Madbacada oo markii u horaysay la timi agabkii daabacaada oo dhamaystiran

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madbacada qaranka Jsl, ayaa maanta markii ugu horaysay la timi agabkii daabacaada oo dhamaystiran.
Agabkaas oo ka koobnaa warqaahaha lagu sameeyo Dokumatiyada ay isticmaalaan hay’adaha dawlada iyo kuwa kaleba shalay, ayaa qabytii ugu horaysay lagu rogayey xarunta Madbacada iyada oo qaybo kalena ay soo socdaan
Maareeyaha Madbacada Cali Siciid Raygal oo u waramayey warbaahinta, ayaa sheegay in agabkani ka kooban yahay waraaqaha kala duwan ee lagu sameeyo waraaqaha lacag qabashada, kuwa cashuuraha, lacag bixinta, qaan sheegta, Dokumatiyada iyo wixii la xidhiidha.
Waxa uu intaa ku daray in muddo 8 sanadood ah ay tahay markii ugu horaysay ee sidan oo kale ay Madbacadu awoodu in ay agabkeeda ka doonato debbeda.
Mr Cali Siciid Raygal oo shalay ku mashquulsanaa dejinta alaabtaas, waxa intaa raaciyey in qaybta kale ee hadhayna ay soo gaadhayaan dekeda Berbera maalmaha soo socda.
Dhinaca kale Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Madbacada Axmed Cumar Xuseen, ayaa sheegay in muddo dheer aanay madbacada qaranku aanay la iman wax agab (Stock) sidan oo kale ah, madbacaduna ay garab rarato ahayd, sidaana aanay madbacadu ku shaqayn karayn.Agaasimaha waaxda shaqaaluhu waxa uu intaa ku daray in maamulkan cusubi uu madbacada ugu yimi iyada oo madhan, balse wakhtigan ay shaqadii iyo agabkii shaqaduba si weyn isu bedeleen.

Somaliland.Org
Hargeysa