Maayar Jiciir oo Joojiyey inuu Qaabilaadda Dadweynaha Shaqadu kaga Xidhan Tahay

“Maayarku Wuxuu Isku Deyray Askar Loomana Galo”

“Wuxuu Yimaadaa Xafiiska maalinta uu Jeeg Qoranayo”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Dadweyne tiro badan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan caasimada Hargeysa, ayaa Maayarka Caasimada ku eedeeyay in aanu gudan Karin xilka mayorka caasimada ee uu hayo, iyaga oo isla markaana ku tilmaamay in aanu lahayn haybad mas’uuliyadeed oo uu ku wado xilka culus ee uu ummada u hayo.
Waxa ay ku eedayeen inuu albaabada ka xidhay dadweynaha hawlaha shaqo kaga xidhan yihiin xafiiskiisa. Waxa kale oo ay ku eedayeen Maayarka inuu isku dayray askar ilaalo ah oo ka celiya dadweynaha, taas awgeedna ay adag tahay sida ay ku helaan dadka ay hawlahu kaga xidhan yihiin.
Waxa kale oo ay dadweynahaasi sheegeen in xitaa hadii la helo aanay suurto –gal ahayn in uu qof keliya si fiican u qanciyo, balse uu qof kasta oo muraad ka soo galoba iska diro ballan been ah oo ay adagtahay sida wax uga fulaan.
Wariyeyaal ka tirsan wargeyska DAWAN oo shalay booqday Dawladda Hoose, ayaa la kulmay dadweyne xafiiskiisa hor dhoobnaa oo qaarkood ku soo noqnoqonayeen muddo bil ka badan. Mustafe Cabdi oo ka mid ah dad tiro badnaa oo shalay tubnaa xafiiska maayarka Hargeysa, ayaa walaac ka muujiyey xilgudashada Maayarka, waxaanu yidhi “Waxaan la yaabay Maayarka Hargeysa oo sheeganaya nin mutacalin ah oo mas’uul ka ah xarun xasaasi ah oo adeeg bulsho ka socdo, oo haddana xafiiskiisa u sameeyey saddex albaab oo kala dambeeya cid ka mid ah dadweyaha ku dhaqan caasimadda ma ogola inay la kulanto. Ma garanayo wax uu meesha u fadhiyo, waxa la ii sheegay inuu xafiiska yimaado maalinta uu doonayo inuu jeeg lacageed qorto. Muddo 15 cisho ah ayaan subax walba imaadaa xafiiskiisa hortiisa umana gelin. Saddex cisho oo qudha ayuu fadhiistay maalmahaasna wuu diiday inuu cidba qaabilo.”
Haweenay ka mid ahayd dadweynihii halkaa ku sugnaa oo isbarbar dhig ku samaysay Xoghayaha Fulinta iyo Maayarka Hargeysa, waxaanay tidhi”Waxaan soo dhawaynayaa Xoghayaha Fulinta D/Hoose Hargeysa Deeq Xirsi Cambuur oo muddo laba bilood iyo dheeraad joogay xafiiska ayaa bilaabay sunne ku cusub Dawlada Hoose waxa uu albaabka u furay dadweynaha Hargeysa inay hawsha shaqo ee kaga xidhan isaga ay kala hadli karaan saacad kasta, waxaanu dadku si joogto ah ugu galaan Xoghayaha 7:00 subaxnimo illaa 12 Duhurnimo, waan soo dhawaynaynaa arrintaasi waxase aan cambaareynaynaa hab-dhaqanka ciidan la isku xeeray Maayarka Hargeysa, waxaan leeyahay waad ceebanaysaa sharaftii Golaha Deegaanka iyo Shacbigaba, waxaan kuu soo jeedinayaa in aad xafiiska fadhiisato oo aad qanciso dadka shaqada kaaga xidhan tahay haddi kale aad is-casisho oo u banayso mas’uul kale.”
Siciid Cabdi yare nin waayeel ah oo xafiiska maayarka hor fadhiyey ayaa isaguna naqdiyey hab-dhaqanka Hoggaamineed ee Maayarka Hargeysa oo uu sheegay inuu aad ula yaabay waxaana ku tiraabay “Runtii maayarka Hargeysa wuxuu ku fiican yahay uun in aad idaacadaha ka maqasho magaciisa, hase yeeshee marka daacad loo hadlo maayar Jiciir waa nin aan lahayn haybad mas’uulnimo, waayo Ilaahay Barashada Runta ayuu bir kaga dhigay, maalin walba wuxuu ku odhanayaa bari ii kaalay marka shaqo kaaga xidhaanto haddana ma helaysid waa mar uu dibadaha tamashleynayo iyo mar uu askar badan isku wareejinayo. Ninkani lama jaan-qaadi karo isbeddelkan siyaasadeed iyo maamul ee dalka ka dhacay.”
Xaali Maxamed oo iyana ka mid ahayd dadka hawlaha shaqo kaga xidhnaayeen ayaa tagtay xafiiska Maayarka oo ku ay ku hungowday kana wayday xafiiska muddo 10 cisho ka badan.
Xigasho: Wargeyska DAWAN
dawannews@yahoo.com