Wararkii Wargeyska DAWAN Cadadkii Maanta Oo Khamiis Ah

Siyaasi u dhashay Kenya Oo Caalamka ugu Baaqay Inay Aqoonsadaan Somaliland Hargeysa (Somaliland.Org)- Siyaasiga weyn ee wadanka Kenya kana mid ahaan Xildhibanadii mudada dheer ku jiray Baarlaanka wadankaasi Ilyaas Barre Shiil, ayaa wadamada jaarka iyo beesha caalamkaba ugu baaqay inay aqoonsadaan Somaliland oo uu tilmaamay in la gaadhay xiligii la ictiraafi lahaa madax banaanidda qaranimadooda. […]

KULMIYE Oo Ka Hadlay Dhaawac Soo Gaadhay Guddoomiye Muuse Biixi

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha xisbiga tallada Somaliland haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta dhaawac ka soo gaadhay laba feedhood oo cad go’ay ka dib markii uu ku siibtay marmarkii Gurigiisa magaalada Hargeysa. Sidaas waxa lagu sheegay War-saafadeed kooban oo uu soo saaray Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Md.Keyse Xasan Cigge, ayaa lagu sheegay […]

Ururada Xuquuqul Insaanka oo Ka Dayriyay Heerka Xuquuqda Aadamaha Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Dallada Ururada Xuquuql Insaanka Somaliland ayaa maanta ka hadashay heerka xuquuqal insaanka ayaa xukuumada cusub ku dhaliilay in aanay wali waxba ka qaban Ha’yadaha garsoorka oo ay ku tilmaameen inay ku shaqeeyaan laaluush iyo musuqmaasuq. Sidaasi waxa maanta ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa Afhayeenka Dalladdaasi Saleebaan Ismaaciil Bulaale […]

Wararkii Wargeyska Dawan Cadadkii Maanta

Xiisad Ka Taagan Wefti Wasiirro Iyo Siyaasiyiin Puntland Ka Socda Oo Gaadhay Buuhoodle Buuhoodle (Somaliland.Org)- Wefti ballaadhan oo ka socda xukuumadda maamul goboleedka Puntland iyo madaxdhaqameedyada maamul goboleedkaas ayaa shalay galab soo gaadhay magaalada Buuhoodle , iyada oo xukuumadda Somaliland hore uga digtay in siyaasiyiin ka socda maamulkaasi ay soo gaadhaan magaalada Buuhoodle iyo deegaanada […]

Dacwadii Ninkii Jarmalka Ahaa Oo Dib Loo Dhigay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Dacwad xasaasi ah oo loo haysto nin jarmal ah oo lagu waday inay saaka ka bilaabanto Maxkamada Degmada Hargeysa ayaa dib u dhacday ka dib markii Boqolaal qof oo ka mid ah bulshada ku dhaqan Caasimada Hargeysa ay soo buux dhaafiyeen maxkamada horteeda. Si ay ula socdaan dacwadaas oo aad uga yaabisay. Ninkan […]

Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Guddoomiyaha Baanka Adduunka

Hargaysa (Somaliland.org)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Xeebaha iyo Dekedaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, ayaa sheegay in uu Baanka adduunka ka dalbaday sidii ay u taageeri lahaayeen horumarinta kalluumaysatada Somaliland. Wasiirku waxa uu sidaa ka sheegay Hargaysa maanta oo uu dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal qaatay muddo saddex todobaad ah oo uu ku tagay […]

Somaliland Oo Uga Digtay Puntland Inay Yimaadaan Kulamada Lagu Soo Af-jarayo Shaqaaqadii Kalshaalle

Somaliland Oo Uga Digtay Puntland Inay Yimaadaan Kulamada Lagu Soo Af-jarayo Shaqaaqadii Kalshaalle Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta maamul goboleedka Puntland uga digtay inay Wasiirro iyo siyaasiyiin u soo diraan madasha lagu heshiisiinayo labada beelood ee dhawaan ku diriray deegaanka Kal-shaalle. waxaanay sheegtay inay Ciidamada ammaanku ka celin doonaan haddii ay isku dayaan inay […]

