duwan,  si mushaharka shaqaalaha loogu kordhiyo. Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ka sheegay maanta oo ay imtixaan ka qaadayeen […]

Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Oo Maanta Doortay Hoggaan Cusub

Tartan Adag oo Loo Galay Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Hargeysa (Somaliland.Org)- Waxa maanta lagu qabtay Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa shir balaadhan oo lagu doortay Maamulka xidhiidhka kubadda cagta ee Somaliland ka dib markii xidhiidhkii hore mudadii ka dhamaatay.Waxa dooranayay maamulka xidhiidhka kubadda cagta 21 xubnood oo ka kala yimid gobolada dalka oo dhan. Waxa […]