Xeer Ilaaliyaha Guud oo Sheegay in Kiiskii Ninkii Jarmalka ahaa Loo Wareejiyay Maxkamadda Gobolka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Ducaale, ayaa sheegay in nidaam sharciya la marinayo nin Jarmal ah oo loo haysto falal dhaqan xumo ah oo ka baxsan anshaxa suuban iyo Diinta Islaamka.
Waxaanu sheegay in kiiska ninkaas loo wareejiyay inay dhegaysato Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Xeer-ilaaliyaha Guud oo shalay u waramayay Wargeyska DAWAN, wuxuu faahfaahin ka bixiyey kiiskaas, waxaanu yidhi “Horta kiiskaas kiisas ka waaweyn oo ka xasaasisan ayaanu qabanaa, markaa kiiskaas waan maqlay waxaana gacanta ku haya xafiiska xeer-ilaalinta Gobolka, booliisku way soo baadheen oo xafiiska xeer-ilaalinta ayey u soo gudbiyeen ninkiina wuu xidhan yahay, markaa wax la isku sii mashquulayo-ba ma’aha. Dacwadani Maxkamadda ayey si sharciya ayey u maraysaa, qareena uu leeyahay ninkani.”
Xeer-ilaaliyaha oo la weydiiyay, sababta kiiskan looga wareejiyay Maxkamadii Degmada ee hore gacanta ugu haysay, waxaanu yidhi “arrintaasi way jirtaa, arrimaha ayaa kala culays badan, ee dadku inay yidhaahdaan ninkan waajibkiisa ha la mariyo, marna ay yidhaahdaan maxaa Maxkamaddii derejada hoose ee qafiifka ahayd maxaa looga wareejinayaa ma’aha.”
Xasan Axmed Ducaale oo la weydiiyay sida uu u arko, baaq dhowaan ka soo baxay Ururrada Xuquuqul Insaanka Somaliland oo xukuumadda ku eedeeyay in tacadiyo loo geystay qoysas ka mid ah bulshada la-hayb-sooco iyo xubno ka mid ah saxaafada madaxa bannaan, waxa uu yidhi “Walaahi ma odha karo xad-gudubyadaasi way jiraan, sababta oo ah marka kowaad Ururrada Xuquuqul Insaanka waxa loogu talo-galay inay xad-gudubyada ay arkaan ay la soo socodsiiyaan xukuumadda si wax looga qabto oo ay qoraallo ku soo gudbiyaan meelaha xad-gudubyadu ka dhaceen iyo cida geysatay, laakiin iyada oo aan waxba soo gudbin inay Dawladda canbaareeyaan ma’aha.”
Xeer-ilaaliyaha Guud oo ka hadlayay shir caalami ah oo wefti uu ka mid ahaa ay kaga qaybgaleen dalka Denmark oo laga hadlayay La-dagaalanka Budh-cad Badeeda Soomaalida ee dhibaatada ku haysa maraakiibta iyo doonyaha maraya marin-biyoodka Badda Cas, waxaanu sheegay inay shirkaasi weftigii Somaliland ka socday ay ka jeediyeen khudbad ay kaga hadlayeen sida ay xeebaha Somaliland uga caagan yihiin Budh-cad Badeedka iyo dagaalka ay xukuumadda Somaliland ay kula jirto kooxaha budh-cad badeeda.

Xigasho: Wargeyska DAWAN

dawannews@yahoo.com