Wararkii Wargeyska DAWAN Cadadkii Maanta

Ciidamada Amaanka Xeebaha Galbeedka Somaliland oo La-tacaalaya Ganacsi Dad Seylac (Somaliland.Org)- Ciidamada Amaanka ee ku sugan Galbeedka Somaliland, ayaa dib u soo celiyay labadii maalmood ee u danbeeyey dad ku dhow illaa boqol qof oo la doonayay in ay si sharci darro ah tahriib lagaga dhoofiyo xeebaha Gobolka Salal, oo in muddo ah xuntun u […]

Mawjadda FM-ta Idaacadda VOA-da Ee Hargaysa Oo Hawada Ka Baxday

Hargaysa (Somaliland.org)- Mawjadda FM-ta ee Idaacadda VOA-du ku leedahay magaalada Hargaysa ayaa maanta gabi ahaanba ka baxday hawada oo dadwaynuhu ay is waydiinayeen waxa meesha ka saaray maqalkii Idaacadaasi ee baahintii galabnimo ee 4 ilaa 5-ta iyo baahintii caawa ee 7 ilaa 8-da cawaysnimo. Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Hargaysa ayaa galabta ilaa caawa wax iska […]

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Shir Caalami ah Kaga Qeyb Gelaya Kenya

Hargeysa (Somaliland.org)- Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa 21-kii bishan Socdaal Shaqo ugu ambabaxey Caasimada Dalka Kiiniya Ee Nayroobi. Mudane Ibraahim Siyaad oo Saxaafada uga warbixinayey Socdaalkiisan intii aaanu Garoonka Magaalada Berbera ayaa sheegey in uu ka qayb galayo shir Caalimi ah oo lagu Martiqaadey Mareeyaha iyo Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland Xuseen […]

Aqalka Odayaasha Iyo Dooda Wax Ka Badelka Xeerka Biyaha

Hargeysa(Somaliland.Org)-Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland ayey mudanayaasha kaga doodeen xeerka biyaha qaranka oo ay Golaha Wakiiladu kaabis iyo wax ka bedel ku soo sameeyeen una soo gudbiyeen. Fadhigan oo uu Guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaas Md Siciid Jaamac Cali, ayaa ku qabsoomay hoolka shirarka ee wasaarada waxbarashada magaalada Hargeysa. Md Cabdinaasir Aadan […]

Waxgaradka Qori-lugud Oo Kalsooni Siiyay Ergadii Dhexdhexaadinta

Ergooyinka Dhexdhexaadinta Shaqaaqada Deegaanka Kalshaale oo Damaanad-qaad Ka Helay Waxgaradka Quri-lugud Qorilugud(Somaliland.org) – Ergooyin nabadeed oo ku sugnaa Deegaanka Qori-lugud ayaa shalay abaaro 11 duhurnimo damaanad qaad ka helay Beesha Deegaanka Qorlugud oo ah dhinac ka mid ah laba beelood oo todobaadkii hore dagaal ku dhexmaray meel lagu magacaabo Kalshaale oo u dhaxaysa Burco iyo […]

M/weyne Siillaanyo oo kulan la Yeeshay Taliyaha Guud Gaashaan-dhigga Ciidamada Itoobiya

Addis Ababa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo weftiga uu Hoggaaminayo ayaa wadahadallo la yeeshay Jananka Ciidamada Qaranka Itoobiya, ka dib kulamo balaadhan oo ay isku soo hor-fadhiisteen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, sidaana waxa lagu faafiyay Warbixin Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya faafisay. Warbixintaas oo lagu sharraxay waxyaabihii ay labada dhinac ka wada hadleen, isla […]

Wararkii Wargeyska DAWAN Cadadkii Maanta

Dagaal Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Deegaamo Ka Tirsan Gobolka Sool Taleex (Somaliland.org)- Laba qof ayaa ku dhintay shan kalena waxaa ka soo gaadhay dhaawacyo kala duwan dagaal shalay ku dhex maray deegaanka Sarmaanyo oo 60 km dhinaca waqooyi ka xiga degmada Taleex ee gobolka Sool dadwayne xoolo dhaqato ah iyo koox budhcad […]