Mudaneyaal Golaha Wakiilada Horgeeyay mooshin Lagu Furayo Xeer hoosaadka Wakiilada

Mudaneyaal Golaha Wakiilada Horgeeyay mooshin Lagu Furayo Xeer hoosaadka Wakiilada

Hargeysa(Somaliland,org)-Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ayaa la horgeeyay mooshin xasaasi ah oo ay doonayaan inay wax ka bedel ku sameeyaan xeer hoosaadkooda, si ay ugu fududaato xilka qaadista shirgudoonka.
Fadhigaas oo buuq iyo sawaxan ka dhashay Mooshinkan ay sababtay in Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ahna Ku simaha Guddoomiyaha Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax uu ka baxo fadhiga ka hor intii aanu furin, hase yeeshee daqiiqado ka dib ay soo maslaxeen Xildhibaano ka tirsan Golahaasi kuwaasi oo u soo geliyay gudaha hoolka arrimaha gudaha oo fadhiyada goluhu ku qabsoomaan.
Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari oo Guddoomiyaha u dhiibay mooshinkan markii fadhigu furmay wuxuu yidhi “Guddoomiye, mooshinkan adigoo naga raali ah nidaamkii caadiga ahaa ayaanu marinaynaa ee naga qabo.”
Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Md. Baashe Maxamed Faarax oo guddoominayay fadhigan ayaa sheegay in mooshinkan loo gudbin doono guddida Joogtada ah oo xeer hoosaadka Aqalkaasi dhigayo inay soo darsaan, waxaanu yidhi “Mooshinkani wuxuu marayaa dariiqii uu mari jiray, waxaana loo gudbinaynaya Guddida joogtada ah waana inoo maalinta Axadda.”
Md. Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah 32-kii Mudane ee Mooshinkan soo gudbiyay ayaa sharaxaad ka bixiyay nuxurka Mooshinkan waxaanu yidhi “Mooshinkani ma aha mid lagu ridayo shirgudoonka ee waa mid aanu ku furayno xeer Hoosaadkayaga oo wax badani ka khaldanaayeen. Markii aanu mucaaridka ahayna waxaanu samaynay xeer hoosaad yar oo kooban oo kuraasida ku xejinaya shirgudoonkayaga. Arrintii ILAAHAY wuu nagu guuleeyay oo waa kii Daahir Rayaale sida wanaagsan u wareejiyay ee iska tagay. Madaxweyne Ruug Caddaa ah ayaa ILAAHAY meesha keenay oo aan Golaha faro-gelin ku haynin. Dabadeeto waxaanu xor u noqonay inaanu Golahayagii ka shaqeyno. Mudadaas yar ee noo hadhayna aanu wax micno leh ka tagno. Sidaas weeye ujeedada mooshinkayagu.”
Sidoo kale, Md. Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, isna ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinkan wax ka saxeexay oo ka hadlay mooshinkan waxaanu yidhi “Aad baanu u soo dhawaynaynaa Mooshinkan shirgudoonkuna yaanu ka sasin, muwaadiniin weeye oo xaq bay u leeyihiin in la bedeli karo. Xuquuqda isiin karta inaan shirgudoon doorto ma aha mid iga qaadi karta inaan shirgudoon dooran kari waayo, xataa haddii Hoggaamintooda lagu qanacsan yahay way soo tartami karaan mar labaad.”

Mudaneyaasha Mooshinkan saxeexay ayaa markii fadhiga laga xaadiriyay ay noqdeen 27 Mudane, kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin sidan:-
1)-Aadan Tarabi Oogle
2)- Siciid Cilmi Rooble
3)- Maxamuud Jaamac Cilmi (Dable).
4)- C/Qaadir X. Ismaaciil Jirde
5)-Cali Yuusuf Axmed
6)-Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Weyne)
7)- Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle
8)- Baar Siciid Faarax
9)- Axmed Ducaale Bulaale
10)- Maxamed Cali Xirsi
11)-Ibraahim Caraalle Cabdi
12)-Xuseen Ismaaciil X. Yuusuf
13)-Mahdi Sugaal
14)-Maxamuud Dhunkaal Tukaale
15)- Ibraahim Axmed Raygal
16)-Saleebaan Cawad Bukhaari
17)-Cali Maxamed Aadan
18) Muuse Maxamed Hoos u jeed
19)-Maxamed Saalax Cigge
20)- Cali Sh. Ibraahim Aareeye
21)- Xamse Maxamed Gaada-weyne
22)- C/Kariim Aw Cali Shabeel
23)- Axmed Xasan Aadan (Wayso-cadde)
24)-Aadan X. Diiriye Dirir
25)- C/Qaadir Askar Xasan
26)- Maxamed Baaruud Shidde
27)- Axmed Barkhad Obsiiye

Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada ayaa dhigayay in shirgudoonka Golaha lagu bedeli karo 55 Mudane, waxaana Mudaneyaashan mooshinkan wataa ay doonayaan inay ka dhigaan cod hal dheeri ah in xilka lagaga xayuubin karo shirgudoonka.
Mooshinkani wuxuu ku soo beegay xili ay socdaal dibadeed ku maqan Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Md, C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) iyo Guddoomiye Ku Xigeenkiisii koowaad Md. C/Casiis Maxamed Samaalle.

Somaliland.org
Hageysa